Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabad Lagu Xusayay Maalinta Farta Soomaaliga La Qoray Oo Cadaado Lagu Qabtay “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Munaasabad Lagu Xusayay Maalinta Farta Soomaaliga La Qoray Oo Cadaado  Lagu  Qabtay “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadani oo lagu maamuusayay 42-sano guuradii ka soo wareegtay hirgalinta Farta Soomaaliga oo lagu qabtay Hotel Central ee magaalada Cadaado ayaa waxaa soo abaabulay Ururka horumarinta waxbarashada Ximan iyo Xeeb ee HEDO, iyadoo ay ka soo qayb galeen madax ka tirsan maamulka Ximan iyo Xeeb, iyo qaybaha kale duwan ee bulshada.

C/qaadir Maxamed Cali Ishkin waxa uu muddo dheer ka tirsanaa Akademiyadii qaabilsaneed horumarinta Afka iyo Suugaanta isagoo sheegay in dadaalka farta Soomaaligu uu soo socday tan iyo qarnigii 20-aad bilowgiisii, balse la hirgaliyay oo lagu shaqeeyay 21-dii January 1973-dii, markaasi oo xafiisyada dowladu ku wada xiriireen, uuna ku soo baxay wargeyskii ugu horeeyey.

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026

Xoghayaha waxbarashada iyo ciyaaraha maamulka Ximan iyo Xeeb Axmed Xuseen Khayre ayaa sheegay in deegaanada ay maamulaan ay ka sameeyeen 2012-dii ilaa 2014-tii biliha June iyo Julay, dhulka miyiga ah, ayna qorista far soomaaliga ku bareen dad ka badan 10,000 oo qof oo dad waaweyn u badan.

Wasiirka arrimaha gudaha Maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Xaaji Xuseen ayaa sheegay in hadda Carruur badan oo dhalatay waqtigii burburka aysan helin fursad waxbarasho, taas oo uu sheega inay keeni karto in cadadka dadka aan wax qorin bataan, hadii aan dadaal la samaynin.

Af-soomaaliga ayaa looga hadlaa dhul badan oo ka mid ah bariga Afrika, inkastoo qoraalkiisu uusan helin horumarin ku haboon..

DSC01427

DSC01429

DSC01431

DSC01438

DSC01442

DSC01444

DSC01447

DSC01465

DSC01468

DSC01469

DSC01472

DSC01474

DSC01478

Previous Post

RW. Cumar Oo maanta Xafiiskiisa kulan kula qaatay qaar ka mid ah Culima’udiinka Soomaaliyeed “Sawirro”

Next Post

Dhageyso barnaamijka Bandhigga wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post
Muxaadaro ka Hadleysa Islaamka iyo Qabyaalada oo uu Caawa Sh Muxamed Macalin Axmed ku qabtay magaalada gaalkacyo

Dhageyso barnaamijka Bandhigga wareysiyada ee Radio Muqdisho

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In