Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabad lagu soo xirayay kalfadhigii 5-aad ee Baarlamanka oo xalay lagu qabtay Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Munaasabad lagu soo xirayay kalfadhigii 5-aad ee Baarlamanka oo xalay lagu qabtay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxda dalka ayaa ka qeybgashay munaasabad lagu soo xirayay kalfadhiga 5-aad ee baarlamanka taasoo xalay lagu qabtay xarunta Villa Hargeyso ee magaalada Muqdisho.

Xaflada xiritaanka kalfadhiga 5-aad ee baarlamanka ayaa waxaa ka qeybgalay ku simaha madaxweynaha ahna gudoomiyaha baarlamanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, R/wasaare ku xigeenka, xildhibaano, mas’uuliyiin kala duwan iyo marti sharaf.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Munaasabadda ayaa la isku weydaarsaday aaraa’ ku qotonta howshii la soo qabtay kalfadhigii Shanaad ee xalay la soo xiray, iyadoo mudanayaashii hadlay ay isku raaceen in kalfadhiga 5-aad uu ahaa kii ugu adkaa, maadaama baarlamanka ay soo dhex gashay kala aragti duwanaan ay ku sameysmeen Kudlado.

Kooxda fanaaniinta deegaan ayaa munaasabadda ku soo bandhigtay suugaan dhaxal gal ah oo u badneyd guubaabo, taasoo ay u riyaaqeen mudanayaasha baarlamanka iyo martisharaftii ka qeybgashay xafladda.

Ku simaha R/wasaaraha Maxamed Cumar Carte oo munaasabadda ka hadlay ayaa baarlamanka uga mahadceliyay ansixintii xukuumadda, isagoo dhinaca kalena dowladda iyo shacabka Jabuuti uga tacsiyeeyay geeridii ku timid gudoomiyihii baarlamanka Jabuuti.

Ku simaha madaxweynaha ahna gudoomiyaha baarlamanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo soo xiray kalfadhiga Shanaad ayaa mudanayaasha ku wargeliyay in kalfadhiga Lixaad ay baarlamanka sugayaan howlo adag, wuxuuna xukuumadana kula dardaarmay iney wada shaqeyn joogta ah la yeelato baarlanka, isagoo hoosta ka xariiqay in taasi ay horseedeyso in la gaaro hiigsiga cusub ee 2016-ka.

Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Ku simaha madaxweynaha ahna gudoomiyaha baarlamanka oo tacsi u diray dowladda iyo shacabka Jabuuti

Next Post
Ku simaha madaxweynaha ahna gudoomiyaha baarlamanka oo tacsi u diray dowladda iyo shacabka Jabuuti

Ku simaha madaxweynaha ahna gudoomiyaha baarlamanka oo tacsi u diray dowladda iyo shacabka Jabuuti

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In