Thursday, October 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Musharax Maxamed Cilmi Afrax oo laga taageeray degmada Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Musharax Maxamed Cilmi Afrax oo laga taageeray degmada Dhuusamareeb “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad lagu soo dhaweynayay, isla markaana lagu taageerayay Maxamed Cilmi Afrax Mideeye oo ka mid ah musharaxiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimadda goboladda dhexe ee dalka gaar ahaan Gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa maanta lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Xafladda oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka Degmada ayaa waxaa ka qeyb galay Siihayaha Wasiir kuxigeenka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya mudane Mahad Maxamed Salaad, Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo, salaadiin, odoyaal dhaqameed, qeybaha bulshada iyo marti sharaf kale oo kulanka lagu casuumay.

Related posts

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026

Guddoomiyaha Degmada Dhuusamareeb Cabdiraxmaan Geedo-qorow oo kulanka soo dhaweynta ah hadal ka jeediyay ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin kulanka soo dhaweynta ah ay u sameeyeen musharax Maxamed Cilmi Afrax Mideeye, ayna sii wadayaan taageerada ay u hayaan musharaxan.

Qaar ka mid ah odoyaasha dhaqanka oo goobta hadal ka jeediyay ayaa shacabka ka codsaday inay codkooda ku taageeraan musharaxan u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee maamulka Gobollada dhexe ee dalka.

Axmed Diiriye Maxamed oo ka mid ah siyaasiyiinta la socda Musharaxa ayaa tilmaamay in Maxamed Cilmi Afrax uu yahay shaqsi wax badan u qabtay bulshada ku dhaqan gobollada dhexe, isagoo waxgaradka ka codsaday inay sii xoojiyaan taageerada ay iminka u hayaan.

Ugaas Xasan Ugaas Maxamed oo ka mid ah Ugaasyada gobolka galgaduud ayaa xusay in dhankooda ay hiil iyo hooba la diyaar yihiin musharaxan, waxaana tilmaamay in ay ka shaqeyn doonaan sidii taageerada loo kordhin lahaa.

Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo ayaa hoosta ka xariiqay in maamulkiisu uu diyaar u yahay soo dhaweynta musharixiinta u taagan qabashada Xilka Madaxtinimada ee Maamulka Gobollada Dhexe.

Maxamed Cilmi Afrax “Mideeye” oo ka mid ah musharaxiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimada goboladda dhexe ayaa sheegay in muddo 23 sano ah uu ka shaqeynayay gobollada dhexe ee dalka, isagoo madax ka ah hay’adda, isla markaana uu iminka diyaar u yahay haddii uu ku guuleysto xilka uu u tartamayo inay soo kordhiyo wax u qabashada bulshada ku nool Gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Munaasabadda ayaa intii ay socotay waxaa lagu soo bandhigay cayaaraha hidaha iyo dhaqanka iyo suugaan ka hadlaysa horumarka Gobolka.

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

Haa
musharax-8

Previous Post

DAAWO-Siihayaha Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Burundi

Next Post

Marxuum Maxamed Axmed Kuluc oo lagu aasay magaalada Hargeysa “Dhageyso”

Next Post
Maxamed Axmed Kuluc oo ku geeriyooday Hargaysa

Marxuum Maxamed Axmed Kuluc oo lagu aasay magaalada Hargeysa "Dhageyso"

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In