Monday, September 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Naadiga Qoraalka iyo Akhriska ee Hillin Hayaan oo Muqdisho ka bilaabay Ololaha Dhiirigalinta aqriska iyo Qoraalka “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Naadiga Qoraalka iyo Akhriska ee Hillin Hayaan oo Muqdisho ka bilaabay Ololaha Dhiirigalinta aqriska iyo Qoraalka “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Barnaamijka Ololaha hormarinta Qoraalka iyo Akhriska oo loogu talagalay in lagu soo bandhigo Buugaagta ay qoreen Qoraayaasha Somaaliyeed ayaa Naadiga Qoraalka iyo Akhriska ee Hillin Hayaan waxa uu bilaabay Olole lagu dhiirigalinayo Qoraaalka iyo aqriska kaasoo lagu qabanayo Dugsiyada waxbarasho ee ku yaalo Magaalada Muqdisho.

Ujeedada ugu weyn ee barnaamijkaan loo qabanayo ayaa ah in dhalinyarada Soomaaliyeed lagu Booriyo in ay badiyaan aqriska iyo Qoraalka si loo helo dhalinyaro badan oo karti u leh wax curinta iyo aqriska.

Related posts

Wasaaradda  Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

Wasaaradda Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

September 6, 2026
DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

September 6, 2026

C/qaadir Cabdi Axmed (C/qaadir Jubba) Gudoomiyaha Naadiga Qoraalka iyo Akhriska ee Hillin Hayaan oo ka hadlay Munaasabada lagu soo bandhigay Buug uu qoray mid ka mid ah Qoraayasha Soomaaliyeed aya shegay in Barnaamijyadani ay ugu talo galeen in Iskuulada waxbarasho ee ku yaalo Gobolka Banaadir ay u soo bandhigaan Buugaagta ay qoreen aqoonyahanada Soomaaliyeed laguna dhiirigaliyo in ardayda ay soo saaraan Buugaag kana sheekeeyaan taariikhda ay soo mareen si Jiilka ka danbeeyey ay ugu faa’iideystaan.

C/kariin Maxamed Garuun oo ah xoghayaha Naadigaan ayaa kula dardaaramay dadkii ka soo qeybgalay in ay ku dhiiradaan qorista Buugaagta si loo helo dadbadan oo fikirkooda ku cabiro karo hab qoraal Buugeed.
C/raxman Maxamed Cali (Black) oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa dadkii ka soo qeybgalay waxa uu kula dardaarmay in ay ku dadaalaan sidii ay u qori lahaayeen Buugaag ay ugu sheekeynayaan xaaladihii ay soo mareen ama sheekooyinkii ku dhacay.

C/naasir Yuusuf Macallin Guddoomiyaha Somali Pen u qaabishan koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa sheegay in Ololahaani uu muhiimad u leeyahay in dhalinyarada ay ku baraarugaan Qoraalka iyo Akhriska waxtarka uu u leeyahay in dadka wax aqriyo ay gaaraan horumar wanaagsan.

Ololahaan lagu dhiirigalinayo Qoraaalka iyo aqriska ayaa socon doono muddo afar bilood ah iyadoo lamari doono intabadan Dugsiyada waxbarasho ee ku yaalo magaalada Muqdisho,marka uu dhamaado Ololahani ayaa waxaa la soo saari doonaa Qoraal ka hadlaya faa’idooyinka laga gaaray.

SONY DSC
SONY DSC
SONY DSC

SONY DSC

SONY DSC

SONY DSC

SONY DSC

SONY DSC

SONY DSC

SONY DSC

SONY DSC

SONY DSC

SONY DSC

SONY DSC

Previous Post

Madaxweynaha Maamulka Ximan Iyo Xeeb Oo Gaaray Deegaanka Baxdo “Sawirro”

Next Post

Golaha Abwaanada Oo Xubnaha Baarlamaanka Ugu Baaqay In Ay Ansixiyeen Xukuumadda Cusub

Next Post
Barlamaanka Somalia oo u codeeyey in sabtiga golaha wasiirrada la horkeeno

Golaha Abwaanada Oo Xubnaha Baarlamaanka Ugu Baaqay In Ay Ansixiyeen Xukuumadda Cusub

Wasaaradda  Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

Wasaaradda Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

September 6, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Gaadidka iyo Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (M Hon. Mohamed Farah Nouh, ayaa si buuxda uga raalli-galiyey...

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

September 6, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa soo noqoshada falalka burcad-badeednimada ee ka dhacaya xeebaha Puntland ee Soomaaliya. Tan...

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO BOOQDAY TALISKA QAYBTA 1-AAD EE GORGOR

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO BOOQDAY TALISKA QAYBTA 1-AAD EE GORGOR

September 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibrahim Maxamad Maxamuud ayaa maanta booqasho shaqo ku tegay Taliska Qaybta 1-aad ee Kumaandooska...

Ciidanka XDS oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Madax-maroodi

Ciidanka XDS oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Madax-maroodi

September 6, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Kumaandooska Danab ayaa hawlgallo qorshaysan ka sameeyay deegaanka Madax-maroodi ee Gobolka Shabeellaha Hoose, Hawlgalkan ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In