Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabad lagu maamuusayay soo nooleynta dhaqanka oo lagu qabtay Muqdisho “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Munaasabad lagu maamuusayay soo nooleynta dhaqanka oo lagu qabtay Muqdisho “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad loogu magacdaray soo nooleynta dhaqanka, hiddaha, farshaxanka iyo  isdhexgalka bulshada ayna soo qaban qaabisaty wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalkiisa ayaa markii labaad maanta lagu qabtay xarunta degmada Boondheere ee maagaalada Muqdisho.

Wasiirk ku xigeenka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska mudane C/laahi Colaad Rooble,  guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee maamulka gobolka Banaadir Imaan Nuur Iikar, guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab, gudoomiyaha degmada Boondheere Qaasin C/le iyo dadweyne aad u farabadan ayaa ka qeybgalay xaflaaddaasi.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay heeso waddani ah oo ka hadlaya qiimaha dhaqankeena suuban, ciyaaro hiiddaha iyo dhaqanka ah oo kala duwan iyo farshaxanka, iyadoo dadweynihii ka qeybgalay xafladda ay aad ugu riyaaqeen una jecleysteen ciyaarahaasi.

Mudane C/laahi Colaad Rooble wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in ujeedada barnaamijkani uu yahay sidii loo soo nooleyn lahaa dhaqanka iyo hiddaheena Soomaaliya, islamarkaana loo abuuri lahaa jawi isdhexgalka bulshada ah, wuxuuna intaa ku daray in barnaamijkani uu soo socday muddo sadex bilood ah, isagoo tilmaamay in uu sii socon doono barnaamijkan lagu weyneynayo dhaqanka.

Imaan Nuur Ikar gudoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee maamulka gobolka Banaadir iyo Jawaahir Baarqab oo ah gudoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir ayaa wasaaradda warfaafinta ku amaanay dadaalka ay ugu jirto soo nooleynta dhaqanka iyo isdhexgalka bulshada, iyagoo muujiyay baahida loo qabo sii wadadi barnaamijyada noocan oo kale ah.

Barnaamijkan ayaa muddo sadex bilood ah ka socday gobolka Banaadir iyo labada shabeele, waana markii labaad ee lagu qabto degmada Boondheere.

IMG_6150 IMG_6150 IMG_6151 IMG_6158 IMG_6160 IMG_6161 IMG_6164 IMG_6165 IMG_6168 IMG_6182 IMG_6189 IMG_6190 IMG_6193 IMG_6194 IMG_6204 IMG_6207 IMG_6209 IMG_6211 IMG_6216 IMG_6222 IMG_6242 IMG_6271 IMG_6272 IMG_6316 IMG_6325 IMG_6330 IMG_6332 IMG_6339 IMG_6342 IMG_6343 IMG_6380 IMG_6383 IMG_6384 IMG_6386 IMG_6391 IMG_6394

Sawiqaade Cabdulaahi Muxudiin “Codka”

Previous Post

Bandhigyadii Tayo Dhawrka ee Wasaaradda Ganacsiga oo dib u dhac ku yimid

Next Post

Allaha u naxariistee Marxuun Cismaan Cilmi Caddaawe oo lagu aasay Nairobe “Sawirro”

Next Post
Allaha u naxariistee Marxuun Cismaan Cilmi Caddaawe oo lagu aasay Nairobe “Sawirro”

Allaha u naxariistee Marxuun Cismaan Cilmi Caddaawe oo lagu aasay Nairobe "Sawirro"

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In