Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mudanayaasha Baarlamanka oo markale su’aalo weydiiyay wasiirka waxbarashada

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Mudanayaasha Baarlamanka oo markale su’aalo weydiiyay wasiirka waxbarashada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Nuxurka Su’aallaha ay Mudaneyaasha Baarlamaanka weeydiiyeen Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ayaa kala ahaa Sharciyada iyo siyaasadda Waxbarashada Qaranka, wadashaqeynta Wasaaradda iyo daladaha Waxbarashada Dalka, in si siman ardayda Soomaaliyeed xaquuq u helaan luuqada ay doonaanba wax haku bartaane, qorshaha Wasaaradda ee Jaamacadaha tirada badan ee dalka ka jira, si la mid ah sidii shalayna Xuldhibaannadu waxey ku cel celiyeen waxa ay Wasaaraddu u heyso Ardayda aanan gelin imtixaankii mideysnaa iyo hirgelinta manhaj waxbarasho oo mideysan.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Soomaaliya Khadro Bashiir Cali oo Xildhibaannada Baarlamaanka uga jawaabay su’aallaha ay weeydiiyeen ayaa si gaar ah Xildhibaannada ugu faah faahisay qorshaha Wasaaradda Waxbarashada ee sameynta manhaj waxbarasho oo ay ku mideysan tahay Soomaali oo idil iyo sameynta sharciga iyo siyaasadda Waxbarashada Qaranka.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Ku simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka ahna Guddoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar oo gebagebadii kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay iney soo gebageboobeen Su’aallaha Xildhibaannada ay weeydiinayeen Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada waxaana uu dhanka kale ka hadlay mooshin ay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka ka keeneen wax ka bedel lagu sameynayo Sharciga Isgaarsiinta Qaranka.

Maalinnimada arbacada ah ee soo socota haduu Alle idmo ayaa qorshuhu yahay in Xildhibaannada Baarlamaanku sii amba qaadaan ka doodista Hindise Sharciyeedka Xeerka Isgaarsiinta Qaranka kaasi oo Xildhibaannadu ay bilaabeen maalinnimadii sabtiga aheyd ee todobaadkan.

 

 

Previous Post

Hoteel Siyaad oo maanta dib loo furay “Sawirro”

Next Post

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In