Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamadda Sare ee CQS oo go’aan ka soo saartay kiis dil ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Maxkamadda Sare ee CQS oo go’aan ka soo saartay kiis dil ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida, ayaa maanta go’aan ka soo saartay kiiska Dable NISA Mahad Cali Cabdi “Madaxeey” iyo Dable Boolis Cadnaan Muuse Maxamed oo ka wada howlgalayay bar lagu hubiyo gaadiidka oo ku taalla isgoyska Taleex ee degmada Hodan, waxaana lagu eedeeyey dil ka dhashay Is qab-qabsi ka bilowday Deysmada mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha iyo cidda is ka leh ka gudashada waajibka hubinta iyo amarka fasaxidda.

Todobo iyo labaatankii bisha lixaad ee sanadkaan Is-rasaaseyn dhex martay Labada eedeysane, ayaa waxaa ku geeriyooday Cabdiraxmaan Cusmaan Muuse oo ku howlanaa xalinta khilaafka ka dhex jiray Mahad iyo Cadnaan.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Xafiiska Xeer ilaalinta iyo ehelada Marxuum Cabdiraxmaan Cusmaan Muuse ayaa Racfaan ka qaatay xukunkii Maxkamadda darajada Koowaad ay horey ugu riday Labada Eedeysane, Sideed iyo Labaatankii August, waxaana baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida uu mar kale codsaday qaadista kiiskaan.

Maxkamadda Sare ee Ciidamadda Qalabka Sida oo aqbashay dalabkii racfaanka, ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, iyadoo ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan.

1- Dable NISA Mahad Cali Cabdi “Madaxeey” ayey Maxkamada sare ku xukuntay Dil toogasho oo ah qisaasta Marxuum Cabdiraxmaan Cismaan Muuse.

2- Dable Boolis Cadnaan Muuse Maxamed ayaa isna lagu xukumay Lix sano oo Xabsi Ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Sareeyo Guuto Liibaan Cali Yaroow Guddomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka sida.

Previous Post

Culimada Soomaaliyeed oo ku baaqay in dalka laga difaaco cadowga Itoobiya

Next Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo tababar u soo xiray shaqaalaha Hay’adda SoDMA

Next Post
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo tababar u soo xiray shaqaalaha Hay’adda SoDMA

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo tababar u soo xiray shaqaalaha Hay’adda SoDMA

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In