Saturday, September 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabad lagu soo dhaweynayey safiirka cusub ee Soomaaliya ay u magacowday dalka Sweden ayaa lagu qabtay magaalada Stockholm

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Munaasabad lagu soo dhaweynayey safiirka cusub ee Soomaaliya ay u magacowday dalka Sweden ayaa lagu qabtay magaalada Stockholm
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo soo magacaabay agaasimeyaal guud

Ra’iisul Wasaare Xamse oo soo magacaabay agaasimeyaal guud

September 26, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo ka qaybgalay kulan soo dhaweyn ah oo Madaxweynaha Ruushku kasoo qayb galay

Wasiirka Warfaafinta oo ka qaybgalay kulan soo dhaweyn ah oo Madaxweynaha Ruushku kasoo qayb galay

September 26, 2026
Munaasabadan oo si qurux badan loo soo agaasimay ayna si wada jir ah uga soo qeybgaleen qeybaha kala duwan ee bulshada iyo xubno matalayey jaaliyadaha  dalalka Scandavianka ayaa  si diiran loogu soo dhaweeyey danjire Cawaale Cali Kulane oo 27sano ka dib noqonaya safiirka Soomaaliya ee wakiilka uga ah wadanka Sweden iyo wadamada Scandavianka, waxaana soo dahweyneyn danjiraha kula lamaanaa danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhiya dalka Ruusha mudane Prof Cabdullaahi Maxamuud Warsame (Cadde duqow).
Khudbooyin kookooban oo goobta laga jeediyey ayaa loogu mahadceliyey Dowladda Soomaaliya oo 27 sanid ka dib u soo garatay wadamadan in  ay helaan adeeg safaaradeed oo mudo dheer la sugaayey, waxa ayna safiirka cusub u  balan qaadeen  in ay la shaqeyn doonaan safaarada cusub.
Gudoomiyaha jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Sweden mudane Habane  Hassan  ayaa sheegay imaanshiyaha safiirka  in ay ku soo beegantay xili baahi weyn loo qabay, waxa uuna sheegay  in farxad weyn   ay u tahay bulshada Soomaaliyeed in safiir dhalinyaro ah loo soo magacaabay wadamadan Scandavianka.
Danjiraha Soomaaliya ee dalka Ruushaka C/llaahi Maxamuud Warsame (Cadde Duqow)  ayaa sheegay in uu si weyn ugu faraxsan yaahy ka soo qeybgalka xafladan safiirka sweden lagu soo dhaweynayo isaga oo danjiraha cusub ku amaanay in uu yaahy nin howlkar ah hase yeeshee loo baahan yahay in lala shaqeeyo.
Danjire Cawaale Cali Kulane safiirka cusub ee Soomaaliya   dalkan Sweden  oo khudban kooban goobta ka jeediyey ayaa jaaliyada u soo  gubiyey salaan uu ka waday madaxweynaha jamhuuriyada federalka ah ee Soomaaliya mudane xasan Sh. Maxamuud iyo R/wasaare Cumar C/rashiid, iyo wasiirka arimaha dibadda mudane C/laan Hadliye. waxa uuna  sidoo kale ka mahadceliyey  guud ahaan jaaliyada Soomaaliyeed  waxa uuna balan qaaday adeega safaarada in uu noqon doono mid loo siman yahay qof kasta oo Soomaali ahna xaq u leeyahay in  lo shaqeeyo.
Safiirka cusub ee Soomaaliya  loo soo magacaabay danjire Cawaale Cali Kulane ayaa todobaadkii hore soo gaaray dalka Sweden waxa uuna dhawaan warqadihiisa safiirnimo  ku wareejin doonaa  boqorka dalkna Sweden, waxa ayna  noqonayaa safiirkii ugu horeeyey ee si rasmi ah u fadhiista Stockholm 27 sano ka dib.
img_6155
Previous Post

Kulan arimaha xuduudaha looga hadlayay oo Muqdisho lagu qabtay-Sawirro

Next Post

(Warbixin + Sawirro):- Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen Erag oo kormeeray Booliska Degmada Goldogob ee Gobalka Mudug.

Next Post
(Warbixin + Sawirro):- Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen Erag oo kormeeray Booliska Degmada Goldogob ee Gobalka Mudug.

(Warbixin + Sawirro):- Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen Erag oo kormeeray Booliska Degmada Goldogob ee Gobalka Mudug.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo soo magacaabay agaasimeyaal guud

Ra’iisul Wasaare Xamse oo soo magacaabay agaasimeyaal guud

September 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay agaasimeyaasha Guud ee qaar ka mid ah wasaaradaha xukuumadda...

Wasiirka Warfaafinta oo ka qaybgalay kulan soo dhaweyn ah oo Madaxweynaha Ruushku kasoo qayb galay

Wasiirka Warfaafinta oo ka qaybgalay kulan soo dhaweyn ah oo Madaxweynaha Ruushku kasoo qayb galay

September 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xalay ka qaybgalay kulan soo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna ku-simaha Madaxweynaha oo soo xiray tartanka kubadda kolayga ee General Daa’uud

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna ku-simaha Madaxweynaha oo soo xiray tartanka kubadda kolayga ee General Daa’uud

September 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Ahna ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa garoonka kubadda...

Soomaaliya oo ka qaybgashay Madasha Caalamiga ah ee Dhaqamada Midoobay

Soomaaliya oo ka qaybgashay Madasha Caalamiga ah ee Dhaqamada Midoobay

September 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta ka qaybgalay maalinta labaad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In