Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabad Lagu xusayay Maalinta Calanka Soomaaliya oo xalay lagu qabtay Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Munaasabad Lagu xusayay Maalinta Calanka Soomaaliya oo xalay lagu qabtay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Raโ€™iisul Wasaraha Xukumadda Fedaraalka Soomaaliya, Xubno ka tirsan goleyaasha dowladda, guddoomiyaha gobalka Banaadir, fanaaniin iyo boqolaal dadweyne ah ayaa xalay ka qayb galay munasbad lagu soo bandhigayey Golaha Dhalinyaradda Qaranka isla markaana laguย  xusaya maalinta Calanka Soomaaliya oo lagu qabtay garoonka kubadda Kolayga Aadan Xaaji Yabaroow Wiish ee degmada Cabdalcasiis ee gobalka Banaadir.

Munaasibadda oo ay si wadajir u soo qabanqaabiyeen Wasaradda dhalinyaradda iyo Cayaaraha xukumadda Fedaraalka Soomaaliya iyo maamulka gobalka Banaadir ayaa lagu soo bandhigay halgankii iyo taariikhdii calanka Soomaaliya.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo hadal ka jeedisay munaasibadda ayaa soo bandhigtey magacyada 9 xubnood oo noqon doona Golaha KMG ah ee dhalinyaradda Soomaaliyeed oo uu ka mid yahayย  Wiil naafo ah.

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka hadlay Munaasibadda ayaa bogaadiyay kaalinta dhallinyarada Soomaaliyeed, isagoo u duceeyay dhallinyaradii halgalnka u soo martay xorriyadda Soomaaliya

Guuddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sh. Cismaan oo qudbad ka jeediyay munaasibadda ayaa hambalyo u diray ummadda Soomaaliyeed, isagoo si gaar ah dardaaran iyo bogaadin u diray dhallinyarada Soomaaliyeed.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in xalay ay aheyd habeen aad ugu qiimo badan Shucuubta Soomaaliyeed meelwalba oo ay joogaan.

Gabagabadii Xafladda ayaa Raโ€™sul Wasaaraha Soomaaliya iyo Guuddomiyaha Golaha Shacabka waxa ay si wadajir ah shahaado Sharaf u guddoonsiiyay Qaar ka mid ah Dhallinyarada Soomaaliyeed ee muujiyay dadaalka iyo howl karnimida.

Xalay oo kale, Sanad walba waxaa dalka laga xusaa maalinta Calanka, waa maalin ka tarjumeysa Qarannimo, Midnimo iyo gumeysi naceyb, 63-sano ayaa ka soo wareegatay markii la sameeyay Calanka Soomaaliyeed, kaasoo leh Sooyaal qiimo badan oo dal iyo dibadba Qowmiyadda Soomaalidu ku faanto.

Xiddigta cad ee shanta gees leh waxaa ay ka tarjumeysaa Shanta qeybood ee dhulka Soomaalidu degto.

Midabka buluugga khafiifka ah waxaa uu ka tarjumayaa Cirka iyo badda dhulka Somaalida oo mar walba midabkoodu buluug yahay.

Calankan Buluugga ah ee xidigta ka tarjumeysa Soomaliweyn dhexda uga xardhantahay waxaa la sameeyay 12 October, 1954.

Maalintaas wixii ka dambeeyay Soomaalida waxaa ka tarjumayey calankaas, oo ah astaan ka hadleysa Somaliweyn iyo Midnimo Qaran.

Previous Post

Qaraxyo Ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Dimishiq ee dalka Suuriya

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre “Calanku qiimo yeelan maayo haddii midnimo la waayo”+Sawirro

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre “Calanku qiimo yeelan maayo haddii midnimo la waayo”+Sawirro

Ra'iisul Wasaare Khayre "Calanku qiimo yeelan maayo haddii midnimo la waayo"+Sawirro

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

October 25, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hayโ€™adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hayโ€™adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In