Saturday, August 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Musharax Maxamed Cilmi Mideeye oo balan qaaday horumarinta adeegyada bulshada “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Musharax Maxamed Cilmi Mideeye oo balan qaaday horumarinta adeegyada bulshada “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxamed Cilmi Afrax “Mideeye” oo ka mid ah musharaxiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimadda goboladda dhexe ee dalka gaar ahaan Gobollada Mudug iyo Galgaduud oo si diiran loogu soo dhaweeyay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono dib u heshiisiinta iyo horumarinta adeega bulshada.

Qeybaha kala duwan ee bulshada oo sitay boorar ay ku taageerayaan musharaxa ayaa ugu horeyn ku soo dhaweeyay deegaanka Bangale, waxaana wafdiga Maxamed Cilmi Afrax soo dhaweynta kaddib la geeyay xarunta maamulka Degmada Caabudwaaq iyo xaafao kale oo ka tirsan degmada Caabudwaaq ee obolka Galgaduud.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

August 29, 2026
Markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙 oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

Markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙 oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

August 29, 2026

Kulan lagu qabtay Hotel Salaama oo ku yaalla bartamaha magaalada Caabudwaaq ayaa waxaa ka qeyb galay qeybaha bulshada ee halkaasi ku nool, waxaana cuqaashii iyo waxgaradkii goobta hadal ka jeediyay ay tilmaameen in Maxamed Cilmi Afrax Mideeye ay si wanaagsan u yaqaaniin, maadaama isaga oo Hay’adda ICRC Madax ka ah uu wax badan u qabtay bulshada ku nool gobolka Galgaduud, iminkana ay soo dhaweynayaan in uu isu soo taago qabashada xilka Madaxtinimo ee maamulka Gobollada Dhexe ayna ka qeyb qaadanayaan sidii codka uu heli lahaa.

Sidoo kale haweenkii ka qeyb qaadanayay soo dhaweynta musharaxa ayaa xusay in aad ugu riyaaqeen sida uu isu soo taagay qabashada xilka Madaxtinimada Maamulka Gobollada dhexe.

Guddoomiyaha degmada Caabudwaaq Cabdiraaq Xasan Cowl oo isna kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in Maamulka iyo shacabka degmadu ay taageersanyihiin musharax Maxamed Cilmi Afrax “Mideeye”, isagoo ku tilmaamay in uu yahay shaqsi wax badan u soo qabtay bulshada Gobollada dhexe, ayna gacan ka geysanayaan sidii uu heli lahaa xilka uu u taaganyahay ee ah Madaxtinimada Gobollada dhexex

Ugu dambeyntii Musharax Maxamed Cilmi Afrax “Mideeye” oo xafladda lagu soo dhaweynayay hadal kooban ka jeediyay ayaa ugu mahadceliyay maamulka iyo shacabka ku nool degmada Caabudwaaq sida diiran ay u soo dhaweeyeen, waxaana uu u balan qaaday in haddii uu ku guuleysto xilka uu u taaganyahay in uu si cadaalad ah ugu adeegi doono bulshada Gobollada dhexe, isla markaana uu ka shaqeyn doono sidii uu dib u heshiisiin dhab ah u dhex dhigi shacabka Gobollada Mudug iyo Galgaduud iyo horumarinta adeegyada aas aasiga u ah nolashada bulshada gobollada dhexe.

Maxamed Cilmi Afrax Mideeye oo horey madax uga soo noqday Hay’adda ICRC ayaa ku guuleystay in uu ceelal iyo mashaariic kale ka hirgeliyo deegaannada Gobolada Mudug iyo Galgaduud, isla markaana uu iminka diyaar u yahay in uu wax badan u qabto bulshada halkaasi ku nool.
12

11

10

9

4

5

6

7

8

3

2

1

13

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweynayaasha Jibuuti Iyo Turkiga Oo Kala Saxiixday Hishiisyo Dhowr ah “Sawirro”

Next Post
Madaxweynayaasha Jibuuti Iyo Turkiga Oo Kala Saxiixday Hishiisyo Dhowr ah “Sawirro”

Madaxweynayaasha Jibuuti Iyo Turkiga Oo Kala Saxiixday Hishiisyo Dhowr ah "Sawirro"

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

August 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu...

Markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙 oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

Markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙 oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

August 29, 2026
0

Ciidanka Badda Turkiga, oo iskaashi la sameynayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa soo furtay markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙, oo burcad-badeeddu 17-kii...

Mudaneyaasha Aqalka Sare oo maanta akhrinta Koowaad marsiiyay laba Hindise-Sharciyeed

Mudaneyaasha Aqalka Sare oo maanta akhrinta Koowaad marsiiyay laba Hindise-Sharciyeed

August 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta akhrinta koowaad marsiiyay laba hindise-sharciyeed oo muhiim u ah...

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee NIRA oo Muqdisho ku qabatay kulan wacyigelin dadweyne

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee NIRA oo Muqdisho ku qabatay kulan wacyigelin dadweyne

August 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan dadweyne oo looga hadlay dhisidda kalsoonida iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In