Friday, May 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Muqdisho Oo Laga Xusay Maalinta Xuquuqda Aadanaha “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
December 10, 2014
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay munaasabad lagu xusayay 10-ka December oo ah maalinta uu caalamka u aqoonsaday  maalinta xaquuqul insaanka,  iyadoo munaasabadaasi ay soo qaban qaabisay wasaarada Haweenka iyo Horumarinta xuquuqul insaanka oo gacan ka heleysa xafiiska Q.M u qaabilsan Soomaliya.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeybgalay sii hayaha wasiirka wasaaradda Haweenka, Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka,mas’uuliyiin ka tirsan maamul gobaleedyada, ururada bulshada, fanaaniin, iyo marti sharaf kale.

Related posts

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

May 9, 2025
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

May 9, 2025

Dadkii ka hadlay munaasabadda ayaa ku dheeraaday ka sheekeynta muhiimadda ay leedahay ilaalinta Xuquuqda Aadanaha iyagoo si isku mid ah u sheegay in loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ay fahmaan in lagama maar maan ay tahay in laga shaqeeyo horumarinta Xuquuqda Aadanaha.

Akhriso Khudbadda Sii Hayaha Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul insaanka ay ka jeedisay munaasabadii maanta oo ay kaga hadleysay siyaasadda Dowladda ee horumarinta iyo ilaalinta Xuquuqda Aadanaha.

Mudanayaal iyo Marwooyin Waxaan salaan kal iyo laba  u soo gudbinayaa dhammaan mas’uuliyiinta ka tirsan Hay’adaha Qaranka, Bulshada Rayidka ah, Indheergaradka ka soo jeeda qeybaha bulshada Soomaaliyeed ee maanta nagala soo qeybgalay Munaasabadda Maalinta Xuquuqda Aadanaha ee Adduunka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Soomaaliya waxey door wax-ku-ool ah ka qaadatay dhiirigalinta heshiisyada caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha saameynta ku leh iyadoo Sannadkii 1975 ku biirtay heshiiskii Ciribtirka Kala-takoorka Isirrada, Heshiiska ka dhanka ah Jirdilka iyo Siyaaba kale ee xun ee dadka loola dhaqmo, sida Ciqaabta Naxariis Darrada ah, Bani’aadannimada ka baxsan, Sharaftana wax u dhima, iyo weliba Heshiiska Xuquuqda Dhaqaale, Bulsho iyo Dhaqan. Sannadkii 1990, Soomaaliya waxay saxiixday oo ku biirtay Heshiiska Caalamiga ah ee Xuquuqda Madaniga iyo Siyaasadda iyo Borotokoolkiisa kowaad ee aan qasabka ahayn. Bishii September ee 2011, intii lagu gudajiray Dib-u-eegidda Caalamiga ah ee Marxaladlaha ah ee Golaha Xuquuqda Aadanaha, Soomaaliya waxay caddeysay inay ka go’antahay inay xubin ka noqoto ama inay qaado tallaabooyin ku aaddan dhammaan heshiisyada xuquuqda aadanaha ee asaasiga ah iyo borotokoolladooda aan qasabka ahayn.

Iyadoo xaqiiqooyinka sare ku xusan ee tilmaameysa doorka Soomaaliya ku laheyd taabagalinta heshiisyada caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha ayaa hadana dhabta ka jirta dalkeenna waxaa ka mid ah:

  1. Inay Soomaaliya tahay dal ku caan baxay ku xadgudubyada xuquuqda Aadanah
  2. Inay Soomaaliya tahay dal aan lala xisaabtamin dadka ku xadgudba xuquuqda Aadanaha
  3. In Soomaaliya lagu qiimeeyo darajada ugu hooseysa ee cabirka ilaalinta xuquuqda Aadanaha iyo cabirka ugu sareeya ee ku xadgudubyada xuquuqaha aasaasiga ah.
  4. In wacyiga dadweynaha Soomaaliyeed ee arrimaha xuquuqda Aadanuhu uu yahay mid aad u hooseeya
  5. In dowlad la’aantii ragaadisay dalka iyo dowladihii taagta darnaa ee muddooyinkii dambe jiray aysan marnaba awood u yeelan inay shacabka Soomaaliyeed ilaaliso xuquuqdooda aasaasiga ah.

Dowlada Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya waxey u istaagtay horumarinta Xuquuqda Aadanaha taasoo ka muuqata Waxqabadka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha si loo ilaaliyo loona hormariyo Xuquuqda Aadanaha gaar ahaan Haweenka, Caruurta, Dadka taagta daran, Naafada iyo kuwa laga tira badan yahay, iyadoo dalkana loo dejinayo shuruuc lagu ilaalinayo xuquuqdooda, iyadoo Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu na faraayo inaanu qaadno tallaabooyin lagu aasaasayo shuruuc iyo hay’ado tiir-dhexaad u noqon doona hannaanka ilaalinta Xuquuqul Insaanka dadweynaha Soomaaliyeed, iyo sidii loo fulin lahaa heshiisyadii Qaramada Midoobey iyo Dowladda Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ee uu soo saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud.

