Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mu’asasada SAFA oo deeq lacageed  gaarsiiyay dad  naafo ah-Sawirro

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Mu’asasada SAFA oo deeq lacageed  gaarsiiyay dad  naafo ah-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dad tabaalaysan oo iskugu jira naafo,Agoon ,iyo waayeel ayaa maanta deeq lacaga oo kamid timid labo ruux oo muxsiniin Soomaaliyeed loogu qaybiyay degmada Cabdulcasiis ee magaalada Muqdisho.

Deeqdaan oo uu soo gaarsiiyay wakiilna ka ahaa  Sheekh Bashiir Axmed gudoomiyaha haya’ada culimida Soomaaliyeed ayaa waxaa qaybiyay oo gudoomay Mu’asasada SAFA ee dacwada iyo horumarinta ,waxaana ay dhamayd deeqdan 11500 $ ( Kow iyo Toban Kun iyo Shan boqol oo doolar) waxaana 10 Kun oo dolar soo dhiibay shaqsi diiday magaciisa in la sheegin iyo Axmed Xaaji Maxamed Caynte.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Sheekh Maxamed Muuse Maxamed  gudoomiyaha Mu’asasada SAFA ee dacwada iyo horumarinta oo gudoomay deeqdaan lacagta ah ayaa insa meesha ka sheegay inay soo gaartay lacagtan ,sidoo kalena  ay sii gaarsiiyeen dadkii Mudnaa in la gudoonsiiyo oo ah naafo iskugu jira curyaamiin ,indhoolayaal, agoon iyo dad waayeela oo aan shaqaysan Karin oo aad u liita.

Mulkiilaha Hotelka India Ocean Maxamuud Xareed Dhagay oo ah madasha qaybinta lagacatu ka dhacay ayaa shaaciyay inay waqaf u tahay cidkasta oo ilaahay dartiis wax u bixinaysa inay madashan ku qabsan karaa oo ay u yihiin fasax uga tabarucay Hotelkiisa, sidoo kale gudoomiyaha degmada Cabdulcasiis Cismaan Muxuyadiin oo isna madashan ku sugnaa ayaa sheegay in xalay lagu wargeliyay  isla markaana uu diyaariyay ciidamo amaanka suga  isagoona balan qaaday meel kasta oo dad tabaalaysan lagu gargaarayo inuu gacan weyn ka gaysto ka maamul ahaan.

Ugu danbayntii Maxamed Axmed Sheekh Maxamuud  oo qof arag la’a oo kamid ahaa dadkii loo qaybiyay lacagtan oo qofkiina ku soo aaday $100 ayaa si weyn uga mahadceliyay deeqdan lacageed oo ay ugu deeqeen labo ruux oo muxsiniin Soomaaliyeed oo walaalahooda oo ula baxay Zako ahaan.

IMG_9151 IMG_9153 IMG_9155 IMG_9156 IMG_9161 IMG_9165 IMG_9173 IMG_9187 IMG_9190 IMG_9195 IMG_9198 IMG_9201 IMG_9202 IMG_9206 IMG_9213

Previous Post

Wasiirka Gaashaandhigga oo dalka dib ugu soo laabtay-Sawirro

Next Post

Madaxweynaha oo qaabiley wafdi ka socda urur goboleedka IGAD-Sawiro

Next Post
Madaxweynaha oo qaabiley wafdi ka socda urur goboleedka IGAD-Sawiro

Madaxweynaha oo qaabiley wafdi ka socda urur goboleedka IGAD-Sawiro

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In