Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabad xarigga looga jarayay garoon kubada kolayga ah oo lagu qabtay Gaalkacyo (Sawirro)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Munaasabad xarigga looga jarayay garoon kubada kolayga ah oo lagu qabtay Gaalkacyo (Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa soo dhammaaday tababar ay qaadanayeen macallimiinta ugsiyada Gaalkacyo,Waxuuna la xiriiray sharuucda kubadda Koleyga oo la rabo tartamo la xiriira inay ka billowdan gobollada Puntland.

Qorsha lugu soo celinayo tartamada kubadda Koleyga Puntland,waxaa uu yimid kaddib booqasho ay ku yimaadeen Puntland Maxamed Madoobe,Cabdirisaaq Marayare oo ka mid ah ciyaartoydii Soomaaliya waqtiigii dowladii dhexe ee kubadda oleyga.

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026

Labadan ciyaar-yahan waxaa waheliyay macallin Cali Aaamin oo bixinayay tababaradda kuadda Koleyga.

Tababar maalmo qaatay ayey ku soo dhammeeyeen dugsiga sare ee Cumar Samatar,waxaana ka qayb-galay macallin ka sooctay dugsiyada waxbarashada gobolka Mudug.

“Si wanagsan ayuu ku soo dhammaaday tababarkii ka socday Gaalkacyo,waxbadan ayaana ka korarsanay,”ayuu yiri macallin ka qayb-galay tababarka.

Maxamed Madoobe oo ka mid ahaa ciyaratoydii Soomaaliya ayaa sheegay in la baray macallimiinta ka qayb-gashay tababarka qaabka loo maamullo kubada koleyga iyo sharuucda lagu dhaqmo.

Munaasabad kooban oo ka dhacday garoonka kubadda Koleyga ee Cumar Samatar oo dibu habeyn lugu sameeyay ayaa shahaadooyin lugu siiyay macallintii ka qayb-gashay tababarka oo dhowr maalin socday.

Mas’uuliyinta gobolka,degmada,maamulka dugsiga Cumar Samatar,wasiirkii hore ee haweenka Caasho Geelle iyo xubno kale oo ka socday bulshada qaybaheeda ayaa ka qayb-galay munaasabad kooban oo loo qabtay
macallimiintii ka qayb-gashay tababarka.

Guddoomiyaha Isboortiska Cabdi-hodon Dayax-leef,guddoomiyaha xiriirka kubadda Koleyga gobolka Mudug,xog-hayaha kubadda koleyga gobolka Mudug ayaa hadallo ay jeediyeen waxaa ay soo dhaweeyeen soo oqshada kubadda Koleyga ee Puntland.

“Waxaan u mahadcelinayna mas’uuliyinta Cumar Samatar oo marti galiyay tababarkii maalmaha qaatay,iyo dibu habeynta garoonka kubadda gacanta ee Koleyga,aad ayaan usoo dhaweynayna Maxamed adoobe,Cabdirisaaq Marayare oo gartay inay u faa’ideyaan dalkooda,”ayuu yiri guddoomiyaha isboortiska gobolka Mudug.

Mas’uuliyinta gobolka iyo kuwa degmada oo ay wahelisay wasiirkii hore ee haweenka Puntland ayaa dhankooda u mahadceliyay Maxamed Madoobe,Cabdirisaaq Marayare oo dalka dibaddisa uga yimid sidii loo soo celin laha isboortiska Puntland.

Intaas kaddib waxaa abaal marino la siiyay Maxamed adoobe,Cabdirisaaq Marayare oo ay dadkii ka soo qayb-galay munaaabada ugu mahadceliyeen sida ay u garteen dalkooda inay ku soo laabtan.

“Annaga oo aysan cidna na taageereyn ayaan garanay dalkeena inan wax tarto waxii an awoodno,waxaana ku fikirnay inan ka shaqeyno soo celinta isboortiska,gaar ahaana kubadda Koleyga maadaama an horay u ahayn ciyaar-yahanno kubadda Koleyga ah,”ayuu yiri Maxamed Madoobe oo si cad u sheegay si wanagsan in loogu soo dhaweeyay Gaalkacyo.

Maxamed Madoobe,Cabdirisaaq Marayare ayaa u ambaxay magaalada Garoowe halkas oo si weyn loogu soo dhaweeyay,waxaana lugu wada inay billaaban tababarro la xiriira barashada kubadda Koleyga iyo sharacdeeda.

20150122_081631

20150122_090223

20150125_175733

DSC04748

IMG_0003

IMG_0031

IMG_0059

IMG_0079

IMG_0114

IMG_0121

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Xildhibaano hore & odoyaal dhaqameed oo baarlamaanka ka codsaday iney ansixiyaan Xukuumadda Cusub “SAWIRRO”

Next Post
Xildhibaano hore & odoyaal dhaqameed oo baarlamaanka ka codsaday iney ansixiyaan Xukuumadda Cusub “SAWIRRO”

Xildhibaano hore & odoyaal dhaqameed oo baarlamaanka ka codsaday iney ansixiyaan Xukuumadda Cusub “SAWIRRO”

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In