Monday, January 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabadda daah furka Mashruuca Damal Caafimaad oo lagu qabtay Magaalada Baydhabo 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Munaasabadda daah furka Mashruuca Damal Caafimaad oo lagu qabtay Magaalada Baydhabo 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa daah furtay adeeg bixinta mashruuca Damal Caafimaad oo ka fuli doona Gobolada Baay iyo Bakool ee Dowladda Gobaladka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Munaasabada waxaa ka soo qeybgalay isla markaana si wadajir ah u daahfuray Kusimaha Madaxweynaha ahna Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya mudane Maxamed Nuur Maxamed Macalin iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DKGS Mudane Maxamed Cusmaan Xaaji Cabdi.

Related posts

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026

Waxaa sidoo kale kasoo qeybgalay qaar ka mid ah La taliyayaash Madaxweynaha, Golaha Wasiirada iyo xildhibaanada DKGS, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Gobaladka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Taliyaha Qeybta 60aad ee Ciidamada Xooga iyo Taliyaha sector 3 ee ATMIS, qaar ka mid maamulada degmooyinka iyo gobolada Dowladda Gobaladka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Ururada Haweenka iyo Dhalinyarada, Hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa gudaha ee ka shaqeeya bixinta adeegyada Caafimaadka, bahda saxaafada iyo fanaaniinta iyo marti sharaf kale.

Mashruucan ayaa loogu talagaley in looga faa’iideeyo bulshada Koonfuur Galbeed si ay u helaan adeeg Caafimaad oo tayo leh oo lacag la’aan ah qeybna ka ah xoojinta adeeg bixinta ku saleysan xirmooyinka Caafimaadka Aas-aasiga ah.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka mudane Maxamed Cusmaan Xaaji Cabdi oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in mashruucan ay lee dahay Dowladda Soomaaliya ayna ka wada shaqeynayaan fulinta mashruucan Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Gobaladka Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo ay taabagelinayso bangiga aduunka sidoo kale bixinta mashruucan ay ku guuleysatay Hay’adda Caalamiga ee ACF.

Wasiirka Caafimaadka Dowladda Gobaladka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku dheeraaday muhiimada mashruucan u lee yahay bulshada iyadoo hore loo qorsheeyay wajiga 1aad in uu ka fulo mashruucan 5 Gobol oo ka mid ah Gobolada Soomaaliya halka Dowladda Koonfur Galbeed ay ku guuleysatay helida 2 Gobol (Bay iyo Bakool) sidoo kalena wajiga 2aad la rajeynayo in Gobolka Shabeelaha Hoose lagu soo daro si loo xoojiyo adeeg bixinta caafimaadka.





Previous Post

Minister of Interior inaugurates Enumerator of Conflict Mapping in Banadir region

Next Post

Kulan loogu diryaar garoobayo ka qeybgalka shirka Isbadalka Cimallada oo Muqdisho lagu qabtay

Next Post
Kulan loogu diryaar garoobayo ka qeybgalka shirka Isbadalka Cimallada oo Muqdisho lagu qabtay

Kulan loogu diryaar garoobayo ka qeybgalka shirka Isbadalka Cimallada oo Muqdisho lagu qabtay

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee  lagu qabtay Spain

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee lagu qabtay Spain

January 25, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa ka warbixiyay Bandhigga Carwada Caalamiga ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

January 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In