Tuesday, September 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabad Lagu Soo Bandhigayay Dhibatoyinka Deegaanka Soomaaliya oo Nairobi Lagu Qabtay”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Munaasabad Lagu Soo Bandhigayay Dhibatoyinka Deegaanka Soomaaliya oo Nairobi Lagu Qabtay”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadan oo lagu soo bandhigayay daraasad laga soo diyaariyay saameynta uu is bedelka cimilada ku yeeshay deegaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Nairobi.

Daraasadan ayaa waxaa soo bandhigay urur goboleedka Bey’ada ee is bedelka cimilada ee loo gaabiyo (Repcc).

Related posts

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhiga 74-aad ee Golaha Wasiirrada  Urur-Goboleedka IGAD

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhiga 74-aad ee Golaha Wasiirrada Urur-Goboleedka IGAD

September 15, 2026
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay saddex arday oo kaalmaha hore ka galay tartan caalami ah oo Qur’aan

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay saddex arday oo kaalmaha hore ka galay tartan caalami ah oo Qur’aan

September 15, 2026

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb galay ku simaha safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya dalkani Kenya ahna qunsulka safaarada Cali Maxamed Sheekh (Cali Begadi),aqoonyahanoo iyo qaar ka mid ah ururada ka shaqeeya ilaalinta deegaanka.

Madaxa urur goboleedka Bey’ada ee is bedelka cimilada ee (REPCC) Yaasir Axmed ayaa sheegay in daraasadan la sameeynayay mudo sedax bilood ah,isagoo sheegay in daraasadan ay tahay tii ugu horeysay ee nuuceeda ah oo laga soo diyaariyo deegaanka Soomaaliya.

Yaasir Axmed ayaa sheegay in daraasadan ay koobeeyso is bedelada dhanka cimilada ah ee ka dhacay dalka Soomaaliya mudadii 25-ka sano ahayd ee la soo dhaafay.

Yaasir ayaa sheegay in jarista dhirta,abaaraha iyo daadadka ka dhaca soomaaliya uu sababay is bedelka cimilada ee ka jira Soomaaliya,isagoo sheegay in dadka soomaaliyeed ay u baahanyihiin wacyi galin dhanka deegaanka ah.

Madaxa Somali Accadamy (Mandeeq),isalamarkana hogaaminayay daraasadan Dr Ibraahim Faarax (Bursaliid) oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in daraasadan oo socotay mudo sedax bilood ah ay ka turjumeyso sawirka runta ah ee Bay’ada Soomaaliya.

Dr Bursaliid ayaa sheegay in dhibaatoyinka ku xusan daraadan ay ka mid yihiin dhalan rog ku dhacay dhulka ,nabaad guur,dhibaatoyinka ay dhuxusha keentay iyo burcad badeeda.

Dr Ibraahim Bursaliid ayaa sheegay in arrinta ugu muhiimsan ay tahay ogaansha la’aanta dadka soomaaliyeed ee dhibaatoyinka dhanka deegaanka.

Ugu danbeyntii ku simaha safiirka,ahna qunsulka safaarada Cali Maxamed Sheekh (Cali Begadi) ayaa sheegay in daraasadan ay ka turjumeysay sidii wax looga qaban lahaa xaalufinta lagu haayo deegaanka Soomaaliya,isagoo sheegay in loo baahanyahay in dadka Soomaaliyeed loo sheego sida uu muhiimka u yahay ilaalinta deegaanka.

IMG_1333 IMG_1334 IMG_1348 IMG_1351 IMG_1352 IMG_1354 IMG_1360 IMG_1361 IMG_1364 IMG_1371 IMG_1373 IMG_1374 IMG_1377 IMG_1378 IMG_1379 IMG_1381

Sawir Qaade:-Hassan Omar Baffo

Previous Post

Madaxweynaha: “Waan soo dhoweynayaa heshiiskan taariikhiga ah ee maanta lagu saxiixay Gaalkacyo”

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhiga 74-aad ee Golaha Wasiirrada  Urur-Goboleedka IGAD

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhiga 74-aad ee Golaha Wasiirrada Urur-Goboleedka IGAD

September 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa ka qayb galay Kalfadhiga 74-aad ee...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay saddex arday oo kaalmaha hore ka galay tartan caalami ah oo Qur’aan

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay saddex arday oo kaalmaha hore ka galay tartan caalami ah oo Qur’aan

September 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay saddex arday oo Soomaaliyeed oo...

Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare oo xarunta Safaaradda ku qaabishay Safiirka cusub Masar

Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare oo xarunta Safaaradda ku qaabishay Safiirka cusub Masar

September 15, 2026
0

‎Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Uganda, Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay Safiirka Jamhuuriyadda Carabta Masar u...

Guddiga Aqalka Sare oo Wasaaradda Deegaanka Su’aalo Ka Weydiiyay Dhisidda Hay’adda Saadaasha Hawada

Guddiga Aqalka Sare oo Wasaaradda Deegaanka Su’aalo Ka Weydiiyay Dhisidda Hay’adda Saadaasha Hawada

September 15, 2026
0

Guddiga Khayraadka Qaranka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Aqalka Sare ee BJFS, iyagoo gudanaya waajibaadkooda shaqo, ayaa maanta xafiiskooda ugu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In