Wednesday, October 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabad lagu soo dhaweynayey safiirka cusub ee Soomaaliya ay u magacowday dalka Sweden ayaa lagu qabtay magaalada Stockholm

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Munaasabad lagu soo dhaweynayey safiirka cusub ee Soomaaliya ay u magacowday dalka Sweden ayaa lagu qabtay magaalada Stockholm
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Munaasabadan oo si qurux badan loo soo agaasimay ayna si wada jir ah uga soo qeybgaleen qeybaha kala duwan ee bulshada iyo xubno matalayey jaaliyadaha  dalalka Scandavianka ayaa  si diiran loogu soo dhaweeyey danjire Cawaale Cali Kulane oo 27sano ka dib noqonaya safiirka Soomaaliya ee wakiilka uga ah wadanka Sweden iyo wadamada Scandavianka, waxaana soo dahweyneyn danjiraha kula lamaanaa danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhiya dalka Ruusha mudane Prof Cabdullaahi Maxamuud Warsame (Cadde duqow).
Khudbooyin kookooban oo goobta laga jeediyey ayaa loogu mahadceliyey Dowladda Soomaaliya oo 27 sanid ka dib u soo garatay wadamadan in  ay helaan adeeg safaaradeed oo mudo dheer la sugaayey, waxa ayna safiirka cusub u  balan qaadeen  in ay la shaqeyn doonaan safaarada cusub.
Gudoomiyaha jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Sweden mudane Habane  Hassan  ayaa sheegay imaanshiyaha safiirka  in ay ku soo beegantay xili baahi weyn loo qabay, waxa uuna sheegay  in farxad weyn   ay u tahay bulshada Soomaaliyeed in safiir dhalinyaro ah loo soo magacaabay wadamadan Scandavianka.
Danjiraha Soomaaliya ee dalka Ruushaka C/llaahi Maxamuud Warsame (Cadde Duqow)  ayaa sheegay in uu si weyn ugu faraxsan yaahy ka soo qeybgalka xafladan safiirka sweden lagu soo dhaweynayo isaga oo danjiraha cusub ku amaanay in uu yaahy nin howlkar ah hase yeeshee loo baahan yahay in lala shaqeeyo.
Danjire Cawaale Cali Kulane safiirka cusub ee Soomaaliya   dalkan Sweden  oo khudban kooban goobta ka jeediyey ayaa jaaliyada u soo  gubiyey salaan uu ka waday madaxweynaha jamhuuriyada federalka ah ee Soomaaliya mudane xasan Sh. Maxamuud iyo R/wasaare Cumar C/rashiid, iyo wasiirka arimaha dibadda mudane C/laan Hadliye. waxa uuna  sidoo kale ka mahadceliyey  guud ahaan jaaliyada Soomaaliyeed  waxa uuna balan qaaday adeega safaarada in uu noqon doono mid loo siman yahay qof kasta oo Soomaali ahna xaq u leeyahay in  lo shaqeeyo.
Safiirka cusub ee Soomaaliya  loo soo magacaabay danjire Cawaale Cali Kulane ayaa todobaadkii hore soo gaaray dalka Sweden waxa uuna dhawaan warqadihiisa safiirnimo  ku wareejin doonaa  boqorka dalkna Sweden, waxa ayna  noqonayaa safiirkii ugu horeeyey ee si rasmi ah u fadhiista Stockholm 27 sano ka dib.
img_6155
Previous Post

Kulan arimaha xuduudaha looga hadlayay oo Muqdisho lagu qabtay-Sawirro

Next Post

(Warbixin + Sawirro):- Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen Erag oo kormeeray Booliska Degmada Goldogob ee Gobalka Mudug.

Next Post
(Warbixin + Sawirro):- Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen Erag oo kormeeray Booliska Degmada Goldogob ee Gobalka Mudug.

(Warbixin + Sawirro):- Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen Erag oo kormeeray Booliska Degmada Goldogob ee Gobalka Mudug.

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In