Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabad lagu soo dhaweeyanayay Boqor Burhaan oo lagu qabtay dalka Koofur Afrika “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Munaasabad lagu soo dhaweeyanayay Boqor Burhaan oo lagu qabtay dalka Koofur Afrika “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xafladballaaran oo lagu soo bandhigayay hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa lagu qabtay magaalada Johanesburg ee dalka koofur afrika.

Munaasabadda ayaa waxaa soo qaban qaabiyay ururka hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee dalka koofur Afrika, waxaana ka qeyb galay mas’uuliyiinta safaaradda Soomaalida ee dalkaasi,  madaxda ururrada bulshada dhalinyaro haween iyo mas’uuliyiin ka socotay dowladda Koofur Afrika .

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026

Xaflada ayaa waxaa lagu soo bandhigay hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed Gabayo,  ka tarjumayay midnimada,  Buraanbur iyo Heeso waddani ah,  waxaana munaasabadda soo buux dhaafiyay dad weyne Soomaaliyeed oo inta badan ku labisnaa dhar lagu soo hardhay astaanta Calankeenna Soomaaliyeed.

Sii haayaha safaaradda Soomaaliya ee dalka Koofur Afrika Ismaaciil Soomane oo munaasabadda ka hadlay ayaa ku boorriyay Soomaalida in ay dhaqankooda ilaashadaan, isagoo ka warbixyay hormarka ay dowladeenu ku talaab satay.

” maadaama aan metelayno dowladda Soomaaliya waxaa runtii aad iyo aad wax lugu farxo ah siyaasadda wasaaradda arrimaha dibadadda Soomaaliya is bedelka weyn oo ka jira,  waxaad garanaysaan sanadkaan aan ku jirno ee 2015 bishii Jenawari  waxaa ku shiray wadankeena, wasiirrada arimaha dibadda ee urur gobaleedka IGAD. sidoo kale isla bishii Jenawari waxaa booqasho ku tegay wadankeena madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga, waxaa ugu danbeeyay booqashadii xoghaayaha arimaha dibadda ee Mareynkanka John Kerry uu ku tegay bishaan shan teedi magaalada dalka ee Muqdisho” ayuu yiri sii hayaha safaaradda Soomaalida ee dalkaasi Ismaaciil Soomane.

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ahaa shaqsigii lagu soo dhaweeynayay  xafladda oo halkaasi ka hadlay ayaa ka mahadceliyay sida maamuuska leh ee loogu soo dhaweeyay dalka Koofur Afrika.
“runtii safarka aan ku imid South Afrika waa iiga duwan yahay safarradii aan ku marayay waddamada kale ee adduunka sida Yurub, North Amerika,  Afrika oo wadanka Zaambiya ka soo bilaabay aad iyo aad ayuu iiga duwan yahay safarkaani. runtii waxaan aad iyo aad qofkasta oo Soomaaliya dareenkiisa Meel kasta uu jooga dalka gudahiisa iyo dibadiisaba marka uu arku ama maqlo  qof Soomaaliya oo wax lagu yeelay wadankaan shucuurtiisa aad ayay isu bedeshaa, ummadda Soomaaliyeed, waxaad arkaysaa inay yihiin dad isku mid ah dad isku dhaqana dad ka damqanaaya dhibaatada gaarta qofka Soomaaliga ah, waxaa idiin dhiman wax yar oo aan isleeyahay waqti dhaw waan ka gudbi doonaa waxaana uga gudbi doonaa inaan wadankeyna hagaagsano.” ayuu yiri Boqor Burhaan Boqor Muuse.
unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed

 

 

Previous Post

Maamulka Gobolka Banaadir oo ballanqaad u sameeyey Isbitaalka degmada Cadaado “Sawirro”

Next Post

Ogeysiis: Wasaaradda Waxbarashadda oo qaadeeysa Imtixaanka shahaaddiga ah ee Dugsiyada sare

Next Post

Ogeysiis: Wasaaradda Waxbarashadda oo qaadeeysa Imtixaanka shahaaddiga ah ee Dugsiyada sare

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In