Munaasabad Si weyn loo soo agaasimay oo lagu weyneynayo Maalinta Xuriyadda 26 June ayaa lagu wadaa in ay caawa ka dhacdo Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee Magaalada Muqdisho.
Wasiirka Warfaafinta XFS ahne Gudoomiyaha Gudiga Qabanqaabada Munaasabada 26 june oo u waramay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in qabanqaabada munaasabada ay mareyso meel wanaagsan isagoo xusay in ay wax yar kadib si toos ah uga bilaawan doonto Aqalka Dowladda Hoose ee Magaalada Muqdisho.
Mudane Yariisow ayaa sheegay in Munaasabada ay kasoo qeyb geli doonaan Madaxda Sare ee Qaranka , Wasiiro , Xildhibaano , Masuuliyiin kale iyo Shacab badan.
Munaasabadan ayaa waxaa si toos ah ugala socon doontaan qeybaha kala duwan ee Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed Sida Radio Muqdisho , Tvga Qaranka iyo Websites-ka Warbaahinta Qaranka.