Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mowshinkii ka dhanka ahaa Madaxweynaha oo maanta la soo afjaray

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Mowshinkii ka dhanka ahaa Madaxweynaha oo maanta la soo afjaray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan lagu soo afjarayey Qodobadii ku xusnaa Mowshinkii  Madaxwayna jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sh, Maxamuud ay ka keeneen xubno ka tirsan barlamaanka,  12-kii Agoosto ee sanadkan ayaa maanta lagu qabtay  Villa Hargaysa ee magaaladda Muqdisho.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen guddoomiyaha Barlamaanka Prof. Jawaari, R/wasaare Sharma’arke  iyo mudanayaal ka tirsan  Baarlamaanka  ayaa laga soo saaray qodobo wax looga qabanayo  eedaymihii  ku xusnaa mowshinka Madaxwayanha, oo aysan  ku jirin  qodobkii ahaa  qiyaano Qaranka  oo horay laysugu raacay in  uu yahay wax kama jiraan.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026

Qodobada la isku raacay in wax laga qabto ee ku  xusnaa  ,moowshinka, waxaa ka mid ah,   Arrimaha garsoonka iyo caddaaladda,`kala soocidda awoodaha  hay’addaha dowladda, hay’addaha amniga iyo nabad sugidda, hantidda guurtada iyo maguurtada ee dowladda iyo dadwaynaha,  heshiisyadda iyo qarandaraasyadda  la galayo,iyo la dagaallanka musuq-maasuqa hay’adaha dowladda.

Qodobada lagu heshiiyay waxaa si wadajir ah u saxiixay  guddoomiyaha Barlamaanka iyo Ra’iisulwasaraaha dalka oo madaxwaynhu u xilsaartay wada xaajoodka.

Xildhibaannadii horay u saxiixay moshinka ayaa si wayn u soo dhaweeyay  soo afjaridda  mooshinka, waxayna  ka codsadeen in la fuliyo qodobadaasi maaddama sababta ay u keeneen  mooshinkaasi  ay ahayd  toosin.

Ra’iisalwasaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Dr. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake  oo kulanka  ka hadlay aya ballan qaaday in ay xukumadu ka shaqayn doonto  hirgalinta qodabadan lagu heshiiyey ee lagu soo afjaray mowshinkii Madaxwaynaha ay ka keeneen mudanayaal ka tirsan Barlmanka.

Guddoomiyha  golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan oo gaba gabadii kulanka ka hadlay ayaa u mahadceliyey guud ahaan  xildhibannadda Barlamaanka, waxaa uuna kula dar daarmay in ay ka shaqeyaan   dardar galinta howlaha culus ee horyaalla golaha shacabka  Soomaaliyeed.

 

Previous Post

Maxkamadda ciidamada oo beenisay eedeymo ku saabsan iney xukunto dad rayid ah “Dhageyso”

Next Post

Qodobbada Xalinta Mooshinka 12kii August 2015 Iyo Micnaha Ereyga Qiyaanno Qaran,,,, Akhriso

Next Post
Guddoomiyaha Baarlamanka F. S. oo la kulmay saraakiisha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Qodobbada Xalinta Mooshinka 12kii August 2015 Iyo Micnaha Ereyga Qiyaanno Qaran,,,, Akhriso

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In