Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamadda sare ee dalka Kenya oo ka hortimid qorshaha lagu xirayo xeryaha qaxootiga Dhadhaab

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Maxkamadda sare ee dalka Kenya oo ka hortimid qorshaha lagu xirayo xeryaha qaxootiga Dhadhaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa ku gacanseyrtay go’aankii dowladda ku dooneysay in ay ku xirto xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab, waxayna maxkamaddu sheegtay in go’aanka dowladda Kenya uu xadgudub ku yahay xuquuqda qaxootiga.

Maxkmadda sare ee dalka Keenya ayaa ku tilmaantay qorshaha dowladda Kenya ay ku xireyso xeryaha qaxootiga Dhadhaab mid aan dastuuri ahayn oo ka hor imaanaya sharciga dalkaasi.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Xaakimka maxkamadda sare ee dalka Kenya John Mativo ayaa yiri ‘‘go’aanka dowladda wuxuu si gooni ah u  bartilmaameedsanayaa qaxootiga Soomaalida, taasoo ah mid sharci darro ah, sidaas darteedna waxaan go’aankaasi ka soo qaaday mid aan waxba ka jirin”.

Go’aanka maxkamadda sare ee Kenya ayaa imaanaya, iyadoo wasiirka amniga ee Kenya uu shaaciyay  bishii May ee sanadkii tagay  in dowladda Kenya ay si rasmi ah u xiri doonto xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab., halkaas oo ay ku nool yihiin kummanaan qaxooti Soomaali ah.

Dhanka kale Hay’addaha u dooda xuquuqda aadanaha ee kala ah Human Right Watch iyo Amnesty international ayaa soo dhoweeyey go’aanka maxkamadda sare ee Kenya ay ku hor istaagtay qorshaha dowladdaasi ay ku soo xireysay xeryaha qaxootiga Dhadhaab waxa ayna sheegeen in uu yahay mid taarikhi ah.

 

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo casho sharaf u sameeyay musharraxiintii uu ka guuleeystay+Sawirro

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo casho sharaf u sameeyay musharraxiintii uu ka guuleeystay+Sawirro

Madaxweyne Farmaajo oo casho sharaf u sameeyay musharraxiintii uu ka guuleeystay+Sawirro

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In