Monday, August 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo shir nabadeyn ah la yeeshay beelo dagaallamay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo shir nabadeyn ah la yeeshay beelo dagaallamay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa magaalada Qardho shir kula yeeshay waxgarad iyo aqoonyahanno kasoo jeedo deegaankaas, kulankaas ayaa ula jeedjiisu ahaa sidii xal waara looga gaari lahaa colaad deegaankaas ku dhexmartay beelo walaalo ah oo halkaas wada dega.

Xildhibaanada oo ilaa todobaadkii lasoo dhaafay ku sugnaa deegaankaas ayaa waxay kala yihiin,  Ayaanle Gallan Guuleed , Sidiid Daahir Qodax,  Maxamed faarax Aadan , Eng Jaamac Faarax Aadan, muddadii ay halkaas joogeen waxay shirar nabadayn ah ku qabteen deegaanno hoostaga degmada Qardho ee gobolka Karkaar iyo degmada Dhahar ee gobolka Hayland.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo kulan dhiirrigelin ah la qaatay ardaydii Kaalmaha hore ka galay Imtixaanka Fasalka 12-aad

August 24, 2026
R/W Xamsa “Aqoonta la baranaayo iyo baahida suuqa taalo waa inay is daboolaan”.

R/W Xamsa “Aqoonta la baranaayo iyo baahida suuqa taalo waa inay is daboolaan”.

August 24, 2026

War-saxaafadeed laga soo saaray kulankaas ayaa lagu sheegay in  Xildhibaannadu ay u sii gudbi doonaan Degmooyinka,  tuulooyinka iyo baadiyaha  Labada Beelood ay  degaan si ay uga bilaabaan wacyi gelin ku aadan xoojinta Nabadaynta si  loo WACYI geliyo dad weynaha labada beelood, Arrintaas oo ay aad u soo dhoweyeen dadkii ka soo qaybgalay Kulankaas. Waxayna odayaasha iyo aqoonyahannada deegaanku sheegeen  inay diyaar u yihiin ka shaqaynta nabada deegaanka.

Kulankaan ayaa daba joogay shirar ay Xildhibaanadu horay ugu qabteen deegaanadaas taariikdu markay ahayd 29 August__04 Semtemper/2015,  shirarkaas oo dhammaantood looga gol lahaa xallinta colaado sokeeye oo deegaankaas marar badan kusoo noqnoqday, basle hadda u muuqda in lasoo afjaray.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ku sii Jeeda Jowhar

Next Post

Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo bogaadiyay guulaha kooxda Horseed

Next Post
Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo bogaadiyay guulaha kooxda Horseed

Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo bogaadiyay guulaha kooxda Horseed

Madaxweynaha JFS oo kulan dhiirrigelin ah la qaatay ardaydii Kaalmaha hore ka galay Imtixaanka Fasalka 12-aad

August 24, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan dhiirrigelin iyo bogaadin ah la qaatay 10-kii arday ee kaalmaha...

R/W Xamsa “Aqoonta la baranaayo iyo baahida suuqa taalo waa inay is daboolaan”.

R/W Xamsa “Aqoonta la baranaayo iyo baahida suuqa taalo waa inay is daboolaan”.

August 24, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb-galay munaasabad Shahaadooyin lagu guddoonsiinayey Arday dhamaysatay Daraasaadka Sare...

Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Dalalka Islaamka ee Ciidamada La-dagaallanka Argagixisada oo casho lagu maamuusay

Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Dalalka Islaamka ee Ciidamada La-dagaallanka Argagixisada oo casho lagu maamuusay

August 23, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu wehelinayay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka oo ka dooday sharuucda hortaala Guddiga

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka oo ka dooday sharuucda hortaala Guddiga

August 23, 2026
0

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shir ku yeeshay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In