Wednesday, November 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Muwaaddin Soomaaliyeed oo lagu Maxkamadeynayo Dalka Maraykanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Muwaaddin Soomaaliyeed oo lagu Maxkamadeynayo Dalka Maraykanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Cabdi Yuusuf Xasan, oo ah muwaaddin Soomaaliyeed, ayaa la soo taagay Maxkamad ku taalla Dalka Maraykanka, markii lagu eedeeyay Afduub wariye oo ka dhacay Gaalkacyo January 2012-kii.

 

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo la kulmay Dr. Rurik Marsden

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo la kulmay Dr. Rurik Marsden

November 4, 2026
Dowladda Soomaaliya oo Cambaareysay dilka Ismaaciil Haniya

Dowladda Soomaaliya Waxay si adag u diiddan tahay tallaabada Isra’1l ay Ku sheegatay magacaabista Safiir ka Hawlgala Hargeysa

November 4, 2026

Muwaaddin, Cabdi Yuusuf, ayaa lagu soo eedeeyay inuu Gacan weyn ku lahaa qafaalashada, Wariye, Michael Scott Moore, kaas oo muddo Saddex Sana ah lagu haystay Gobolka Mudug.

Michael Scott Moore, oo ah Jarmal haysta dhalashada Dalka Mareykanka, ayaa xilligii la Afduubanayay diyaarinayay war-bixinno ku saabsan Burcad-Badeedda Soomaaliya.

Cabdi Yuusuf, ayaa loo haystaa inuu maleegay shirqoolka lagu Afduubtay Wariyaha, isla markaana ku dhowaaqay dalab Madax furasho oo gaaraya 20 Milyan oo Doollar, waloow aan la caddeeyn in la siiyay iyo in kale.

Wariye, Michael Scott Moore, oo ahaa Suxufi madax bannaan, waxna ka qora arrimaha Burcad Badeedda ayaa lasii daayay, 23-kii  September, 2014.

Sida ay sheegtay Maxkamadda Magaalada New York, Cabdi Yuusuf ,oo 51 jir ah, oo ku dhashay Magaalada Muqdisho, haystana dhalashada Maraykanka ayaa wajahaya dacwado kale oo ay ka mid yihiin Afduub iyo haysasho Hub Sharci darro ah.

 

Isha/ Indebendent

Previous Post

Maamulka Degmada Buula Burte oo ku baaqay  in laga qeyb qaato dib u dhiska xarumaha Danta Guud

Next Post

Wafdi ka socda Wasaaradda Qorsheynta oo gaaray Dhuusamareeb

Next Post
Wafdi ka socda Wasaaradda Qorsheynta oo gaaray Dhuusamareeb

Wafdi ka socda Wasaaradda Qorsheynta oo gaaray Dhuusamareeb

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo la kulmay Dr. Rurik Marsden

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo la kulmay Dr. Rurik Marsden

November 4, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan la yeeshay Dr. Rurik Marsden, Ku-xigeenka Agaasimaha...

Dowladda Soomaaliya oo Cambaareysay dilka Ismaaciil Haniya

Dowladda Soomaaliya Waxay si adag u diiddan tahay tallaabada Isra’1l ay Ku sheegatay magacaabista Safiir ka Hawlgala Hargeysa

November 4, 2026
0

Tallaabooyinkaan la qaaday iyada oo aan oggolaansho laga haysan Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay si bareer ah u jebinayaan madaxbannaanida, wadajirka...

Soomaaliya iyo Kenya ayaa yeeshay kulan lagu xoojinayo Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga Labada Dal

Soomaaliya iyo Kenya ayaa yeeshay kulan lagu xoojinayo Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga Labada Dal

November 2, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS, Mudane Xamsa Aadan Xaadow, ayaa kulan la yeeshay...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan la qaatay Safiirka Cumaan ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan la qaatay Safiirka Cumaan ee Soomaaliya

November 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Gamal Maxamed Hassan, oo ay weheliyaan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In