Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabad lagu weynayay ciidul fitriga oo lagu qabtay degmada Kaaraan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
DAAWO MUUQAAL+SAWIRRO: Damaashaadka Ciida ee Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadan loogu dabaaldegayay ciidul fitriga ayaa waxaa soo qaban qaabiyay  Hay’adda wacyigelinta bulshada  C.C.A  waxaana ka soo qeybgalay maamulka degmada Kaaraan Qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka banaadir,  maamulka gobolka banaadir  iyo xubno kale.

Intii ay munaasabada socotay waxaa kooxda  fanaaniinta   Muqdisho band ee  ka dhisan Degmada Kaaraan goobta ku soo bandhigeen  suugaan ka  turjumeysa dabaal dega ciidul fitriga.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026

Agaasimaha Hay’adda wacyigelinta bulshada  C.C.A Maxamed Cabdi Xasan Sandheere oo ka  hadlay goobta ayaa  sheegay in Hay’addu ay farxad weyn u tahay in ay kala qeyb qaadato  munaasabada ciidil fidriga bulshada ku nool degmada  Kaaraan.

“C.C.A waxaa farxad u ah  bulsho intaan  la’eg  ee u dabaal degeyso maalinta ciida iney qeyb ka  noqoto, waxayna tahay muhiimada ama ujeedada in maalintan oo ah maalin qiima u leh Islaamka  la weyneeyo guud ahaana la dabaal dego, isla markaana dhanka kale fursad lagu siiyo dhidaha iyo dhaqanka  dhaqankeena la soo bandhigo”ayuu yiri Agaasimaha.

Guddoomiyaha Degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir  Cumar Meyre Macow oo ka soo qeyb galay munaasabada ayaa hambalyo ku aadan   munaasabada ciidul  fitriga u diray  Ummadda Soomaaliyed gaar ahaan shacabka ku  nool degmada Kaaraan.

Guddoomiyaha Degmada Kaaraan ee gobolka banaadir Cabdifataax Nuur Cali ayaa ugu mahadceliyay  Hay’adda wacyigelinta bulshada  C.C.A sida marwalba ay ugu qeybqaadaneyso barnaamijyada wacyi gelinta  ah  ee lagu weyneynaya  ciidul  fitriga.

Agaasimaha howlaha guud  maamulka gobolka banaadir Sheekh Cumar Sheekh Xuseen  ayaa  u hambalyeyay shacabka  ku nool degmada Kaaraan damaashaadka  ciidul fitriga  awgiis, isagoo  ku booriyay bulshada ku nool degmada Kaaraan in ay  ka shaqeeyaan ammaanka degmadooda

Previous Post

SAWIRRO-Wasiir ku xigeenka Maaliyadda XFS oo kumanaan qof kula ciiday Degmada Carmo ee gobolka Bari

Next Post

“SAWIRRO”Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”

Next Post
“SAWIRRO”Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”

"SAWIRRO"Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay "SAWIRRO"

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir...

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026
0

Waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay labadii guddi farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed....

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In