Friday, April 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabad Hambalyo ah oo loo sameeyey Taliyaha Ciidanka Asluubta  S/Guud Bashiir Goobbe  oo hal darajo  la dalacsiiyey (Sawirro)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Munaasabad Hambalyo ah oo loo sameeyey Taliyaha Ciidanka Asluubta  S/Guud Bashiir Goobbe  oo hal darajo  la dalacsiiyey (Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad  loogu Halmbalyeynayey Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac oo hal darajo la dalacsiiyey ayaa Lagu qabtay Xarunta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyadoo ay ka soo qeyb galeen Munaasabadda Taliye Ku xiggeenada Taliyaha Asluubt, Saraakiil Ciidan iyo qaar ka mid ah Maxaabiista Xabisga dhexe ku xiran.

S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa ahaa ka hor inta aan la dalcsiin  S/Gaas waxa uuna iminka Noqonayaa Sargaalka ugu Sareeya  Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed iyadoo Darajadaas oo kale hore uu u lahaa Alle ha u naxariistee Ex S/guud Maxamed Cali samatar.

Related posts

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026

Munaasabadda ayaa Kooxda Onkod ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed waxa ay ku soo bandhigeen  Suugaan iyo Riwaayado dhiirigalin u badnaa waxaana Munaasabadda ka hadlay Taliye ku xiggeenka Koowaad ee Ciidanka Asluubta S/guuto C/Kariin Cali Afrax  isagoo u hambalyeeyey Taliyaha Ciidanka Asluubta S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac waxa uu sheegay in uu mudan yahay Darjada la dalacsiiyey  islamarkaana uu yahay Shaqsi Howlkar ah.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa gabagabada Munaasabadda ka hadlay waxaana  sheegay in Ciidanka Asluubta Guul ay u tahay in Taliyahooda uu qaato Darajada ugu sareyso Ciidammada Qaranka isagoo Xusay in Ciidanka Asluubta ay hiigsanayaan Horumarro kala duwan Qorsha Taliskana uu yahay in sare loo qaado Tayada iyo Waxsoosaarka Ciidanka .

S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa hadda Noqonaya Jeneraalka ugu sareeya Ciidammada Qalabka sida iyadoo Darajada  S/guud Soomaaliya  horey uu u lahaa Alle ha u naxariiste  Ex S/guud Maxamed Cali Samatar oo ku Geeriyooday Dalka Mareykanka .

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 unnamed

Previous Post

Madaxweynaha oo qaabilay ergeyga gaarka ah ee UNHCR u qaabilsan Soomaaliya

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In