14 Oktober, 2017 oo aheyn maalin sabti ah abaarihii 3: 15 , gaari weyn oo xamuul ah oo lagu soo raray walxo qarxa oo tankoodu cuslaa oo uu kaxeynayay naftii halige ayaa lagu beegsaday Isgoyska Zope ee KM 5 ee Muqdisho, oo ah waddo ganacsi oo ciriiri badan, waxa ayna taasi sababtay geerida Shacab badan oo aan waxba galabsan, oo ay ku jireen dad wadada goynayay, dad ka xoogsanayay ganacsiga waratada, looska iyo cadayga ku iibinayay hab socod wareeg ah, dad suuq-tag iyo wax iibsi ku jiray, arday da’ yar, arday jaamacadeed, dad ka cuntaynayay maqaayado, marti deganayd hoteello iyo dad ku tukanayay seddex masjid.
Xasuuqii Soobe wa ficil aan la fileyn oo reebay naxdin iyo amakaag,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin isugu jiray dhimasho,dhaawacyo iyo burbur hanti ay soo gaartay dad ka badan 1890-ruux waana mid xasuus gaar ah ku leh qalbiyada dadka,isla markaana dhaxalsiisay dhibaatooyin xoog leh.
Dowladda Soomaaliyaoo shaacisay tirada rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay qarixii dhawaan ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalda Muqdisho, waxaana lagu sheegaa inay ahaayeen in ka badan 500 00 ruux iyo tiro intaasi ka badanna waa ay ku dhaawacmeen, sida ay haqiijiyeen Guddiyadii loo xilsaaray arrintaasi, kuwaasi oo gaarayay ilaa iyo seddex guddi oo dowladda ay u saartay xaaladdan.
Dhanka kale, wasiirka amniga gudaha Maxamed Abuukar Isloow ayaa sheegay in dhowr qof loo soo qabtay qaraxa, kuwaasi oo lagu tuhunsanaa inay ku lug lahaayeen falkaasi maalintaasi dhacay, waxaana ugu dambeyntii lagu xaqiijiyay inay arrintaasi ka dambeeyeen Kooxda Al-shabaab, isla marlkaana ay fuliyeen 4 ruux , kuwaasi oo ugu dambeyntii ay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ku xukun maxkamadeed ku riday eedeysanayaasha Qaraxii Zoobe 14-kii October sanadkii 2017-kii.
Maxkamadda oo muddooyinkii dambe waday dhageysiga Kiiska la xiriira eedeynta raggaasi oo soo gaba gabeysay, waxayna maxkamadda ku dhawaaqday xukunka ah.
1. Xasan Aadan Isaaq Cali Waxaa lagu xukumay dil toogasho ah.
2. C/laahi Ibraahin Xasan Absuge oo maqan waxaa lagu xukumay Xabsi daa’in.
3. C/Wali Axmed Diiriye waxaa lagu xukumay saddex sano oo xabsi ciidan ah.
Maxkamada ciidamada waxa ay fasaxday eedeysanayaasha kala ah Muqtaar Maxamuud Xasan Rooble iyo Cabdul Cabdi Warsame Cali oo wax dambi ah lagu waayay.
Dhinaca kale Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidanka Qalabka Sida ayaa saaka Xukun dil ah ku fulisay Xasan Aadan Isxaaq oo ka tirsanaa Maleeshiyada Alshabaab,kaasi oo ka dambeeyey fulinta qaraxii 14 Oct sanadkii hore oo dad badan ay ku dhinteen.
Qoraal ka soo baxay Maxakamadda Darajada Kowaad ee Ciidanka Qalabka sida ee ahaa xukunka dhagar-qabahaasi uuna akhriyay Dhamme Muumin Xuseen C/llaahi kuxigeenka Xeer ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa u qornaa sidatan.
Taariikhdu markay ahayd 01/01 2018,waxay Maxakamadda Darajada Koowaad ee Ciidanka Qalabka Sida ay u fariisatay dacwad ciqaabeedkii loo haystay Xasan Aadan Isxaaq Cali 23 jir ah Ina Xaawo Maxamed Cali, ku dhashey Bay,kaasoo Xafiiska Xeer-lilaalinta Ciidanka Qalabka Sida ku soo eedeeysay in uu ka tirsanaa Alshabaab,mas’uulna ka ahaa 2 gaari qarax ah ee 14/10/2017 ku kala qarxay Isgoyska Soobe iyo Waddada Dan-wadaagaha,sidoo kale waxaa lagu dacweeyey in gaariga ku qarxay Waddada Danwadaagaha uu isaga gacantiisa ku waday, qaraxyadaasi oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen dad gaaraya 776 ruux.
Taariikhdu markay ahayd 06/02/2018 Dambiile Shabaab Xasan Aadan Isxaaq Cali waxay Maxakamadda ciidamada Qalabka Sida ku xukuntay dil toogasho ah, oo ah qisaasta dadkii ku geeriyooday labadii qarax ee ka kala dhacay Isgoyska Soobe iyo waddada DanWadaagaha 14/10/2017.
