Sunday, October 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Midowga Afrika oo Ergey cusub u magacaabay Soomaaliya

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Xubno ka tirsan golaha xuquuqul insaanka ee Midowga Africa oo Muqdisho soo gaaray ”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha gudiga Midowga Afrika Dr. Nkosazana Dlamini-Zuma,ayaa maanta Ambassador Francisco Caetano Jose Madeira, oo u dhashay dalka Mozambique,  u magacowday wakiilka gaarka ah ee midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya isla markaana madax u ah howlgalka AMISOM kaas  oo lagu bedeley  Ambassador Maman Sambo Sidikou oo u dhashay  Niger,ilaa   2010 ka.

Ambassador Madeira ayaa horey u soo qabtay xilal dhowr ah oo uu kamid yahay wakiilka gaarka ah ee midowga Afrika u qaabilsan la dagaalanka argagaxisada uu fadhigiisu yahay magaalada  Algiers ee dalka Algeria, wuxuna hadda hayay wakiilka midowga Afrika u qaabilsan arimaha jabhadda LRA ee dagaalka in muddo ah ka waday dalka Uganda iyo wadamo kale laba soo bilaabo 2011-2014.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Francisco Madeira ayaa sidoo kale waxaa uu noqotay danjiraha dalka Mozambique u fadhiyi jirey xarunta Midowga Afrika intii u dhaxeysay sanadkii 1984 -1989, iyadoo sidoo kale la taliye dhanka diblomaasiyadda ah u noqoday madaxweynaha wada hadaladii nabadeed ee dowlada ay lagashay ururka mucaaradka ah ee RENAMO, taas oo ka dhalatay in heshiis magaalada Rome bishii August  sanadkii 1992.

Magacaabistan ayaa imaanaya xilli Midowga Afrika isku dayayo in uu nabad ku soo dabaalo Soomaaliya isla markaana lasii xoojiyay guulaha laga gaaray kooxaha argagaxisada ah,si wadada loogu xaaro doorashooyin guud oo dalka ka qabsooma markan la gaaro sanadka 216-ka.

Ambassador Madeira ayaa waxaa waajibaadkiisa shaqo waxaa kamid ah in si dhow ula shaqeeyo dowladda Soomaaliya, urur goboleedka IGAD,xafiiska siyaasada ee Qaramada Midoobay,Midowga Yurub iyo dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska.

Guddoomiyaha gudiga  Midowga Afrika ayaa amaan u soo jeedisay Ambassador Sidikou shaqadii uu Soomaaliya ka qabtay mudadii uu xilka hayay ,taas oo ay kamid tahay is balaaranta ay sameeyeen ciidanka xooga dalka iyo kuwo Midowga Afrika ee AMISOM.

Amassador Francisco Madeira  ayaa ku dhashay magaalada Beira ee dalka Mozambique  4 April  sanadkii 1954. Waxaa uu bartay xiriirka caalamka Jaamacad ku taala magaalada  Daaru Salaam ee Tanzania, isagoo sidoo kale shahaadada sharciga ka qaatay Jaamacada Eduardo Mondlane oo ku taala magaalada Maputo ee caasimadda dalka Mozambique.

 

Previous Post

Ganacsade Cabdi Cali Faarax oo shahaado sharaf la gudoonsiiyay

Next Post

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In