Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Muwaadiniin ka soo carartay Yemen oo soo gaaray Boosaaso “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 11, 2015
in Wararka
0
Muwaadiniin ka soo carartay Yemen oo soo gaaray Boosaaso “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muwaadiniin Soomaali ah oo isaga soo cararay dagaalada ka taagan dalka Yemen ayaa soo gaaray dekadda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka bari, kuwaasi oo isugu jiray rag, dumar iyo carruur.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed oo tiradoodu ahayd 260-qof ayaa qaarkood lagu waday gawaarida loogu talagalay dadka aan lixaadkooda dhameystirneyn iyo kuwa kale oo qabay xunuuno kala duwan.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

Maamulka gobolk Bari ee maamulka Puntland, waxgarad, , ganacsato, dhallinyaro, haween, saraakiil, xildhibaanno, ayaa dadkaasi kusoo dhaweeyay dekedda, iyadoo la siiyay markiiba cunnooyin, biyo iyo dawo.

Abshiro oo ka mid ah muwaadiniinta dalka Yemen ka soo cararay oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa tilmaamtay in Soomaalida ay dhibaatooyin badan ku qabaan dalka Yemen, iyadoo codsatay in gurmad loo fidiyo dadka weli ku xaniban rabshahada ka taagan Yemen.

Duqa magaalada Boosaaso, Xasan Cabdalla Xasan oo isna warbaahinta kula hadlay gudaha dekedda Bosaso ayaa sheegay in dadka ka soo cararaya dagaallada Yemen oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib kale ay u diyaariyeen meelo ay degaan, ayna ku dadaallayaan sidii dadkaasi gurmad loogu fidin lahaa.

1 2 3 4 5 6

 

Previous Post

Wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha gudaha oo gaaray Cadaado”sawirro”

Next Post

Guddoomiyaha Cusub ee Degmada Hodan oo Xilka la wareegtay”Sawirro”

Next Post
Guddoomiyaha Cusub ee Degmada Hodan oo Xilka la wareegtay”Sawirro”

Guddoomiyaha Cusub ee Degmada Hodan oo Xilka la wareegtay"Sawirro"

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In