Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Midowga Yurub oo ku dhawaaqay Taageeradii ugu horeysa ee Miisaaniyadeed ee Dowlada Federaalka Soomaaliya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Midowga Yurub oo ku dhawaaqay Taageeradii ugu horeysa ee Miisaaniyadeed ee Dowlada Federaalka Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Midowga Yurub ayaa ansixiyay howlgalkiisii ​​ugu horeeyay ee taageerada miisaaniyadeed ee ku siinayo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Yaboohan ayaa wadar ahaan Marka la isku daro gaaraya 100 milyan oo euros oo laga dhigi doono sedexda bilood ee ugu dambaysa ee sanadka 2018 ilaa 2021, taageeradan miisaaniyadeed ayaa la marin doonaa Dowladda Federaalka iyadoo la adeegsanayo nidaamka dowliga ah.

Hirgelinta ayaa waxay bilaaban doontaa bishan Oktoobar ee sanadkan 2018, kadib marka la helo heshiis loo dhan yahay, kaas oo awood u siin doono taageero tayo wayn leh oo ay helaan Dowladda Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka, yaraynta khatarta iyo xaqiijinta Hanti-dhowrka iyo sidoo kale tilmaamayaasha waxqabadka si loo dhiirigeliyo dib-u-habeyn lagu sameenayo dhinacyada dhaqaalaha bulshada Maamulka, xukunka sharciga, kaluumaysiga, waxbarashada iyo howlaha kale.

Related posts

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026

Mashruucan taageerada miisaaniyadda (ayaa sidoo kale loogu yeeray Heshiiska Dawlad Goboleedyada iyo Awoodda si degdeg ah uga soo kabashada dhibaatooyinka Soomaaliya), Midowga Yurub wuxuu hiigsanayaa in uu taageero federaalnimada Soomaaliya iyada oo loo marayo sare u kaca iyo horumarinta maaliyadeed ee ay dowlada dhexe ee Federaalka gaartay, iyada oo loo marayo Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka. Waxay sidoo kale Midowga Yurub uu xoojinayaa heshiiska bulshada ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dadka Soomaaliyeed iyadoo si tartiib tartiib ah u kordhinaysa doorka Maamulka Soomaalida ee bixinta adeegyada asaasiga ah.

Ansaxinta barnaamijka taageerada miisaaniyadeed ayaa qayb ka ah jawaab balaaran oo caalami ah oo ku saabsan hanaanka dowlad wanaaga iyo dib-u-habeeynta iyo fulinta siyaasadeed ay samaysay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Iyadoo maalin ka dib markii Bangiga Aduunka uu ku dhawaaqay barnaamijka ugu horeeya ee Kaalmaynta Horumarinta Caalamiga ah (IDA) ee Dowladda Federaalka in ka badan mudo 30 sano ah, oo u dhiganta $ 80 Milyan, iyada oo la raacayo qiimayn ku-meel-gaar ah ee IMF ee Barnaamijka Kor joogteynta Shaqaalaha (SMP).

Jawaabtan wadajirka ah ee beesha caalamka ayaa u ah fursadaha cusub ee dhismaha dowlad-goboleedyada iyo qaranka ee Soomaaliya. Waxay gacan wayn ka geysan doontaa kor u qaadida heerarka sareeya ee maamulka iyo la xisaabtanka Dowladda Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka. Waxay sidoo kale gacan wayn ka geysan doontaa sii xoojinta kalsoonida caalamiga ah ee Dowladda Federaalka iyadoo loo eegayo dhisida dib u habeynta xoogan ee loogu talagalay Hay’adaha Maaliyadeed ee Caalamiga ah ee ka yaraynta deemaha lacagaha ee wadamada aan dhaqaalaha haysan ee saboolka ah.

Midowga Yurub, oo ah deeq bixiyaha ugu weyn Soomaaliya, waxaa ka go’aan ah inuu taageero waddanka si uu u gaaro himilooyinka horumarineed ee ku saleysan Qorshaha Horumarinta Qaranka. Tani waxay la socotaa qaabaynta dhaqaalaha iyo ka dhaafida deynta waxay dalka u horseedi kartaa marxalad cusub oo barwaaqo ah.

Previous Post

Munaasabad lagu xusayey maalinta dalxiiska Aduunka oo lagu qabtay Muqdisho “Sawirro”

Next Post

Ciidamada Ammaanka oo gacanta ku soo dhigay horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab

Next Post
Ciidamada Ammaanka oo gacanta ku soo dhigay horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidamada Ammaanka oo gacanta ku soo dhigay horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
0

Magaalada Edmonton gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad aad u ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen Aqoonyahanno...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In