Haddaba, sidaan horey usoo sheegnay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha iyadoo ka duuleysa ku dhaqanka Diinta Islaamka, faritaanka Dastuurka, iyo baaqyada caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha, waxaa Qorshe howleedka Wasaaradda ku cadaa inaan u diyaarino una hirgelino shuruuc lagu ilaaninaayo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha.

Mudanayaal iyo Marwooyin Waxaa xusuus mudan inay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalia dhaxashay dhamaan heshiisyadii caalamiga ahaa ee nidaamka xuquuqda Aadanaha ee ay dowladihii hore qeybta ka ahaayeen, iyadoo ay jirto heshiisyo ahmiyad gaar ah u leh shacabka Soomaaliyeed oo aan haatan qeyb ka noqoneyno dhameystirka taabagelintooda iyo shuruudihii ka mid ahaanshaha.

Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha waxaa u qabsoomay:-

  1. Diyaarinta markii ugu horeysay Dalka Soomaaliya Warbixinta Fulinta Qorshaha Beijing (Beijing Plat Form of Action Report), iyo Ka qeyb-galka Hiigsiga Horumarka Qarniga (Millennium Development Goal).
  2. Diyaarinta Qorshaha Ciribtirka Xadgudubka Jinsiga ( National Action Plan on Ending Sexual Violence)
  3. Qabya Qoraalka 1aad ee Hindise Sharciyeedka Xadgudubka Jinsiga (1st Draft on Sexual Offence Bill)
  4. Siyaasadda Qaran ee Jinsiga oo qabyo ah (Draft National Gender Policy)
  5. Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Aadanaha (Human Rights Bill)
  6. Qabya Qoraalka 1aad ee Qorsha Hawleedka Tubta Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya ( 1st Draft of National Action Plan on Human rights Road Map).
  7. Diyaarinta Qorshaha Qabyada ah ee fulinta Go’aanka Golaha Amaanka ee tirsigiisu yahay 1325 .
  8. Diyaarinta siyaasadda badbaadada carruurta oo hadda gacanta lagu haayo, iyo Xeerka caalamiga ah ee Carruurta CRC Child Rights Convention.

Mudanayaal iyo Marwooyin Dowladda Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya waxaa ugu xilsaaran Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha sidii looga hortagi lahaa loogana jawaabi lahaa xadgudubyada Xuquuqda Aadanaha Maanta oo ay taariikhdu tahay 10 December 2014 waa maalin weyn oo ah Xuska Maalinta Xuquuqda Aadanaha ee Adduunka, waxaa Munaasabadaan barbar socda gabagabada 16-ka Maalin ee baabi’inta Xadgudubka Gabdhaha yar yarka ay u asteeyeen qaramada Midoobey, taasoo laga fuliyay dhamaan Dowladaha Caalamka oo aan qeyb ka nahay laga soo bilaabo 25-ka November 2014 oo ugu dambeyso maanta oo ah 10 December 2014, 16-kaas maalmood oo loogu talagalay Ololaha kahortagga Xadgudubka Gabdhaha yar yar.

Gaba-gabadii waxaan hambalyo u dirayaa Marwa Fartuun Cabdisalaan Xaaji Aadan oo la guddoonsiiyay Abaalmarin taasoo ay ku muteysatay iyada iyo Ururka Elman Arrimaha Xuquuqda Aadanaha sidey gacan uga geysteen, sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa Wasaaradaha Wada shaqeynta gaarka naga dhaxeysay, Ururada Bulshada Rayidka, dhammaan hey’adaha Qaramada Midoobey, Xafiiska UNSOM, AMISOM iyo Dowladihii kale ee gacanta ka geystay fulinta howlaha Wasaaradda.

Mahadsanidiin. 

DSCN6779 DSCN6764

 

 

 

 

Previous Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Akhlaaqda Dagaalka iyo aragtida Islaamka Dhageyso

Next Post

Akhlaaqda Dagaalka iyo aragtida Islaamka Dhageyso

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

May 9, 2025
0

Ugu yaraan 48 qof ayaa la soo wariyay in ilaa hadda la dilay ,iyadoo 32 ka mid ah lagu dilay...

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

May 9, 2025
0

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud oo la hadlay wabaahinta qaranka ayaa ka warbixiyay dhibaatooyinka gaarka ah...

Dowladda Soomaaliya oo ku guuleysatay inay shaqaaleysiiso ku dhawaad 10-kun oo dhalinyaro ah

Dowladda Soomaaliya oo ku guuleysatay inay shaqaaleysiiso ku dhawaad 10-kun oo dhalinyaro ah

May 9, 2025
0

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada XFS ayaa horumar ka sameysay heshiiska shaqaaleysiinta dhallinyarada Soomaaliyeed, si kor loogu qaado fursadaha shaqo...

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

May 8, 2025
0

kulanka 11-aad ee Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In