Monday, August 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Oo Soo Bandhigay bandhigii labaad ee ololaha dhiirigalinta akhriska iyo qoraalka “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Oo Soo Bandhigay bandhigii labaad ee ololaha dhiirigalinta akhriska iyo qoraalka “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee HILLIN HAYAAN ayaa soo bandhigay bandhigii labaad ee ololaha dhiirigalinta akhriska iyo qoraalka ee ay ka wadeen degmooyinka gobolka Banaadir gaar ahaan Dugsiyada waxbarashada ee magaalada Muqdisho. Naadiga qoraalka iyo akhiska ee HILLIN-HAYAAN ku soo bandhigay labada buug ee WAAD GUULAYSAN KARTAA iyo AFKA HOOYO U HIILI, Dugsiga hoose , dhexe iyo Sare ee Al-Furqaan ee ku yaala degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Naadiga oo ololahan la bilaabay sanadkan Cusub ayaa ujeedadiisu tahay in lagu dhiiri galiyo ardayda wax ka barata dugsiyada ka jira gobolka Banaadir, si loogu Booriyo in ay badiyaan akhriska iyo Qoraalka si loo helo dhalinyaro badan oo karti u leh wax curinta iyo akhriska.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

August 30, 2026
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

August 30, 2026

Ugu horeyn waxa kalmada furitaanka qaatay maamulaha dugsiga sakariye Maxamed Sheekh. Sakariye oo ugu horeyn u mahadceliyey naadiga Hillin-Hayaan ee soo bandhigay labada buug. Intaa Kadib wuxuu ardayda dugsigiisa ku dhiirigaliyay in ay ka faa’idaystaan buugaagtan qiimaha badan, Sakariye wuxuu amaan iyo bogaadin u jeediyay qorayaasha labada buug oo ku sugnaa madasha bandhiga.

Hadalka Naadiga waxaa qaadatay Sucaado Cabdilahi Maxamed oo ka mid ah xubnaha joogtada ah ee Naadiga. iyadoo sheegtey in Labada Buug ay Xambaarsan yihiin Faa’iidooyin fara badan Intaa Kadib waxa hadalka la wareegay gudoomiyaha Qalinleyda Bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya C/naasir Yuusuf Macalin , wuxuu aad ugu amaanay Naadiga Ololaha uu wado, sidoo kale wuxuu ardaydii dugsiga ku adkeeyay in ay wax akhriska badiyaan, si ay u noqdaan qorayaasha beri.

Xoghayaha Naadiga Cabdikariim Garuun ayaa soo bandhigay buug ay turjuntay Sucdi Daahir Diiriye isagoo ardaydii dugsiga u sharaxay ujeedada ay qoraagu u turjuntay buuga iyo faa’idooyinka laga dhexli karo.

Guddoomiyaha Naadiga Cabdiqaadir Jubba ayaa isna soo bandhigay buuga labaad ee AFKA HOOYO U HIILI ee uu qoray Cabdilahi Maxamed Sheegow. Cabdiqaadir Jubba wuxuu isna si fiican u kala dhig dhigay faa’idooyinka uu xambaarsan yahay buugu u hiilinta uu maanta afkeena hooyo inooga baahan yahay.

Labada qoraa ee kala qoray buugaagta la soo bandhigay Sucdi Daahir iyo Cabdulaahi Sheegow oo iyaguna madasha ku sugnaa ayaa ka qayb qaatay wacyigalinta ololaha Akhirksa iyo Qoraalka ee Naadiga hogaanka u hayo. Sucdi oo hadalka lagu soo dhaweeyay ayaa hadal kooban oo nuxur badan xambaarsanaa u jeedisay ardaydii dugsigii ALFURQAAN iyo dhalinyartii degmada bandhiga joogay. Sucdi waxay ardayda galisay yididiilo iyo dareen ah in wax la qoro, waxna la akhiryo, si ummada soomaaliyeed looga saaro dhigaal la’aanta haysta, loona badbaadiyo afkeeda iyo dhaqankeeda.

