Sunday, June 1, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabad Lagu Xusayay Maalinta Warbaahinta Soomaaliyeed oo Lagu Qabtay Nairobi “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 21, 2015
in Wararka
0
Munaasabad Lagu Xusayay Maalinta Warbaahinta Soomaaliyeed oo Lagu Qabtay Nairobi “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad balaaran oo uu soo qaban qaabiyay ururka saxafiyiinta qurba joogta Soomaaliyeed ee dalka Kenya (SEJASS) oo lagu xusayay maalinta warbaahinta Soomaaliyeed oo ku began 21-January ayaa maanta lagu qabtay magaalada Nairobi.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka soo qeyb galay safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Ambassador Maxamed Cali Nuur Americo,Tom Rhodes oo ururka CPJ u qaabilsan qaarada afrika,Cali Muuse Cabdi oo ah wariye ruug cadaa ah kana tirsan wakaalada wararka ee AFP,Xasan Cali Geeseey oo ah agaasimaha SIMHA iyo wariyaal aad u fara badan.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka teleefonka kula hadlay Madaxweyne Erdoğan

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka teleefonka kula hadlay Madaxweyne Erdoğan

May 31, 2025
Danjire Jabriil oo qaabilay Safiirka India ee Soomaaliya iyo Kenya

Danjire Jabriil oo qaabilay Safiirka India ee Soomaaliya iyo Kenya

May 31, 2025

Ugu horeyn xubno u hadlay gudiga qaban qaabada munaasabadda xuska maalinta warbaahinta Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyay muhiimada ay xuska maalintan u leedahay warbaahinta Soomaaliyeed,iyo in ay tahay in sanad kasta la xuso oo la maamuuso maalintan qaaliga ah.

Munaasabadda ayaa waxaa hadalo ku aadan qiimaha maalinta warbaahinta Soomaaliyeed ka jeediyay wariyaashii ka soo qeyb galay.

Cali Muuse Cabdi oo ka tirsan wakaalada wararka ee AFP oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa u mahad celiyay uruka saxafiyiinta qurba-joogta Soomaaliyeed ee dalka Kenya,waxana ugu baaqay wariyaasha Soomaaliyeed in ay is caawiyaan meel kasta oo ay joogaan,isagoo sheegay in wariyaasha ay dowr muhiim ah kaga jiraan bulshada Soomaaliyeed.

Agaasimaha SIMHA Xasan Cali Geeseey ayaa isna munaasabadda ka sheegay in ay muhiim tahay in la diiwaan galiyo dhamaan wariyaasha soomaaliyeed ee ku sugan dalalka afrika,si loola socdo xaaladaha ay ku suganyihiin.

Gudoomiyaha ururka saxafiyiinta qurba-joogta ah ee dalka Kenya (SEJASS) Maxamed Cismaan Xuseen(New York) ayaa sheegay in ururuka SEJASS uu sanadihi ugu danbeeyay xusayay maalinta warbaahinta Soomaaliyeed,isagoo ka sheekeeyay marxaladihii kala duwanaa oo uu soo maray ururkan iyo hadafka uu hiigsanayo.

Gudoomiye New York ayaa sheegay ururka SEJASS uu balan qaad ka haysto hay’ado iyo ururo caalami ah,kuwaasoo bilaha soo socda tababaro kor loogu qaadayo xirfadda saxaafadeed ee wariyaasha qurba joogta ah.

Guddoomiyaha SEJASS ayaa intaasi ku daray in ay diiwaan galin ku sameyn doonaan wariyaasha qurba joogta ah,islamarkaana loo sameeyn doono kaarar aqoonsi ah.

Ugu dambeyntii safiirka dowlada Soomaaliyeed dalka Kenya Ambassador Maxamed Cali Nuur Americo oo soo gabagabeeyay munaasabadda lagu xusayay maalinta warbaahinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu ka soo qeyb galo munaasabaddan.

Ambassador Cali Americo ayaa ugu baaqay hay’adaha iyo ururada caalamiga ah in ay caawiyaan wariyaasha qurba-jooga ah,isagoo intaasi ku daray in ay saafarada soomaaliyeed ee dalka Kenya ay gacan ka geeysan doonto sidii ay tababaro ku heli lahaayeen wariyaasha qurba joogta ah.

Ugu dambeyntii waxaa wariyaasha qurba joogta ah ee dalka Kenya ee SEJASS ayaa shahaado sharaf gududonsiyay Safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Ambassadore Maxamed Cali Nuur Americo iyo Tom Rohdes oo CPJ u qaabilsan Afrika.
DSC_0218

DSC_0219

DSC_0220

DSC_0222

DSC_0227

DSC_0242

DSC_0246

DSC_0247

DSC_0258

DSC_0261

DSC_0268

DSC_0273

DSC_0275

DSC_0279

DSC_0283

DSC_0293

DSC_0297

DSC_0316

DSC_0323

DSC_0328

DSC_0369

DSC_0371

DSC_0375

DSC_0389

DSC_0396

DSC_0432

DSC_0467

DSC_0486

DSC_0494

DSC_0497

DSC_0510

DSC_0520

DSC_0535

DSC_0564

DSC_0566

DSC_0567

DSC_0613

DSC_0663

DSC_0681

DSC_0692

DSC_0695

DSC_0707

Sawir qaade:-Cabdi Shakur Faarax Cigale

Previous Post

Dhageyso barnaamijka Bandhigga wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post

Liverpool iyo Chelsea oo Bareejo Ku Kala Baxay Lugtii Koowaad ee Koobka Capital One “SAWIRRO”

Next Post
Liverpool iyo Chelsea oo Bareejo Ku Kala Baxay Lugtii Koowaad ee Koobka Capital One “SAWIRRO”

Liverpool iyo Chelsea oo Bareejo Ku Kala Baxay Lugtii Koowaad ee Koobka Capital One “SAWIRRO”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka teleefonka kula hadlay Madaxweyne Erdoğan

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka teleefonka kula hadlay Madaxweyne Erdoğan

May 31, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan....

Danjire Jabriil oo qaabilay Safiirka India ee Soomaaliya iyo Kenya

Danjire Jabriil oo qaabilay Safiirka India ee Soomaaliya iyo Kenya

May 31, 2025
0

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabril Ibrahim Abdulle ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ku qaabilay Danjire...

Danjiraha JFS ee dalka Yemen oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo u gudbiyay wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaasi

Danjiraha JFS ee dalka Yemen oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo u gudbiyay wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaasi

May 31, 2025
0

RADIO MJQDISHO: Danjiraha JFS ee dalka Yemen Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga...

Wasiir-dowlaha Beeraha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb-galay shirka IFAD

Wasiir-dowlaha Beeraha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb-galay shirka IFAD

May 31, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiir-dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Mudane Asad Cabdirisaaq Maxamed, oo hoggaamiya wafdiga rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In