Thursday, January 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabad lagu maamuusayay soo nooleynta dhaqanka oo lagu qabtay Muqdisho “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Munaasabad lagu maamuusayay soo nooleynta dhaqanka oo lagu qabtay Muqdisho “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad loogu magacdaray soo nooleynta dhaqanka, hiddaha, farshaxanka iyo  isdhexgalka bulshada ayna soo qaban qaabisaty wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalkiisa ayaa markii labaad maanta lagu qabtay xarunta degmada Boondheere ee maagaalada Muqdisho.

Wasiirk ku xigeenka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska mudane C/laahi Colaad Rooble,  guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee maamulka gobolka Banaadir Imaan Nuur Iikar, guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab, gudoomiyaha degmada Boondheere Qaasin C/le iyo dadweyne aad u farabadan ayaa ka qeybgalay xaflaaddaasi.

Related posts

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

January 14, 2026
Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

January 14, 2026

Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay heeso waddani ah oo ka hadlaya qiimaha dhaqankeena suuban, ciyaaro hiiddaha iyo dhaqanka ah oo kala duwan iyo farshaxanka, iyadoo dadweynihii ka qeybgalay xafladda ay aad ugu riyaaqeen una jecleysteen ciyaarahaasi.

Mudane C/laahi Colaad Rooble wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in ujeedada barnaamijkani uu yahay sidii loo soo nooleyn lahaa dhaqanka iyo hiddaheena Soomaaliya, islamarkaana loo abuuri lahaa jawi isdhexgalka bulshada ah, wuxuuna intaa ku daray in barnaamijkani uu soo socday muddo sadex bilood ah, isagoo tilmaamay in uu sii socon doono barnaamijkan lagu weyneynayo dhaqanka.

Imaan Nuur Ikar gudoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee maamulka gobolka Banaadir iyo Jawaahir Baarqab oo ah gudoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir ayaa wasaaradda warfaafinta ku amaanay dadaalka ay ugu jirto soo nooleynta dhaqanka iyo isdhexgalka bulshada, iyagoo muujiyay baahida loo qabo sii wadadi barnaamijyada noocan oo kale ah.

Barnaamijkan ayaa muddo sadex bilood ah ka socday gobolka Banaadir iyo labada shabeele, waana markii labaad ee lagu qabto degmada Boondheere.

IMG_6150 IMG_6150 IMG_6151 IMG_6158 IMG_6160 IMG_6161 IMG_6164 IMG_6165 IMG_6168 IMG_6182 IMG_6189 IMG_6190 IMG_6193 IMG_6194 IMG_6204 IMG_6207 IMG_6209 IMG_6211 IMG_6216 IMG_6222 IMG_6242 IMG_6271 IMG_6272 IMG_6316 IMG_6325 IMG_6330 IMG_6332 IMG_6339 IMG_6342 IMG_6343 IMG_6380 IMG_6383 IMG_6384 IMG_6386 IMG_6391 IMG_6394

Sawiqaade Cabdulaahi Muxudiin “Codka”

Previous Post

Bandhigyadii Tayo Dhawrka ee Wasaaradda Ganacsiga oo dib u dhac ku yimid

Next Post

Allaha u naxariistee Marxuun Cismaan Cilmi Caddaawe oo lagu aasay Nairobe “Sawirro”

Next Post
Allaha u naxariistee Marxuun Cismaan Cilmi Caddaawe oo lagu aasay Nairobe “Sawirro”

Allaha u naxariistee Marxuun Cismaan Cilmi Caddaawe oo lagu aasay Nairobe "Sawirro"

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

January 14, 2026
0

Howlgal culus oo saacadihii la soo dhaafay Ciidamada Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka fuliyeen nawaaxiga deegaanka Buulo-Xaaji ee...

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

January 14, 2026
0

Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee golaha Aqalka Sare ee BJFS Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ...

Wafdiga Dowladda JFS oo qado sharaf loogu sameeyay Laascaanood

Wafdiga Dowladda JFS oo qado sharaf loogu sameeyay Laascaanood

January 14, 2026
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabduullaahi Cali Xersi (Timacadde), oo ay wehliyaan Wasiirada...

Shirka ka jawaabista abaaraha iyo amni darrada cuntada dalka oo la soo gabagabeeyay

Shirka ka jawaabista abaaraha iyo amni darrada cuntada dalka oo la soo gabagabeeyay

January 14, 2026
0

Waxaa magaalada Moqdisho ku soo gabagaboobay, Shirka Ka-Jawaabista Abaaraha iyo Amni-Darrada Cuntada dalka kadib dood iyo xog is-weydaarsi miro-dhal ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In