Munaasabadan lagu xusayay maalinta nabada caalamka oo loo asteyay 21 septaber. ayaa lagu qabtay magaalada muqdisho.waxana ka qeybgalay masulayin ka tirsan dowlada somaaliya .uraradda dhalinyarada ka jira dalka iyo marti sharaf kale,
Inta ay socatay munaasabaddaΒ waxaa heeso iyo ruwaado ka hadlaya qiimaha ay leeyahay nabada ku soo bandhigay kooxda barbaarta waarari
Gudoomiyaha Urarka dhalinyarada gobolka Banaadir Β Maxamed Kaafi Makaraan, ayaa sheegay in dalka uu soo maray maraxalado kala duwan balse haatan uu ka soo agabanayo burburkii dagaallada
βMaanta wa maalin aad u wayn loogana hadlayo maalinta aduunka mudanna in laga hadlo dalkeena marka laga hadlayo waxaa uu soo maray xalado kala duwan sida aan ogsoonaahy in wadanka uu soo kabanayo” ayuu yiri
GudoomiyahaΒ xidlhibaanada dhalinyarada baarlamaanka Soomaaliya Maxmaed Amiin Xasan Cabdulaahi.ayaa sheegay maalinta ay aduunka oo dhan ay qiimo uga fadhisyo isla markaana tilmaamay inΒ nabadaΒ ay tahayΒ nolosha oo dhan.
Wasiir ku_xigeenka Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya MudaneΒ Cusmaan Aadan Dhuuboow. ayaa tilmaamay in aduunka oo dhan maalintaΒ ay ahmiyad wayn uga fadhiso isgoo dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka shaqeyn nabada ooΒ qiimo wanaagsan u leh nolasha.
βAduunyadaΒ sida ay u wada qaateen in maalinta ay tahay in la ilaaliyo xaquuqdaΒ iyo laga shaqeeyo daganaanshada wadankaΒ in si wadajir ah lagu noolaado, aniga waxaan tagay meeloΒ kala duwan dalka,Β waxaana ka muuqatay qiimaha ay leeyahay nabada marka aan u istaagoΒ ilaalinta nabada”, ayuu yiri wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaradaha.








































