Iyadoo wali ay sii socdaan Dagaalka ciidamada Ruushka ay ka wadaan Ukraine, ayaa maanta oo Arbaca ah waxaa ciidamada Ruushka Duqeeymo la beegsadeen gooba ay ku suganayeen ciidamada Ukraine.
Ku xigeenka madaxa militariga iyo maamulka rayidka ee gobolka Kherson ayaa sheegay in ciidamada Ukraine ay duqeeyeen buundada muhiim ah oo saadka loo marsiin jiray ciidamada Ruushka ee ku sugan koonfurta Ukraine, sidokale waxuu sheegay in ciidamada Ukraine ay Gantaallo ku garaaceen Buundo ku taallo wabiga Dnipro, halkaas oo ay ku dhaawacmeen 11 qof, sidokalana uu burbur ka soo gaaray Buundada.
Ciidamada Ukraine ayaa la sheegay in duqeeymahaas ay u adeegsadeen Madaafiicda culus gaar ahaan Gantaallada loo yaqaanno “Ximar” ee uu Farsameeyay Mareykanka.
Duqeyntan Buundadan ayaa ahayd tii labaad ee maalmo gudahood ay Ciidamada Ukraine, la beegsadaan gooba ay ku sugnayeen kuwa Ruushka.