Friday, January 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Musharax Maxamed Cilmi Mideeye oo balan qaaday horumarinta adeegyada bulshada “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Musharax Maxamed Cilmi Mideeye oo balan qaaday horumarinta adeegyada bulshada “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxamed Cilmi Afrax “Mideeye” oo ka mid ah musharaxiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimadda goboladda dhexe ee dalka gaar ahaan Gobollada Mudug iyo Galgaduud oo si diiran loogu soo dhaweeyay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono dib u heshiisiinta iyo horumarinta adeega bulshada.

Qeybaha kala duwan ee bulshada oo sitay boorar ay ku taageerayaan musharaxa ayaa ugu horeyn ku soo dhaweeyay deegaanka Bangale, waxaana wafdiga Maxamed Cilmi Afrax soo dhaweynta kaddib la geeyay xarunta maamulka Degmada Caabudwaaq iyo xaafao kale oo ka tirsan degmada Caabudwaaq ee obolka Galgaduud.

Related posts

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

January 15, 2026
Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

January 15, 2026

Kulan lagu qabtay Hotel Salaama oo ku yaalla bartamaha magaalada Caabudwaaq ayaa waxaa ka qeyb galay qeybaha bulshada ee halkaasi ku nool, waxaana cuqaashii iyo waxgaradkii goobta hadal ka jeediyay ay tilmaameen in Maxamed Cilmi Afrax Mideeye ay si wanaagsan u yaqaaniin, maadaama isaga oo Hay’adda ICRC Madax ka ah uu wax badan u qabtay bulshada ku nool gobolka Galgaduud, iminkana ay soo dhaweynayaan in uu isu soo taago qabashada xilka Madaxtinimo ee maamulka Gobollada Dhexe ayna ka qeyb qaadanayaan sidii codka uu heli lahaa.

Sidoo kale haweenkii ka qeyb qaadanayay soo dhaweynta musharaxa ayaa xusay in aad ugu riyaaqeen sida uu isu soo taagay qabashada xilka Madaxtinimada Maamulka Gobollada dhexe.

Guddoomiyaha degmada Caabudwaaq Cabdiraaq Xasan Cowl oo isna kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in Maamulka iyo shacabka degmadu ay taageersanyihiin musharax Maxamed Cilmi Afrax “Mideeye”, isagoo ku tilmaamay in uu yahay shaqsi wax badan u soo qabtay bulshada Gobollada dhexe, ayna gacan ka geysanayaan sidii uu heli lahaa xilka uu u taaganyahay ee ah Madaxtinimada Gobollada dhexex

Ugu dambeyntii Musharax Maxamed Cilmi Afrax “Mideeye” oo xafladda lagu soo dhaweynayay hadal kooban ka jeediyay ayaa ugu mahadceliyay maamulka iyo shacabka ku nool degmada Caabudwaaq sida diiran ay u soo dhaweeyeen, waxaana uu u balan qaaday in haddii uu ku guuleysto xilka uu u taaganyahay in uu si cadaalad ah ugu adeegi doono bulshada Gobollada dhexe, isla markaana uu ka shaqeyn doono sidii uu dib u heshiisiin dhab ah u dhex dhigi shacabka Gobollada Mudug iyo Galgaduud iyo horumarinta adeegyada aas aasiga u ah nolashada bulshada gobollada dhexe.

Maxamed Cilmi Afrax Mideeye oo horey madax uga soo noqday Hay’adda ICRC ayaa ku guuleystay in uu ceelal iyo mashaariic kale ka hirgeliyo deegaannada Gobolada Mudug iyo Galgaduud, isla markaana uu iminka diyaar u yahay in uu wax badan u qabto bulshada halkaasi ku nool.
12

11

10

9

4

5

6

7

8

3

2

1

13

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweynayaasha Jibuuti Iyo Turkiga Oo Kala Saxiixday Hishiisyo Dhowr ah “Sawirro”

Next Post
Madaxweynayaasha Jibuuti Iyo Turkiga Oo Kala Saxiixday Hishiisyo Dhowr ah “Sawirro”

Madaxweynayaasha Jibuuti Iyo Turkiga Oo Kala Saxiixday Hishiisyo Dhowr ah "Sawirro"

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

January 15, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Ku Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan...

Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

January 15, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahab Cabdi Cumar (Cananuug), oo la hadlay Warbaahinta Qaran...

Madaxweynaha Algeria oo la gaarsiiyay dhambaal ka socotay Madaxweynaha JFS

Madaxweynaha Algeria oo la gaarsiiyay dhambaal ka socotay Madaxweynaha JFS

January 15, 2026
0

Madaxweynaha Algeria Abdelmadjid Tebboune ayaa qaabilay Faarax Sheikh Cabdulqaadir Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ahna Wasiirka Waxbarashada XFS, kaasoo farriin...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray ciidamada XDS & Daraawiishta Waqooyi Bari

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray ciidamada XDS & Daraawiishta Waqooyi Bari

January 15, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta kormeer ugu tagay cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In