Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Midowga Ardayda Jaamacadda SIU oo hogaan cusub doortay “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Midowga Ardayda Jaamacadda SIU oo hogaan cusub doortay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan ay iskugu yimaadeen xubno ka socday fasalada Jaamamacadda SIU oo ay ku dooranayeen hogaanka Midowga Ardayda SIU ayaa lagu qabtay xarunta Jaamacadda faraceeda KM4, iyadoo ay ka qeyb galeen Madaxda Jaamacadda, mas’uuliyiin kale iyo guddi loo xulay doorashada.

Ardayda ayaa waxa ay doorteen 7 xubnood oo ku tartamayay jagooyinka kala duwan ee Midowga Ardayda Jaamacadda SIU, kuwaasi oo kala ah guddoomiye, guddoomiye ku-xigeen, Xoghaye, Xariirka Dadweynaha, Maaliyadda iyo shaqada shaqaalaha.

Related posts

Wasiirka Waxbarashada XFS oo wadahadalo Caalami ah kaga qaybgalay magaalada Nairobi.

Wasiirka Waxbarashada XFS oo wadahadalo Caalami ah kaga qaybgalay magaalada Nairobi.

January 28, 2026
Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug.

Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug.

January 28, 2026

Doorashada oo ahayd mid qarsoodi ah ayaa waxaa si habsami leh u waday guddiga doorashada oo ugu dambayntiina ku dhawaaqay xubnaha ku soo baxay doorashada.

Dr Cusmaan Faytaan gudoomiyaha guddiga doorashada ayaa u sheegay warbaahinta in ay tahay maalin weyn oo dadku ku farxaan in ardayda Soomaaliyeed ay manta isdoortaan hogaan cusub, taasi oo ka dhigan in ay yhiin hogaan sameeyay isbedel tusaale wanaasgana u ah madaxda in la doorto.

Hormuudka Jaamacadda SIU Prof Yaxye Cali Ibraahim ayaa sheegay in ardayda Jaamacadda ay qayb muhiim ah ka yihiin hanaanka wax hogaamineed, waxa uu xusay in maanta ay si buuxda ula wareegayaan kursiga ay ku leeyihiin Jaamacadda, maadaama kuwii ka horeeyay uu waqtiga ka dhaamaday.

Prof Yaxye Cali Ibraahim ayaa kula dar daarmay hogaanka ardayda Jaamacadda ay doorteen looga baahanyahay in ay noqdaan wakiilo baadi gooba tacliinta sare, ayna buuxiyaan gaabka waxbarsho “Waxaadtihiin hogaanka looga fadhiyo in aad horseed u noqtaan tacliinta sare ee Soomaaliya, waxaana mas’uuliyad idinka saaran in aad dar dargelisaan howlaha la idin igmaday”

Guddoomiyaha La doortay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanahay waxa uuna intaasi ku daray in uu dar dargelin doono waajibaadka saeran ee loo idmaday.

Hogaanka cusub ee la doortay ayaa bedeli doonaa hogaankii muddada sanadka ah soo shaqaynayay ee Jaamacadda SIU, waxaana horyaalla howlo adag oo looga fadhiyo inay wax badan ka qabtaan.
DSC_6066

DSC_6081

DSC_6104

DSC_6125
SIU

Previous Post

Dibad bax looga soo horjeedo Charlie Hebdo oo Muqdisho lagu qabtay”sawiro”

Next Post

DAAWO-R/Wasaare Cumar ayaa la kulmay Safiirka dowladda Isutaga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya.

Next Post
DAAWO-R/Wasaare Cumar ayaa la kulmay Safiirka dowladda Isutaga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya.

DAAWO-R/Wasaare Cumar ayaa la kulmay Safiirka dowladda Isutaga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya.

Wasiirka Waxbarashada XFS oo wadahadalo Caalami ah kaga qaybgalay magaalada Nairobi.

Wasiirka Waxbarashada XFS oo wadahadalo Caalami ah kaga qaybgalay magaalada Nairobi.

January 28, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa magaalada Nairobi, caasimadda dalka...

Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug.

Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug.

January 28, 2026
0

Horjooge Cabdiraxmaan Talxo Shuuke, oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta, ayaa maanta isku dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug, gaar ahaan ururka Galayr...

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku hoggaaminaysa xal u helidda qalalaasaha Bariga Dhexe.

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku hoggaaminaysa xal u helidda qalalaasaha Bariga Dhexe.

January 28, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Xamse Aadan, ayaa sheegay in Soomaaliya ay hoggaaminayso dadaallada Golaha Ammaanka ee...

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

January 28, 2026
0

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii wada howlgal qorsheysan oo ka dhan ah maleeshiyaadka Khawaarijta, iyagoo ku baacsanaya dhulka howdka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In