Friday, July 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Miino ay ku aaseen Kooxda Al-shabaab Waddada Buula-burte oo la fashiliyay

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Miino ay ku aaseen Kooxda Al-shabaab Waddada Buula-burte oo la fashiliyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

July 16, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Dowlada Jabuuti ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Dowlada Jabuuti ee Soomaaliya

July 16, 2026

Miino nooca dhulka lagu aasa ah oo ay dhigeen Kooxda al-shabaab meel u dhaxeysa Magaalada iyo Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Buule Burte ayaa la fishiliyay, kadib na si nabadgalyo ah loo qarxiyay.

Taliyaha ciidanka nabad sugidda Degmada Buule Burte Cusmaan Cabdi Waasuge ayaa sheegay in ay kooxdaasi ay damacsanaayeen inay ku waxyeeleeyaan dadka iyo duunyada mara wadadaasi, balse nasiib wanaag waa la arkay wana laga hortay, iyadoo isla goobtaasina lagu qarxiyay.

Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in arrintaasi kadib ay sameeyeen howlgallo, islmarkaana lagu soo qab-qabtay Dad lagu tuhunsan yahay inay falkaasi ka dambeeyeen oo tiradoodu dhan tahay 3 Ruux, isagoo xusay in haatan baaris lagu hayo.

Taliyaha waxa uu intaasi raaciyay in howlgallo ballaaran ay Ciidamadu ka sameeyeen dhowr tuulo oo hoos yimaada Degmada Buulo Burte, oo ay ka mid ahaayeen Beero yabaal, Weylo wad, iyo Caad Bashiir, kuwaasi oo laga soo qabtay Dadka lagu tuhunsan yahay inay falkaasi ka dambeeyeem.

Cusmaan Cabdi Waasuge oo la hadlayay Warbahinta Qaranka ayaa sheegay in Kooxaha nabad-diidku ay mar walba la maagan yihiin dhibaateyn isugu jirta dil, dhac hantiyadeed iyo qaraxyo, wuxuuna ugu dambeyntii u mahadceliyay Shacabka oo aan la ‘aantood aysan suurtogasheen in la fashiliyo Qaraxyada iyo dibindaabyooyinka kaleba.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo “Culumadu waa in ay bulshada u iftiimisaa dhagarta Al Shabaab iyo afkaarahooda gurracan”

Next Post

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kormeeray Deegaanka Baar-Sanguuni ee duleedka Kismaayo.

Next Post
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kormeeray Deegaanka Baar-Sanguuni ee duleedka Kismaayo.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kormeeray Deegaanka Baar-Sanguuni ee duleedka Kismaayo.

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

July 16, 2026
0

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka CECAFA, Mudane Cali Cabdi Maxamed, ayaa caawa kulan miro-dhal ah la...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Dowlada Jabuuti ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Dowlada Jabuuti ee Soomaaliya

July 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Jabuuti u qaabilsan Soomaaliya...

Hay’adds SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan deegaannada Kabxanleey iyo Deefow

Hay’adds SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan deegaannada Kabxanleey iyo Deefow

July 16, 2026
0

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa maanta bulshada ku nool deegaannada Kabxanleey iyo Deefow ee hoostaga magaalada Beledweyne, xarunta...

Golaha Wasiirrada oo meel mariyay Habraaca Isku Xirka Farriimaha Dowladda ee Xilliyada Xaaladaha Degdegga ah

Golaha Wasiirrada oo meel mariyay Habraaca Isku Xirka Farriimaha Dowladda ee Xilliyada Xaaladaha Degdegga ah

July 16, 2026
0

Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Habraaca Isku Xirka Farriimaha Dowladda ee Xilliyada Xaaladaha Degdegga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In