Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Muwaadin Soomaaliyeed oo loo doorta Baarlamaanka Canada

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Muwaadin Soomaaliyeed oo loo doorta Baarlamaanka Canada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Axmed Xuseen ayaa loo doortay Baarlamanka dalka Canada kaas oo muddo u tartamayay in uu xilkaas qabto.

Ninka la doortay ayaa ka soo jeeda Xisbiga Mucaaradka ee Liberal isagoo laga soo doortay xafadda York South Wenton Magaalada Toronto ee dalka Canada, Axmed Xuseen waxa uu Noqonayaa muwaadinkii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed.

Related posts

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026

Axmed Xuseen ayaa doorashada uga adkaaday musharrixii laga soo dooran jiray Xafadda laga soo doortay oo lagu magacaabo Mike Sullivan oo ka tirsan xisbiga NDP.

Dhanka kale waxaa doorashadas ka haray musharrixiin la tartamayay Axmed Xuseen kuwaas oo aha labo musharrax doonayayna inay xilkaan qabtaan kuwaas oo iyagana aha Soomaali.

Dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Canada ayaa si aad ah u soo dhaweeyay doorashadaan iyo sida ay u dhacday iyagoo waqti wacan iyo shaqo wanaagsan u rajeeyay Axmed Xuseen oo noqday xubin ka mid ah Baarlamaanka dalkaas, iyadoo ay tahay markii ugu horraysay oo Baarlamanka Canada Dad Soomaaliyeed ay cod ku yeeshaan.

Xisbiga laga guuleystay ee Conservative-ka ayaa ah xisbi kasoo horjeeda qoxootiga ku nool dalka Canada, kaasoo soo saaray harci dhigaya in dhalashada laga qaado ciddii lagu helaa falal Argagixisanimo.
Dhanka kale, xisbiga Conservative-ka ayaa kasoo horjeeday Xijaabka ay haweenka muslimiinta ah xirtaan, madaxda xisbiga ayaana arrintaas ku sheegay jaahilnimo muddo jirtay, markii ay maqleen Xisbiyada kale ee Arrintaan ka soo horjeeda go,aannada xisbiga Conservative-ka ay qaateen inay doorashda ka qayb qaataan si loo badalo fikirkas diidaya in Niqaabka ay waheenku xirtaan.

Doorashooyinka baarlamaanka Canada ayaa waxaa 185-kursi oo kuraasta baarlmaaanka dalkaas ka mid ah ku guuleystay xisbiga Liberal-ka oo uu ka tirsan yahay, Axmed Xuseen oo ah Muwaadin Soomaaliyeed, iyadoo xisbigaan uu sannadka soo socda hoggaamin doono Canada.

Axmed Xuseen ayaa ku dhashay kuna barbaaray Soomaaliya, isagoo dalka Canada galay sannadkii 1993-kii, waxbarashadiisa Jaamacadeed waxa uu ku dhameystay Jaamacadda Ottawa, isagoo ah qareen bulshada si aad ah uga dhex-muuqday waxa uuna madax kasoo noqday ururka bulshada Soomaalida Canada ee Somali Community Organization.

Previous Post

Khudbadda Madaxweynaha Madasha Wadatashiga Qaranka ee Hannaanka Doorashada 2016-ka 19 October 2015

Next Post

Qaban Qaabada Caleema saarka Suldaan Sh. C/qani Qorane Maxamed oo ka socota balliqardhaas “Sawirro”

Next Post
Qaban Qaabada Caleema saarka Suldaan Sh. C/qani Qorane Maxamed oo ka socota balliqardhaas “Sawirro”

Qaban Qaabada Caleema saarka Suldaan Sh. C/qani Qorane Maxamed oo ka socota balliqardhaas "Sawirro"

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta qaabilay Safiirka cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In