Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamadda sare ee dalka oo shaacisay in uusan jirin ururka Iskaashatooyinka Qaranka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
February 22, 2016
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamadda sare ee dalka ayaa go’aan ka soo saartay is qab qabsi muddooyinka dambe ka dhexeyeey hogaanka ururka iskaashatooyinka Soomaaliyeed.

Maxkamada sare ee dalka ayaa maanta xukmisay inuusan dalka ka jirin urur iskaashato Qaran kadib markii maxkamadda ay u fariistaay dacwad is qa qabsi ah u dhexeysay labo garab oo isku heystay Ururka iskaashatooyinka Soomaaliyeed, iyadoo Maxkamadda sare ay u sababeysay arrimo ay kamid tahay in Ururka la isku heystay uu yahay mid ku kooban Muqdisho, isla markaana aysan qeyb ka aheyn iskaashatooyinka Gobollada dalka.

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Kaaliyaha Maxkamda sare ee dalka Mahdi Xuseen Maxamuud ayaa ugu horeyn aqriyay go’aanka ay maxkamdda soo saartay iyo sharciyada loo cuskaday.

  1. Maxkamadda waxa xukuntay in ururkii jiray xiligii dowldda dhexe ee UDHIS uu la bur buray dowladdii dhexe ee dalka.
  2. In wixii hanti uu ka tegay ururka ee ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
  3. In aan hadda jirin ururkaasi ama Urur Iskaashato oo heer Qaran oo dadka oo dhan ka dhexeeya, laamana ku leh degmooyinka iyo gobollada dalka.
  4. In wixii urur ah ee ka jira Xamar uu yahay mid Xamar un ku kooban, ama gaar gaarka ah, sida kan gaadiidka, dhuxusha, beelayda
  5. Iskaashato dal ama waxay noqon kartaa marka degmooyinka iyo gobollada dalka ay ka sameystaan urur iskaashato, isla markaana sameysta xeerar ay isku maamulayaan.
  6. Labadan urur ee dacwadan isaga soo horjeeda, midkoodna ma buuxin sharuudihii ay uu ku noqon lahaa urur Iskaashato Qaran oo ay ku midoobeen iskaashatooyinka ka jira dalka.

Guddoomiyaha Maxkmada sare ee dalka Mudane Ceydiid Cabdullahi Ilka xanaf ayaa sheegay in haddii la sameynayo Ururka iskaashatooyinka Qaranka loo baahan yahay in la sameeyo sharci lagu dhisayo Ururkan,

“Urur Qaran oo UDHIS la yiraahdo oo dalka ka jira hadda ma jiro, dowladda way dhisi kartaa, balse waxaa ka horeysa in la helo sharcigii lagu dhaqi lahaa, haddii sharci cusub iyo nidaam cusub oo dowladeed la sameeyo waa la aas aasi karaa” ayuu yiri Abukaate Caydiid Ilka Xanaf.

Go’aanka Maxkamada sare ee dalka ayaa xal u noqonaya muran in muddo ah soo jiitamayay oo u dhexeeyay labo garab oo isku heystay Ururka iskaashatooyinka Soomaaliyeed.

Previous Post

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga oo soo bandhigtay fursad shaqo

Next Post

Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir oo Muqdisho ka furay mashruuc waxtar u leh bulshada “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir oo Muqdisho ka furay mashruuc waxtar u leh bulshada “SAWIRRO”

Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir oo Muqdisho ka furay mashruuc waxtar u leh bulshada “SAWIRRO”

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In