Tuesday, March 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xirnaa dalka Iiraan oo dib loo soo celiyey “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xirnaa dalka Iiraan oo dib loo soo celiyey “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleystay in hannaan diblumaasiyadeed oo dadban ay dib ugu soo celiso muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xirnaa xabsiyo ku yaalla dalka Iiran.

Tirada maxaabiistan oo gaareysa 24 ayaa laga dajiyey magaalada Boosaaso  ee xarunta Gobolka Bari kaddib sannaddo badan ay u xirnaayeen Dowladda Iran oo ku eedaysay in ay si sharci darro ah uga dhoofin jireen shidaalka.

Related posts

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

March 31, 2026
Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Baydhabo

March 31, 2026

Diblumaasiiyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in aysan jirin xiriir toos ah oo ka dhexeeya Iiraan iyo Soomaaliya, balse sidii muwaadiniintan Soomaaliyeed dalkooda dib loogu soo celiyo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya kala kaashatay Dowladda Turkiga oo saaxiib dhaw la ah labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Iiraan.

Qaar ka mid ah ehelada maxaabiista soo gaaray Boosaaso ayaa sheegay in dhowr jeer uu dib u dhac ku yimi soo celintooda, taas oo salka ku heysay go’aankii Soomaaliya ay xiriirka ugu jartay dalka Iiraan sanadkii 2016kii.

Sii deynta dhallinyaradan ku xirnaa dalka Iran ayaa ka mid ahayd codsiyada Madaxweyne Farmaajo ay u soo gud biyeen qaar ka mid ah bulshada iyo duubabka dhaqanka ee Puntland xilli uu booqasho ku maraayey deegannadaas bilowgii sanadkan.

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo booqday Xarunta dhaqan celinta Caruurta Darbi jiifka iyo agoonta

Next Post

Madaxweynaha JFS oo u Hambalyeeyay Ra’iisul wasaaraha cusub ee Ethiopia

Next Post
President farmaajo opens sessions of parliamentary houses

Madaxweynaha JFS oo u Hambalyeeyay Ra’iisul wasaaraha cusub ee Ethiopia

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

March 31, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim, iyo wafdigeeda ayaa ka qayb galay shirka Golaha Guud ee...

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Baydhabo

March 31, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi isugu jira wasiiro Iyo...

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

March 31, 2026
0

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa caawa 06:00 PM ciyaar adag oo qeyb ka ah isreeb-reebka hordhaca ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska iyo abaalmarinta barnaamijka “Daaci...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In