Saturday, September 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabad Lagu Xusayay Maalinta Warbaahinta Soomaaliyeed oo Lagu Qabtay Nairobi “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Munaasabad Lagu Xusayay Maalinta Warbaahinta Soomaaliyeed oo Lagu Qabtay Nairobi “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad balaaran oo uu soo qaban qaabiyay ururka saxafiyiinta qurba joogta Soomaaliyeed ee dalka Kenya (SEJASS) oo lagu xusayay maalinta warbaahinta Soomaaliyeed oo ku began 21-January ayaa maanta lagu qabtay magaalada Nairobi.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka soo qeyb galay safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Ambassador Maxamed Cali Nuur Americo,Tom Rhodes oo ururka CPJ u qaabilsan qaarada afrika,Cali Muuse Cabdi oo ah wariye ruug cadaa ah kana tirsan wakaalada wararka ee AFP,Xasan Cali Geeseey oo ah agaasimaha SIMHA iyo wariyaal aad u fara badan.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Wasiirka Difaaca ee dalka Shiinaha

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Wasiirka Difaaca ee dalka Shiinaha

September 19, 2026
TACSI:Wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka tacsiyadaysay geerida ku timi Weriye Maxamed Muudey(Boqorka Bartamaha)

TACSI:Wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka tacsiyadaysay geerida ku timi Weriye Maxamed Muudey(Boqorka Bartamaha)

September 19, 2026

Ugu horeyn xubno u hadlay gudiga qaban qaabada munaasabadda xuska maalinta warbaahinta Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyay muhiimada ay xuska maalintan u leedahay warbaahinta Soomaaliyeed,iyo in ay tahay in sanad kasta la xuso oo la maamuuso maalintan qaaliga ah.

Munaasabadda ayaa waxaa hadalo ku aadan qiimaha maalinta warbaahinta Soomaaliyeed ka jeediyay wariyaashii ka soo qeyb galay.

Cali Muuse Cabdi oo ka tirsan wakaalada wararka ee AFP oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa u mahad celiyay uruka saxafiyiinta qurba-joogta Soomaaliyeed ee dalka Kenya,waxana ugu baaqay wariyaasha Soomaaliyeed in ay is caawiyaan meel kasta oo ay joogaan,isagoo sheegay in wariyaasha ay dowr muhiim ah kaga jiraan bulshada Soomaaliyeed.

Agaasimaha SIMHA Xasan Cali Geeseey ayaa isna munaasabadda ka sheegay in ay muhiim tahay in la diiwaan galiyo dhamaan wariyaasha soomaaliyeed ee ku sugan dalalka afrika,si loola socdo xaaladaha ay ku suganyihiin.

Gudoomiyaha ururka saxafiyiinta qurba-joogta ah ee dalka Kenya (SEJASS) Maxamed Cismaan Xuseen(New York) ayaa sheegay in ururuka SEJASS uu sanadihi ugu danbeeyay xusayay maalinta warbaahinta Soomaaliyeed,isagoo ka sheekeeyay marxaladihii kala duwanaa oo uu soo maray ururkan iyo hadafka uu hiigsanayo.

Gudoomiye New York ayaa sheegay ururka SEJASS uu balan qaad ka haysto hay’ado iyo ururo caalami ah,kuwaasoo bilaha soo socda tababaro kor loogu qaadayo xirfadda saxaafadeed ee wariyaasha qurba joogta ah.

Guddoomiyaha SEJASS ayaa intaasi ku daray in ay diiwaan galin ku sameyn doonaan wariyaasha qurba joogta ah,islamarkaana loo sameeyn doono kaarar aqoonsi ah.

Ugu dambeyntii safiirka dowlada Soomaaliyeed dalka Kenya Ambassador Maxamed Cali Nuur Americo oo soo gabagabeeyay munaasabadda lagu xusayay maalinta warbaahinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu ka soo qeyb galo munaasabaddan.

Ambassador Cali Americo ayaa ugu baaqay hay’adaha iyo ururada caalamiga ah in ay caawiyaan wariyaasha qurba-jooga ah,isagoo intaasi ku daray in ay saafarada soomaaliyeed ee dalka Kenya ay gacan ka geeysan doonto sidii ay tababaro ku heli lahaayeen wariyaasha qurba joogta ah.

Ugu dambeyntii waxaa wariyaasha qurba joogta ah ee dalka Kenya ee SEJASS ayaa shahaado sharaf gududonsiyay Safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Ambassadore Maxamed Cali Nuur Americo iyo Tom Rohdes oo CPJ u qaabilsan Afrika.
DSC_0218

DSC_0219

DSC_0220

DSC_0222

DSC_0227

DSC_0242

DSC_0246

DSC_0247

DSC_0258

DSC_0261

DSC_0268

DSC_0273

DSC_0275

DSC_0279

DSC_0283

DSC_0293

DSC_0297

DSC_0316

DSC_0323

DSC_0328

DSC_0369

DSC_0371

DSC_0375

DSC_0389

DSC_0396

DSC_0432

DSC_0467

DSC_0486

DSC_0494

DSC_0497

DSC_0510

DSC_0520

DSC_0535

DSC_0564

DSC_0566

DSC_0567

DSC_0613

DSC_0663

DSC_0681

DSC_0692

DSC_0695

DSC_0707

Sawir qaade:-Cabdi Shakur Faarax Cigale

Previous Post

Dhageyso barnaamijka Bandhigga wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post

Liverpool iyo Chelsea oo Bareejo Ku Kala Baxay Lugtii Koowaad ee Koobka Capital One “SAWIRRO”

Next Post
Liverpool iyo Chelsea oo Bareejo Ku Kala Baxay Lugtii Koowaad ee Koobka Capital One “SAWIRRO”

Liverpool iyo Chelsea oo Bareejo Ku Kala Baxay Lugtii Koowaad ee Koobka Capital One “SAWIRRO”

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Wasiirka Difaaca ee dalka Shiinaha

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Wasiirka Difaaca ee dalka Shiinaha

September 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan heer sare ah la yeeshay Wasiirka Difaaca Shiinaha,...

TACSI:Wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka tacsiyadaysay geerida ku timi Weriye Maxamed Muudey(Boqorka Bartamaha)

TACSI:Wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka tacsiyadaysay geerida ku timi Weriye Maxamed Muudey(Boqorka Bartamaha)

September 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐡𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐭𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐝𝐨𝐨𝐫-𝐬𝐨𝐨𝐜𝐚𝐬𝐡𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐡𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐭𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐝𝐨𝐨𝐫-𝐬𝐨𝐨𝐜𝐚𝐬𝐡𝐨

September 17, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, Isaga oo ka duulaya Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Qodobka 161aad...

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niño ee Geeska Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niño ee Geeska Afrika

September 17, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalay Shir Heerkiisu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In