Maanta oo ay tariikhdu tahay 14/10/2018, ayaa waxaa lagu fuliyay gacan ku dhiiglaha xukunkii dilka ahaa.
waxaa kaloo jira in Dowladda Hoose ee Muqdisho ay taallo xasuus ah ka taagtay Isgoyska KM 5 oo ah goobtii uu ka dhacay weerarkii argagaxiso ee xasuuq shacab geystay, iyadoo laga dhisay Isgooska Soobe taasoo ah mid lagu xasuusanayo Dadkii Soomaaliyeed ay argagixisada Al-shabaab ku xasuuqeen halkaasi 14-kii Octoober 2017.
Kulan dhawaan ay Muqdisho ku yeesheen golaha wasiirada XFS oo looga hadlay dhibaatadii xanuunka iyo muragada badnayd ee ka dhalatay weerarkii argagaxiso ee 14 October 2017 ayaa lagu go’aamiyay in xasuus qaran loo sameeyo dadkii ku dhintay weerarkaas arxan darrada ahaa, iyo in la caawiyo dadkii ku dhaawacmay, eheladii dadkii wax ku noqday iyo dadkii ku hanti beelay.
Dhinaca kale Qabanqaabo ku aaddan xuska 14-ka Oktoobar ee xasuuqii Isgoyska Sooobe ayaa haatan si habsami leh uga socota magaalada Muqdishoi.
Madaxda dowladda iyo kuwa Gobolka,ayaa saakay ka qeybgalay xuska 14-ka Oktoobar oo ah maalin cadowga Ummadda ay xasuuq ku dileen dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, iyadoo ay Dadweyne aad u fara badan oo Soomaaliyeed ay sidoo kale ka qeybgaleen saaka xuska Qaraxii weynaa ee 14kii October ee sanadkii hore maanta oo kale ka dhacey Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.
Wadooyinka soo gala isgooyska Soobe ee Muqdisho ayaa la xiran saaka, Ciidanka ammaanka ayaa sugaya Amnniga waddooyinka, kuwaasi oo dadka baaraya si xuska munaasabadda ay uga qeybqaataan, waxaana wehliayay arrintaasi in Boorar lagu soo qorey hal ku dhigyo iyo sawiradii tiiranyada lahaa ee Musiibadii 14-October,ay ka muuqdeen hareeraha waddada Soobe.
Xuska Musiibadii 14-ka October oo lagu qabtay Isgoyska 14-ka October Ex Soobe ayaa waxaa ka qeyb galay Ra”iisul Wasaaraha Dalka Mudane Xasan Cali Kheyre, Ra”iisul wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Culumaa’udiin iyo dadweyne badan oo isaga kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo muujinayey sida ay ula xanuunsadeen walaalihii Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay Xasuuqii dhacay 14-kii October ee sanadkii hore.
Masuuliyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed ee goobtaasi joogay ayaa u duceeyey walaalihii ku dhintay musiibada, iyagoo kuwii ku dhaawacmayna u rajeeyey in allaah uu siiyo caafimaad taam ah, iyadoo Ra”iisul Wasaaraha Dalka Mudane Xasan Cali Khayre uu halkaasi kula hadlay dadkii isugu soo baxay ayaa u mahad celiyey shacabka Soomaaliyeed oo door wanaagsan ka qaatay u gurmashada dadkii musiibadu ay soo gaartay, isagoo u tacsiyeeyey ehelada dadkii wax ku noqday musiibada isagoo arrintaasi ka hadalayay ayaa yiri:- “Marka hore waxaan halkaan uga tacsiyeynayaa dhamaan eheladii dadkooda ay ku waxyeeloobeen qaraxii foosha xumaa oo halkaan ay ka geysteen Arxan laawayaashii Diinlaawayaasha ahaa, ilaahey samir iyo iimaan ha idinka siiyo, waxaan sido kale u duceyneynaa dadkii halkaan ku dhaawacmay oo an leenahay ilaahey caafimaad deg deg ah ha idin siiyo, waana idin garab taaganahay”.
Mudane Xasan Cali Kahyre Ra”iisul Wasaaraha Dalka ayaa sheegay in Al-shabaab oo ka fuliyey musiibadaasi aaney shaqo ku laheyn wax diin ah, balse ay fulinayaan fikir iyo shaqo ay u hayaan dad ajnabi ah, wuxuuna yiri:- “kuwa diinlaawayaasha ah ee qaraxaan geystan iyagu isma qarxiyaan oo waxey soo diraan caruur masaakiimiin ah, caruurtooda ma qaxiyaan oo waxey u dirsadaan Iskuulo, waxey qarxiyaan caruur Soomaaliyeed oo ay dhaleen Shacab Soomaaliyeed, iyagoo ah dad ku shaqeysanaya iney umad Soomaaliyeed u baabi’iyaan shaqo ay usoo dhiibteen kuwa Ajnabi ah”.
ugu dambeyntiina Madaxdii iyo shacabkii kale ee halkaasi isugu soo baxay ayaa sheegay in waajib ay tahay sidii loola shaqeyn lahaa Hay,adaha amniga, si Cadowgu aaney fursad ugu helin iney geystaan falkan oo kale. Haddaba waa in mar walba la xasuusnaadaa Musiibadii Uurku taalada reebtay.
W.D. C/laahi Ruush