Maxamed Cabdulaahi Sheegow oo isna wax ka taataabtay halgankii loo soo maray qorista Afka hooyo, dhibaatooyinkii ka dambeeyay ee afku la soo kulmay iyo baahida loo qabo in maanta la badbaadiyo ayuu aad ugu nuuxnuuxsaday. Qoraaga wuxuu ka codsaday in afka hooyo la badbaadiyo loona hiiliyo

Suldaan Nayruus oo ah qoraa soomaliyeed ayaa dareenkiisa ku cabiray baahida loo qabo in wax la qoro,mihiimda iyo faa’iidooyinka akhrisku leeyahay. Sidoo kale qoraagu wuxuu ku amaanay qorayaasha labada buug iyo buugaagtooda oo la socdaa inay yihiin mahad ilaahay oo aan labadaa la isku helin inta badan

C/raxman Maxamed Cali (Black) oo ka mid ah madaxda TV-ga Somsat ayaa ka sheekeeyay horumarka afku gaaray. Wuxuu ka sheekeeyay is badaladii ku dhacay af Soomaaliga iyo dhibaatooyinkii soo gaaray. wuxuu carabaabay in dhawaaan madaxweynahu ku dhawaaqay in xafiisyada dawlada lagu shaqeeyo afka soomaliga, aad ayuu u soo dhaweeyay arinkaa. Ugu dambeyntii rajo fiican ayuu ka muujiyay in afka iyo dhaqankuba soo noolaan doono
Ololahaan lagu dhiirigalinayo Qoraaalka iyo akhriska ayaa socon doono muddo afar bilood ah iyadoo la mari doono inta badan Dugsiyada waxbarasho ee ku yaalo magaalada Muqdisho,marka uu dhamaado Ololahani ayaa waxaa la soo saari doonaa Qoraal ka hadlaya faa’idooyinka laga gaaray

Naadiga_Hillin_Hayaan (1)

Naadiga_Hillin_Hayaan (2)

Naadiga_Hillin_Hayaan (3)

Naadiga_Hillin_Hayaan (4)

Naadiga_Hillin_Hayaan (5)

Naadiga_Hillin_Hayaan (6)

Naadiga_Hillin_Hayaan (7)

Naadiga_Hillin_Hayaan (8)

Naadiga_Hillin_Hayaan (9)

Naadiga_Hillin_Hayaan (10)

Naadiga_Hillin_Hayaan (11)

Naadiga_Hillin_Hayaan (12)

Naadiga_Hillin_Hayaan (13)

Naadiga_Hillin_Hayaan (14)

Naadiga_Hillin_Hayaan (15)

Naadiga_Hillin_Hayaan (16)

Naadiga_Hillin_Hayaan (17)

Naadiga_Hillin_Hayaan (18)

Naadiga_Hillin_Hayaan (19)

Naadiga_Hillin_Hayaan (22)

Naadiga_Hillin_Hayaan (23)

Naadiga_Hillin_Hayaan (24)

Naadiga_Hillin_Hayaan (25)

Naadiga_Hillin_Hayaan (26)

Previous Post

DAAWO-Turkiga Oo Soo Bandhigay Qaabka Ardayda Soomaaliyeed ay Wax U Baraan “Sawirro”

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso barnaamijka bandhigga wareysiyada ee ka baxa Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

August 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Luanda ee dalka Angola kaga qaybgalaya Kalfadhiga...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

August 30, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Omar Afrah ayaa kulan la yeeshay Ku-simaha Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐰𝐢𝐭𝐳𝐞𝐫𝐥𝐚𝐧𝐝

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐰𝐢𝐭𝐳𝐞𝐫𝐥𝐚𝐧𝐝

August 30, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta kulan wax-ku-ool ah la yeeshay wafdi ka socday...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

August 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan muhiim ah la yeeshay dhiggiisa dalka Qatar Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In