Thursday, January 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabad lugu sagootinayay kooxda kubadda cagta Comsed oo lugu qabtay Kismaayo +Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Munaasabad lugu sagootinayay kooxda kubadda cagta Comsed oo lugu qabtay Kismaayo +Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad lugu sagootinayay kooxda kubadda cagta Comsed ee ka dhisan Puntland ayaa lugu qabtay magaalada Kismaayo oo ay ku sugnaayeen toddobadkii ugu dambeeyay.

Xafadda oo afur ahayd,waxaa ka qayb-galay madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland,wasiirka dhallinyarada iyo Isboortiska Jubbaland,guddoomiyaha degmada Kismaayo iyo bahda isboortiska Jubbaland.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026

Ugu horreyn waxaa kulanka sagootinta ah ka hadlay,guddoomiyaha kooxda kubadda cagta Comsed,Cabdiqani Khalif Carabay oo sheegay in si wanagsan loogu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo,isagoo marka u mahadceliyay wasaaradda dhallinyaradda iyo Isboortiska Jubbalandguddoomiyaha xiriirka kubadda cagta  Jubbaland, guddoomiyaha magaalada Kismaayo,Waxaa kalo uu guddoomiyaha kooxda kubadda cagta Comsed si gaar ah uga mahadceliyay Cabdixaaq oo ka dambeeyay imaatinka kooxda ee magaalada Kismaayo,taaso socotay muddo ka badan toddobo bilood.

Waxuu inta ku darey guddoomiyaha kooxda inay guul ka gaaren labo ciyaar oo ay la qaaten muddada ay Kismaayo joogeen kooxaha Dowladda hoose ee Kismaayo iyo kooxda kale JBC oo ka mid ah kooxaha heerka koobad ee Jubbalnd,waxuuna inta raaciyay in ka koox ahaan ay u tahay safarkooda Kismaayo mid xoojinaya isdhex-galka dhallinyaradda isboortidka Jubbaland iyo Puntland.

Wasiirka Dhalliyarada iyo Isboortidka Jubaland,Maxamed Maxamuud Yuusuf (Awlibax) ayaa ka had lay Xalfadan Wuxu sheegay in u shaqada Wasiir nimo u ku cusub yahay inuu ku faraxsan-yahay kooxda Comsed oo Puntland ku soo safartay inay soo gaarto Jubbaland,isagoo marka sheegay inay si dhow ula shaqeyn doonan kooxda iyo kooxaha kale ee ka dhisan Puntland,si loo adkeeyo is dhexgalka dhallinyarada labada dhinac ee ay horseedka u noqotay kooxda Comsed.

Guddoomiyaha degmada Kismaayo, Ibraahim Maxamed (Timo jilac) oo isna madasha ka hadlay,waxuu u mahadceliyay kooxda kubadda cagta Comsed Oo yimid Jubaland-Kismaayo ciyaaro wanagsan ku ciyaaray ,isagoo marka yiri “Waxayna inoo muujinaysaa farxad wanagsan maantay in aan ku marti galino koox Puntland Ka yimid mar walbana waan soo dhaweeynaynaa ciyaaraha sidan oo kale ah si Dhalinyarada Uga badbaadan dhibatada,”

Madaxweyne Ku Xigeenka Jubaland,Maxamuud,Maxamuud Sayid Aadan ayaa soo xiray munaasabadda,waxuu dhankiisa muujiyay sida uu uga faraxsan-yahay kooxda Comsed ee soo gaartay Jubbaland,isagoo marka sheegay inay tahay taarikh cusub oo muujinaysa is dhex-galka dhallinyarada,waxuu marka ammaanay maamulka kooxda iyo dhamman cid walba oo gacan ka geysatay safarka ay kooxda ku timid magaalada Kismaayo.

Ugu dambeyn,waxuu u mahadceliyay madaxweyne ku-xigeenka koobad ee Jubbaland,kooxda kubadd cagta Comsed oo ka dhisan Puntland imaanshiyaheeda ee Kismaayo,Waxuuna marka yiri “Waa Mid Abuuraysa is Dhaxgalka Dhalinyarada iyo Isboortiska Jubaland iyo Puntland. Wana Mid Tariikh Ah Team Ka Soocda Gobolka Mudug Gaalkacyo Puntland oo Kismaayo ku Badiya.

2 3 4

Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Tartan Qur’aan akhris ah oo lagu soo gebagebeeyay Nairobi

Next Post
Tartan Qur’aan akhris ah oo lagu soo gebagebeeyay Nairobi

Tartan Qur'aan akhris ah oo lagu soo gebagebeeyay Nairobi

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta ka qeybgalay...

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hussein Ali Haji, ayaa maanta ka degay...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad...

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

January 22, 2026
0

Waxaa Magaaladda Moqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In