Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maalinta Nabadda Adduunka oo Muqdisho laga Xusay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Kaalinta bulshada iyo xoojinta ammaanka  Dhageyso
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad lagu weynaynayay xuska maalinta caalamiga ah ee Nabadda oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda dhallinyarada iyo isboortiga ayaa lagu qabtay Muqdisho, waxaana ka qeyb galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda dhallinyarada, agaasimaha guud ee Wasaaradda, agaasime waaxeedyada, xubno ka socday guddiga olombikada Soomaaliyeed, qaarka tirsan xiriirada isboorti iyo marti sharaf kale oo munaasabadda lagu casuumay, taasi oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda amniga gudaha ee degmada Shangaani.

Qaar ka mid ah dadkii ka hadlay xafladda ayaa ka sheekeeyay muhiimadda ay maanta oo kale u leedahay bulshada caalamka, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed, iyagoo xusay in Wasaaraddu ay uga faa’iideysan karto wacyigelinta bulshada.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Agaasimaha guud ee Wasaaradda dhallinyarada iyo isboortiga Mudane Daahir Cabdi Cabdullaahi oo hadal kooban ka jeediyay xafladda ayaa hoosta ka xariiqay in ujeedka munaasabada ay tahay in bulshada caalamka ay la wadaagaan xuska maalinta nabadda adduunka

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda dhallinyarada iyo Isboortiga ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cismaan Aadan Dhuuboow oo soo xiray xafladda ayaa tilmaamay in noolo kasta uu u baahanyahay nabadda, isla markaana ay qiimo weyn ugu fadhido adduunka maanta oo kale, isagoo digniin u diray shaqsiyaadka doonaya inay weeciyaan howlaha Wasaaraddu ay ka leedahay Nabadda.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda dhalinyaada Mudane Cismaan Aadan Dhuuboow ayaa xusay in ay jirto ifafaalo nabadeed oo suurta gelisay in duurjoogtii uu dalka lahaa ay markale ku soo noqdeen qaar ka mid ah gobollada dalka, loona baahanyahay in qofkasta uu qaato mas’uuliyada ah in aan la dabar gooyn ugaarta.

 

Previous Post

Gurigii Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha bulshada oo dad daganaa muddo laga saaray maanta”SAWIRRO”

Next Post

Xildhibaanno Nairobi Tababar uga furmay”SAWIRRO”

Next Post
Xildhibaanno Nairobi Tababar uga furmay”SAWIRRO”

Xildhibaanno Nairobi Tababar uga furmay"SAWIRRO"

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In