Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabad ku saabsan 10 sana guuradii kasoo wareegatay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga oo ka socota Muqdisho

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
5 years ago
in Wararka
0
Munaasabad ku saabsan 10 sana guuradii kasoo wareegatay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga oo ka socota Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa haatan magaalada Muqdisho ka soconaya munaasabad ballaaran oo lagu xusayo toban sana guuradii kasoo wareegatay xiriirka qotoda dheer ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Munaasabaddan oo ay qaban qaabadeeda haatan ka socoto xarunta Ciidanka cirka Soomaaliya ee Afisyoone ayaa lagu wadaa inay ka qayb galaan qaar ka mid ah Madaxda dalka ugu saraysa iyo masuuliyiin ka socda safaaradda Turkiga iyo xubno kale.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa lahaa xiriir Taariikhi ah oo aad u qoto dheer, iyadoo wixii ka dambeeyay Qarnigii 16aad oo ay meela badan oo Dunida ah ka talinaysay Boqortooyadii Cusmaaniyiinta (Ottoman Empire).

Cilaaqaadka labada dal ayaa wiiqmayay markii ay meesha ka baxday ย Boqortooyadii Cusmaaniyiinta oo ay curatay Jamhuuriyadda Turkiga Sanadkii 1923 kii, wuxuuna Turkigu xiriir qunyar socod ah la samaysay Soomaaliya Sanaddii 1979-kii, isagoo Muqdisho ka furtay Safaarad.

Xiriirka labada dal oo ahaa mid hoose ayaa meesha ka baxay wixii ka dambeeyay 1991-kii markii ay bur-burtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa xiriirkoodii Taariikhiga ahaa dib usoo celiyay July 2011-kii, markii uu Muqdisho soo gaaray Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, oo markaa ahaa Raโ€™iisul wasaare.

Xilligaas oo ay gacmaha ka laabatay Soomaaliya ayaa waxaa guud ahaan dalka ka taagnaa abaaro baโ€™an iyo macaluul galaafatay nolosha dad iyo duunyo fara badan, wuxuuna mudane Erdogan soo gaarsiiyay dalka sahay gargaar oo kala duwan.

Abaarta xilligaas dalka ka taagnayd ayaa loo aqoonsaday tii ugu darnayd ee Soomaaliya ku dhufatay muddo 25 sano ah, iyadoo lagu qiyaasay in intii u dhaxaysay May yo August sannadkii 2011 waxay gaartay 30,0000 iyo xoolo tiro beel ah , sida ay xaqiijisay hayโ€™adda beeraha QM ee FAO.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, ayaa wixii xilligaasi ka dambeeyay wuxuu Soomaaliya u noqday walaalka dhabta ah ee garabka u ah Shacabka iyo Dowladdooda, isagoo ku dhiirraday inuu indhahiisa ku arko lana qiiroodo xaaladda ay dadka ku sugnaayeen.

Dowladda Turkiga waxay dalka ka hirgeliyay xarumo quudin, goobo caafimaad iyo xarumo waxbarasho, waxayna dib usoo nooleysay kaabayaashii dhaqaalaha iyo xarumihii dowliga ahaa, taas oo si weyn usoo kabtay nolosha shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu mudane Erdogan ku garab istaagay dowladda Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah Argagixisada, isagoo dalka ka hirgeliyay saldhig lagu taabaro Ciidamada.

Wuxuu taageero dhaqaale iyo mid farsamaba ku bixiyay tayeynta iyo qalabaynta Ciidamadeenna, iyagoo gudaha dalkiisa ka sameeyay dugsiyo lagu tababaro ciidamada kala duwan ee Soomaaliya.

Wuxuu Turkigu ku caawiyay Ciidamada Soomaaliya qalab casri ah iyo gaadiid fara badan oo ah isugu jira midka gaashaaman iyo noocyada xamuulka.

Madaxwyne Recep Tayyip Erdogan iyo masโ€™uuliyiinta dalkiisa ayaa wacad ku maray inay si hagar laโ€™aan ah u garab istaagayaan Soomaaliya heer walba iyo waqti kasta isla markaana ay yihiin walaalka koowaad ee ay caalamka ku leeyihiin.

Haddaba munaasabad ku aadan xiriirka baaxadda leh ee Soomaaliya iyo Turkiga ee manta ka socota Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa inay qudbado Taariikhi ah ka jeediyaan masโ€™uuliyiinta labada dal ee walaalaha ah.

Previous Post

Ciidanka xoogga Dalka oo hawglo looga sifaynayo Argagixisadda Al-shabaab ka wada gobolada dalka

Next Post

Madaxweynaha Puntland oo Shir-Guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Puntland oo Shir-Guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada “SAWIRRO”

Madaxweynaha Puntland oo Shir-Guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada "SAWIRRO"

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

October 25, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hayโ€™adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hayโ€™adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In