Tuesday, July 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Midowga Macalimiinta dugsiyada Qur’aanka ee Wadanka Kenya oo ka qeyb galaya u gurmadashada dadka abaartu saameysay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Kulan Looga Hadlay Amniga Iyo Abaaraha Oo ka Dhacay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Midowga Macalimiinta dugsiyada Qur’aanka Soomaalida ee Wadanka Kenya ayaa ballan qaaday in ay ka qeyb qaadan doonaan gurmadka loo fidinayo dadka ay abaaraha ku saameeyeen qeybo kamid ah gobollada dalka Soomaaliya.

Kaddib kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Nairobi Midowga Macallimiinta dugsiyada Qur’aanka ee wadanka Kenya ayay kaga hadleen qodobo dhowr ah oo ay ugu muhiimsaneed doorka ay ka qaadan karaan u gurmashada dadka ay abaaraha baahsan ku saameeyeen qeybo ka tirsan dalka Soomaaliya.

Related posts

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

July 21, 2026
Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

July 21, 2026

Kulanka oo ay ka sooo qeybgalay culumaa’udiin, dhalinyarro, aqoonyahanno, waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxaa kaloo looga hadlay u diyaar garowga tartamada bisha Ramadaan ee ay qaban jireen midowga Macallimiinta dugsiyada qur’aanka iyo qodobo kale.

Afhayeenka Midowga Macallimiinta Dugsiyada Qur’aanka ee wadanka Kenya , C/fitaax Sheekh Maxamuud Al-Cadaala ayaa si kooban u dulmaray ujeedada kulanka….Cod

“Shirka waxaa ka soo baxay Midowga Macallimiinta dugsiyada qur’aanka Soomaaliyeed ee wadanka Kenya la xoojiyo, in musaabaqadii dhici jirtay bisha Ramadaan ay dhacayso Insha Allah, in dhammaan madaariista ku yaalla wadanka Kenya la dhexmari doono si aan uga qeyb qaadano u gurmashada dadka ay abaaraha ku saameeyen wadankeena, iyo in khilaafka la yareeyo wixii mad madow ah ee jirana la xallin doono Insha Allah” ayuu yiri Afhayeen Al Cadaala

Dhinaca kale Maamulaha Mu’asasada Anaasaru Sunnah Trust  Sh. C/risaaq Jiir oo kulanka ka hadlay ayaa ballan qaaday in ay ka qeyb qaadan doonaan gurmadka loo fidinayo dadka ay abaaraha baahsan ku saameeyeen gudaha wadanka Soomaaliya.

“Waxaan ballan qaadeynaa in aan ka qeybgaleyno caawinta walaalaheen Soomaaliyeed, waxaan dhex mari doonaan dhammaan  dugsi qur’aannada ku yalla wadanka Kenya, waxaana rajeynaa in aan wax fiican gaarsiino dadkaas abaartu ay haleeshay” ayuu yiri Sheekh Jiir

Dhowaan ayay aheyd markii shir ay ku yeesheen magaalada Nairobi Culimada Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayay Sh. Maxamed Cabdi Umal ay ku ballan qaadeen in ay u gurman doonaan dadka ay abaaraha kula sameeyeen qeybo ka tirsan dalka Soomaaliya, isla markaana ay sameeyeen Acount-yo ay dadka Soomaaliyeed uga qeybgali karaan tabarrucaadda.

Previous Post

Qoysas ku soo barakacay degmada Kaxda oo kaalmo la gaarsiiyay “SAWIRRO”

Next Post

Taliska Ciidanka XDS Oo Digniin Adag u Diray Dadka Baraha Bulshada Sida Been Abuurka Ah Ugu Sameystay Magaca Taliyaha

Next Post
Taliska Ciidanka XDS Oo Digniin Adag u Diray Dadka Baraha Bulshada Sida Been Abuurka Ah Ugu Sameystay Magaca Taliyaha

Taliska Ciidanka XDS Oo Digniin Adag u Diray Dadka Baraha Bulshada Sida Been Abuurka Ah Ugu Sameystay Magaca Taliyaha

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

July 21, 2026
0

Ciidamada dab-damiska iyo kooxaha gurmadka degdegga ah ee Gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay inay damiyaan dab xooggan oo maanta ka...

Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

July 21, 2026
0

Masuuliyiin ka socday wasaaradaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho uga qaybgalay tababar ku saabsan dhisidda adkeysiga dhaqaale...

Dab xooggan oo saaka ka kacay qeybta Cabdulla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha

Dab xooggan oo saaka ka kacay qeybta Cabdulla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha

July 21, 2026
0

Dab xooggan ayaa saaka ka kacay qeybta Cabdulla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha, iyadoo ololka uu saameeyay goobo ganacsi oo ku...

Soomaaliya oo u diyaar-garoobaysa booqashada Madaxweynaha FIFA ee Muqdisho

Soomaaliya oo u diyaar-garoobaysa booqashada Madaxweynaha FIFA ee Muqdisho

July 21, 2026
0

Wada-shaqeynta dhow ee u dhexeysa Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaamiyo Wasiir Maxamed Cabduqaadir Cali,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In