Xaflad si heer sare ah loo soo qaban-qaabiyay oo lagu taageerayay Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Gal-Mudug oo uu Madaxweynaha ka yahay Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa lagu qabtay Magaalada Zürich ee Dalka Switzerland.
Munaasaban oo ehayd mid aad u qurux badan ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay Jaaliyadda Reer Galmudug ee Switerland, isla markaana waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed ee Switezrland.
Madasha oo ahayd mid si aad ah loo soo agaasimay ayaa inta ay xaflada socotay waxaa qadka Telefoonka uga qeyb qaatay Madaxweyne Ku-Xigeenka Gal-Mudug Maxamed Xaashi Carrabey, waxaana qudbado ka soo jeediyay qaar ka tirsan Mas’uuliyiint ka soo qeyb gashay oo uu ugu horeeyay Mustaf Bashiir Gobdon oo ah Gudoomiyaha Somaliswiis Diasparo iyo qaar ka tirsan Madaxda Jaaliyada kale ee Maamulada Soomaalida .
Sidoo kale inta ay xaflada socotay ayaa waxaa lagu soo bandhigay Heeso aad u macaan waxaana goobta ku sugnaa Fanaaniin dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen. Maandeeq Nuur, Cabdow Muuri ,Nasteex Saciid iyo Fanaaniin kale.