Wednesday, July 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamadda Sare ee C.Q.S oo ku raacaday xukun ay horay u riday maxkamada darajada 1aad ee Ciidamada

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
October 20, 2018
in Wararka
0
Maxkamadda Sare ee C.Q.S oo ku raacaday xukun ay horay u riday maxkamada darajada 1aad ee Ciidamada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Racfaanlayaasha kalXasan Geedi Cabdulle iyo Maslax Maxamuud Cali ayaa si wada jir ah loogu soo eedeeyay in ay rasaas ay rideen ay   ku dhinteen   dad rayid ah oo saarnaa gaari Hoomey ah oo marayayay waddada Bacaacow ee  degmada Afgooye, halka Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow uu Beledweyn  ku dilay 7/2/2018 Marxuum Xasan Abshir Warsame.

Xasan Geedi Cabdulle iyo Maslax Maxamuud Cali  waxay horay ugu xukuntay Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada in ay bixiyaan magta Labada marxuum oo ay dileen oo ah laba boqol oo halaad iyo Qarashkii ku baxay dhibanayaal dhaawac uu  ka soo gaaray rasaasta ay fureen, halka  Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow lagu xukumay dil toogasha ah oo ah qisaastii Marxuum  Xasan Abshir Warsame  26-ka bishii sideedaad ee sanadkan .

Related posts

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

July 1, 2025
Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

July 1, 2025

Wixii xilligaas ka dambeeyay ayuu Yariisow isaga soo baxsaday halka uu dilka ka geystay ee aheyd degmada Beledweyn ee  xarunta gobalka Hiiraan, isagoo soo  gaaray  magaalada Muqdisho.

07/07/2018 ayuu isku dayay in u iska diiwaan  geliyo dugsiga tababarka Boliiska ee Jeneraal Kaahiye xilligaasi uu ku dadaalayay badalka magiciisa iyo ku biiristiisa balse ciidamada boliiska oo haayay xogta Yariisow ayaa gacanta ku soo dhigay iyagoo ku wareejiyay xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida.

Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa ka tirsanaa Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan  qeybta 27-aad  ee ka howlgasha deeganada maamulka Hirshabelle.

10ka- bishii tobanaad ee sanadkan ayay Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Side  muddeysay waqtiga dacwad qaadista labada Kiis, waxaana sedax  cisha kadib loo ballamay in loo fariisto Maxkamadeynta Sedaxda  eedeysane ee rafcaan ka soo qaatay Xukunkii Maxkamadda Darajada Koowaad.

Dood dheer oo u dhaxeysay dhinacyada Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Side iyo Qareenada difaacayay eedeysanayaasha oo qaadatay Subaxnimadii Sabtida ilaa Duhuradii ayay dhageysatay Maxkamadda Sare ee Ciidamada 13/10/2018, waxa ayna dhinac kasta u bandhigeen Garsoorayaasha hadba qodobada ay cuskanayaan difaaca iyo eedeynta eedeysanayaasha.

Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa si wada jir ah labada kiis ugu dooday in ay ahaayeen kuwa ku tala gal ah, waxa ayna Maxkamadda weydiisteen in dil toogasha lagu xukumo sida uu ka sheegay fadhiga Maxkamadda Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenKa Xeer ilaaliyaha  Ciidamada Qalabka Side.

Qareenada u dooday  eedeysanayaasha ayaa iyagana ku dooday in Xasan Geedi Cabdulle iyo Maslax Maxamuud Cali ay ku guda jireen  howlo shaqo oo amni xaqiijin ah, waxa ay weydiisteen garsoorka in loo naxariisto  halka Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo isaga qirtay dambigiisa loo fududeeyo xukunka oo  dhammaan eedeysanayaasha si wada jir ah looga qaado diyo.

Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn  go’aan ku gaaray in Xasan Geedi Cabdulle iyo Maslax Maxamuud Cali lagu  raaco  xukunkii Maxkamadda Darajada koowaad ee ahaa bixinta laba boqol ee halaad ee labada Marxuum  iyo  qarashka ku baxay sedaxda dhibane ee uu dhaawacu soo  gaaray, waxa ay sidoo kale Maxkamadda ku xukuntay dil toogasha ah Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo ah qisaaasta Marxuum Xasan Abshir Warsame, Sida uu  u sheegay  dhinacyada ka qayb  galayay fadhiga dacwadda Sareeye guuto Liibaan Cali Yarow guddoomiyaha Maxkamadda Saree ee Ciidamada Qalabka Sida.

Previous Post

Buugga diiwaangelinta Tacsida Madaxweynihii hore ee dalka Sudan Gen. C/raahman Mahamed Hassaan (Siwar Al Dahab) oo Muqdisho laga furay

Next Post

Guddoomiye Yariisow iyo safiirka Qatar oo dhagax-dhigay dib u dhiska Masjidkii Suuqa Afleershe+sawirro

Next Post
Guddoomiye Yariisow iyo safiirka Qatar oo dhagax-dhigay dib u dhiska Masjidkii Suuqa Afleershe+sawirro

Guddoomiye Yariisow iyo safiirka Qatar oo dhagax-dhigay dib u dhiska Masjidkii Suuqa Afleershe+sawirro

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

July 1, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay munaasabadda xuska sannad guurada 65-aad ee xornimada iyo Midnimada...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

July 1, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalaya xuska Munaasabadda 1-da Luulyo oo ku astaysan 65-...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo xuska 1-da luulyo la dabaal-degay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Tanzania

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo xuska 1-da luulyo la dabaal-degay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Tanzania

July 1, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xalay fiidkii oo Isniin ahayd kaga qeybgalay Xuska 65...

Guddoomiye Aadan madoobe oo diray hambalyo ku aaddan 1-da Luulyo

Guddoomiye Aadan madoobe oo diray hambalyo ku aaddan 1-da Luulyo

July 1, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed meel...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In