Wararka Xafiiska wareedka Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ee Hobyo uu ka helaayo Deegaanada dhaca Koonfurta Gobalka Mudug ayaa kusii waramaaya in Xiisad u dhaxeysa Maleeshiyaadka Nabad iyo Nolal diidka ah ee Al shabaab iyo Dad reer guuraa ah ay taagan tahay Deenaago hoos yimaada Magaalada Xarardheere oo ah Demo ka tirsan Gobalka Mudug ayna Maamulaan Maleyshiyada Nabad diidka ah ee Al shabaab.
Xiisadaan ayaa imaatay xili shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada Degmada hoos yimaada ay ka dhiidhiyeen falalka Guracan ee maleeshiyadu ku hayso Muwaadiniinta Soomaaliyeed kaasoo ah on ay dhacaan xoolaha iyo Hantida ay leeyihiin Shacabka Soomaaliyeed.
qaar ka tirsan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanada miyiga ah iyo Degmada Xarardheere oo warbaahinta Qaranka Soomaaliyed codkooda iyo magacyadoodaba qarisay ayaa inoo sheeegay in ka go,an tahay inay ka dhiidhiyaan falalka naf la caariga ah ee maleyshiyadu ku hayso maadaama ay dhibaatooyinka kala duwan u adkeysan waayeen.
Maleeshiyaadka Nabad iyo Nolal diidka ah ee Ugus Al shabaab ayaa dhibaatooyin kala duwan ku haaya shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Deegaanada ay Maleyshiyadu gacanta ku haayaan iyadoo ay Xusid mudan tahay inay Bulshada Soomaaliyeed ka go,aan sadeen iska dulqadaan.