Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Muqdisho oo lagu qabtay kulan lagu  taageerayey wasiirka Gaashaandhigga cusub

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Muqdisho oo lagu qabtay kulan lagu  taageerayey wasiirka Gaashaandhigga cusub
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasibad lagu soo dhoweynayey wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo ay ka qeyb-galeen siyaasiin iyo bulshada rayidka ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasibaddan lagu soo dhoweynayey wasiirka cusub ee wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda F. Soomaaliya, General Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa waxaa ku sugnaa wasiirro, xildhibaanno, odayaal dhaqmeed iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

Horraanta munaasibadda ayaa waxaa hadallo lagu muujinayey sida ay ugu faraxsan yihiin shaqada loo igdamay wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ka jeediyey hoggaamiyeyaasha dhaqanka iyo masuuliyiintii ka soo qeyb-galay, kulankaasi waxa ayna sheegeen in ay taageero dhinac walba la garab taagan yihiin wasiirka cusub, isla markaana ay ALLE iga baryayaan in uu la garan-galo howsha Culus ee loo dhiibay.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda F Somaailiya, General Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa uga mahadceliyey bulshada Soomaaiyeed teerada ay siiyeen dhammaan golaha wasiirrada, taasoo uu ku tilmaamay in ay bilow u tahay waxqabadka Xukuumadda guud ahaan.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu wasiirka Gaashaandhigga ugu baaqay in ay xoojiyaan taageerada ku aaddan soo nooleynta Qarannimada Soomaaliya oo buuxda.

Munaasibadda, ayaa ku dhammaatay jawi wanaagsan, iyadoo Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga Soomaaliya uu ballan-qaaday in shacabkiisu uu u furan yahay albaabada  xafiiskiisa, si uu u dhageysto tallooyinka bulshada ee muhiimka ah.

Previous Post

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post
Muxaadaro ka Hadleysa Islaamka iyo Qabyaalada oo uu Caawa Sh Muxamed Macalin Axmed ku qabtay magaalada gaalkacyo

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In