Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee Maskaxshiil ayaa todobaadkan soo gabagabeyey tababar ku saabsan dhiiragelinta Qoraalka iyo Akhriska, kaasoo ay u qabatay in ku dhow 50 Arday oo isugu jiray wiilal iyo gabdho qaarkood wax kadhigta Jaamacadaha magaalada Muqdisho.
Tababarkan oo la xiriira tababaro kale oo loogu magacdaray qoraakaab oo mudooyinkaanba Naadiga uu waday ayaa socday muddo saddex cisho, waxaana inta uu socday lagu qaadanayey casharo la xiriira hannaanka loo qoro qoraalada, gaar ahaan sheekooyinka, qoraalada cilmiga iyo faa’idooyinka wax akhriska, iyadoo ay wax ka dhigayeen Macalimiin Khubaro ah kuwaasoo qoray buugaag kala duwan oo bulshada faa’ido u leh,
Guddoomiyaha Naadiga Qoraalka iyo Wax-akhriska ee Maskaxshiil Mudane Suldaan Neyruus oo ka hadlayey gabagabada Tababarka ayaa sheegay in ujeeddada tababarka ay tahay sidii dhallinyarada Soomaaliyed loogu dhiirigelin lahaa inay wax Akhriyaan si Maskaxdooda ay u kobacdo, islamarkaana ay ugu sahlanaato inay wax qoraan.
Qaar ka mid ah dhallinyaradii ka qeybgashay tababarka ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin inay qaataan tababar la xiriira qoraalka iyo AKhriska, taasina ay ka saacideyso inay u fududaato sheekooyinka ay rabaan inay wax ka qoraan, iyagoo ballan qaaday inay qoraalka iyo Akhrisba Noloshooda ku dabaqi doonaan.
Ma ahan tababarkii ugu horeeyey oo Naadiga Qoraalka iyo Akhriska ee Maskaxshiil uu qabto tababar nuucaani oo kale ah, kaasoo ku saabsan diyaarinta qoraalka iyo dhiiragalinta wax Akhriska, waxaana haddii la joogteeyo arintan ay wax badan ka badeli doontaa garaadka iyo maskaxda dhallinyaro badan oo aan hore wax u akhrin jirin una qori jirin.
Naadiga Maskaxshiil waxaa Aasaasay Dhallinyaro Aqoonyahano ah kuwaasoo go’aansaday in dhallinyarada aynigooda ah ay ku dhiiragaliyaan sidii ay ugu dadaali lahaayeen Akhriska iyo Qoraalka.