Saturday, September 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mudanayaal ka tirsan baarlamanka Soomaaliya oo ka qeybgalay kulanka baarlamaannada Afrika+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Mudanayaal ka tirsan baarlamanka Soomaaliya oo ka qeybgalay kulanka baarlamaannada Afrika+Sawirro

????????????????????????????????????

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka baarlamaanada Afrika oo looga hadlay  Warbixin ay soo diyaarisay waaxda Ururka Midowga Afrika uqaabilsan arrimaha Nabadgalyada iyo amaanka, ayaa lagu sheegay in weeraro isdaba joog ah ay sanadkaan kooxaha argagixisada ah kusoo qaadeen fariisimaha ciidamada nabad illaalinta ee midowga Afrika ee ku sugan gudaha Soomaaliya, iyadoo dhanka kale qaraxyo lala beegsaday goobo dad rayid ah ku sugnaayeen.

Mudanayaashan oo gaarayay  illaa lixdan Mudane oo ka kala socday Wadamada Qaarada Afrika ayay si weyn ugu doodeen  Amaanka iyo Nabadgalyada ciidamada nabad illaalinta ujooga dalka Soomaaliya iyo sida looga hortagi karo dhaqaalaha ay helaan kooxaha argagixisada ah ee ka dagaalamaya Qaarada Afrika.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo ka qaybgalay kulan soo dhaweyn ah oo Madaxweynaha Ruushku kasoo qayb galay

Wasiirka Warfaafinta oo ka qaybgalay kulan soo dhaweyn ah oo Madaxweynaha Ruushku kasoo qayb galay

September 26, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna ku-simaha Madaxweynaha oo soo xiray tartanka kubadda kolayga ee General Daa’uud

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna ku-simaha Madaxweynaha oo soo xiray tartanka kubadda kolayga ee General Daa’uud

September 26, 2026

Xildhibaan Cabdi Xukun oo ka mid ah mudanayaasha Soomaaliya umatala Baarlamaanka Pan Afrika kana qeyb qaadanayay su’aalihii la weydiinayay Agaasimaha Waaxda Amaanka iyo Nabadgalyada Ururka Midowga Afrika ayaa sheegay inaysan Soomaaliya xamili karin ciidamo lagu soo kordhiyo ciidamada jooga hadda ee nabad illaalinta ah, isagoo walaac ka muujiyay in ciidamada wadamada dariska ah ka qeyb qaataan nabad illaalinta dalka Soomaaliya.

“ Soomaaliya ma xamili karto ciidamo dheeraad oo ka socda Afrika in hada la keeno,waxaa haboon in la tayeyo ciidankeena si ay u sugaan nabad galyada “ayuu yiri Xildhibaanku.

Madaxweynaha Baarlamaanka Pan Afrika  Roger Nkodo Dang oo shir gudoominayay Kulankaan ay Safiirada Qaarada Afrika la yeesheen oo dhanka Safaaradda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika uu matalayay Siihayaha Safiirka ahna Xoghayaha Labaad ee Safaaradda mudane Axmed Maxamed Kheyre, oo ay madaxweynaha warbaahinta wax kaweydiisay waxaa looga hadlayay ayaa sheegay inay isla soo hadal qaadeen qodobo dhoor ah oo ay ka mid ahaayeen dhibaatooyinka muwaadiniinta Afrikanka ah ee ku sugan Koonfur Afrika lagu haayo, kuwaas oo ay ka mid yihiin sharci siinta, dhaca dukaamada iyo jirdilada loo geysto dadka Afrikanka ah ee ku nool wadankaani Koonfur Afrika. Wuxuu intaa ku daray in looga hadlay arrimaha argagixisada iyo amaan darada Afrika ku baahsan sidii la iskaga kaashan lahaa.

Kulanka Baarlamaanada Afrika oo furmay horaantii todobaadkaan laguna soo gabagabeeyay xaruntiisa magaalada Johannesburg oo ay shirar gaar gaar ah iyo mid guudba yeesheen mudanayaasha ka qeyb qaadanayay ayaa lagu balamay kulanka bisha April iyo May ay iskugu imaanayaan xildhibaanada guud ee Baarlamaanka Pan Afrika lagu sii xoojiyo qodobadii shirkaan kasoo baxay.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
Previous Post

Burcad Badeed Dhameysatay Xukun Maxkamadeed oo Lagu Celiyay Soomaaliya”Sawirro”

Next Post

Baarlamaanka oo su’aalo la xiriira amniga weydiinaya Wasiirka Amniga gudaha

Next Post
Kulanka Baarlamaanka Oo Goor Dhow Soo Gabagaboobay Iyo Beri Oo Mar Kale Loo Balamay Su’aallo Weydiin

Baarlamaanka oo su’aalo la xiriira amniga weydiinaya Wasiirka Amniga gudaha

Wasiirka Warfaafinta oo ka qaybgalay kulan soo dhaweyn ah oo Madaxweynaha Ruushku kasoo qayb galay

Wasiirka Warfaafinta oo ka qaybgalay kulan soo dhaweyn ah oo Madaxweynaha Ruushku kasoo qayb galay

September 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xalay ka qaybgalay kulan soo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna ku-simaha Madaxweynaha oo soo xiray tartanka kubadda kolayga ee General Daa’uud

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna ku-simaha Madaxweynaha oo soo xiray tartanka kubadda kolayga ee General Daa’uud

September 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Ahna ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa garoonka kubadda...

Soomaaliya oo ka qaybgashay Madasha Caalamiga ah ee Dhaqamada Midoobay

Soomaaliya oo ka qaybgashay Madasha Caalamiga ah ee Dhaqamada Midoobay

September 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta ka qaybgalay maalinta labaad...

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In