Tuesday, January 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabad lagu soo dhaweynayay Madaxweyne Ku xigeenka Dowlad Gobaleedka Galmudug oo Xalay lagu Qabtay Magaalada Nairobi”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Munaasabad lagu soo dhaweynayay Madaxweyne Ku xigeenka Dowlad Gobaleedka Galmudug oo Xalay lagu Qabtay Magaalada Nairobi”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadani oo ay soo qaban qaabiyeen Qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkani kenya ayaa waxay ahayd mid lagu soo dhaweynayay Wafdi uu hor kacayay Madaxweyne ku xigeenka dowlad gobaleedka Galmudug Maxamed Xashi Cabdi Carabeey oo howlo shaqo u yimid Kenya.

Munaasabada ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya,Wasiiro iyo Xildhibano ka tirsan Baarlamanka Galmudug iyo Xubno matalayay Qeybaha Kala duwan ee bulshada ku dhaqan magalada Nairobi oo isugu jiray Siyaasiyiin Ganacsato waxgarad Culimaa’udiin,ururada haweenka iyo kuwa dhalinyarada ee Xaafada Islii.

Related posts

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026

Waxaana munaasabada oo lagu soo bandhigay Suugaan kala duwan oo isugu jiray Gabayo iyo heeso ay halkaasi ka qaadeen qaar ka mid ah fanaaniinta Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi.

Mas’uuliyiintii kala duwaneed ee munaasabada soo  dhaweynta ah ka hadashay ayaa balan qaaday inay sii laba jibaarayaan garab istaaga iyo taageerada dowlada Gobaleedka Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xashi Cabdi Carabeey oo gaba gabdii Khudbad dheer ka jeediyay munaasabada ayaa waxa uu kaga warbixiyay Caqabadihii ka hor yimid iyo waxyaabihii u qabsoomay tan iyo intii la dhisay dowlad gobaleedka Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka oo soo hadal qaaday Arrimaha dib u heshiisiinta ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in dhawaan shir dib u heshiisiineed uu beelaha wada dega Galmudug uga furi doonaan Galinsoor,isagoona dhanka kale ka dhawaajiyay inay heshiis la galeen culimaa’udiinka Ahlu Sunna waljameece ee gobalada dhaxe.isla markaana dhawaan dhuusamareeb lagu qaban doono dhameystirka heshiska Ahlu sunna.

“Waxan rabaa inan idiin Cadeeyo Anaga Ahlu sunna waan la heshiinay,Ahlu usna si dhab ah ayaan ula heshiinay,waxadna marqaati ka tihiin gudoomiyihii golaha guurtiga inan heshiis sax ah la galnay,gudoomiyihii golaha furlinta ahlu sunna heshiis ayan isna la galnay,sadaxda gole gudoomiyayaashooda ayaan la heshiinay maantana ay nasiib u yeesheen inay ka mid noqdeen dowlad gobaleedka Galmudug.Ayuu yiri Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug.

“Laakin waxaa jira heshiiskaasi dad ka xanaaqay oo maqan oo jooga magalada dhuusa- mareeb oo ah walaalaheena aan ka maarmin una baahan inan la heshiino,waxaana idinku bishaareynayaa todobaadka soo socda in magalada Dhuusamareeb uu ka furmi doono saan rajeynayno shir dib o heshiisiineed oo annaga iyo iyaga noo dhaxeeyo”Ayuu sii raaciyay Madaxweyne ku-xigeenka.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Maxamed Xashi Cabdi Carabeey ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed ee ka soo jeeda deeganada Galmudug inay Maalgashi ku sameeyaan deegaanadooda,isla markaana ay ka qeyb qaataan Horumarinta Galmudug.​

IMG_4062 IMG_4067 IMG_4116 IMG_4134 IMG_4136 IMG_4138 IMG_4140 IMG_4142 IMG_4155 IMG_4158 IMG_4159 IMG_4163 IMG_4173 IMG_4175 IMG_4197

Sawir Qaade:- Abdulkadir Ali Hussein Koronto

Previous Post

Barlamaanka oo meel mariyay sharciga qoxootiga iyo barakacayaasha qaranka

Next Post

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliyo oo Magaalada Nairobi kulan Kula Qaatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya”Sawirro”

Next Post
Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliyo oo Magaalada Nairobi kulan Kula Qaatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya”Sawirro”

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliyo oo Magaalada Nairobi kulan Kula Qaatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya"Sawirro"

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caddaaladda oo war ka soo saartay hannaanka dib u eegista Dastuurka

January 27, 2026
0

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ka jawaabeysaa hadallo dhawaan ay jeediyeen qaar ka mid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In