Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabad lagu xusayay sanadguurada ciidanka booliiska oo lagu qabtay Baydhabo

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Munaasabad lagu xusayay sanadguurada ciidanka booliiska oo lagu qabtay Baydhabo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koofur-galbeed ayaa ka qeybgashay munaasabad lagu maamuusayay xuska sanadguurada 72-aad ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed oo maanta lagu qabtay Baydhabo.

Cutubyo ka tirsan ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo wajiyadooda laga dheehanay farxad dheeraad ah ayaa dhoolatus ciidan iyo gaadda ka ciyaarba ku soo bandhigay munaasabadaasi oo si heer sare ah loo soo agaasimay.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Munaasabadda oo ka dhacday dugsiga tababarka Cali Salaameey ayaa waxaa ka qeybgalay wasiirro ka tirsan maamulka K/Galbeed, saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida, gudoomiyaha gobolka Baay, gudoomiyaha degmada Baydhabo  iyo dadweyne aad u farabadan.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Booliiska oo munaasabaddaasi ka hadashay ayaa ka sheekeeysay taariikhda ciidanka booliiska, marxaladihii uu soo maray iyo duruufaha kala duwan ee uu ciidanku xilligan ku shaqeeyo.

Wasiirka hub ka dhigiska, dhaqancelinta maleeshiyaadka iyo tababarrada ciidanka Xasan Xuseen Maxamed “Eelaay” oo gebagebadii munaasabadda ka hadlay ayaa hambalyo u diray ciidanka booliiska isagoo tilmaamay in maamulku uu il gaar ah ku eegi doono baahiyaha ciidanka booliiska.

Sanad kasta maanta oo kale waxaa dalka laga xusaa sanadguurada ciidanka booliiska Soomaaliyeed oo ku asteysan 20-ka dicembar.

Previous Post

Xuska sanadguurada Booliska oo lagu qabtay Kismaayo

Next Post

Daawo Sawirrada: Munaasabadda xuska maalinta ciidanka Booliiska oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post
Daawo Sawirrada: Munaasabadda xuska maalinta ciidanka Booliiska oo lagu qabtay Muqdisho

Daawo Sawirrada: Munaasabadda xuska maalinta ciidanka Booliiska oo lagu qabtay Muqdisho

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In