Thursday, October 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Naadiga Qoraalka iyo Akhriska ee Hillin Hayaan oo Muqdisho ka bilaabay Ololaha Dhiirigalinta aqriska iyo Qoraalka “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Naadiga Qoraalka iyo Akhriska ee Hillin Hayaan oo Muqdisho ka bilaabay Ololaha Dhiirigalinta aqriska iyo Qoraalka “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Barnaamijka Ololaha hormarinta Qoraalka iyo Akhriska oo loogu talagalay in lagu soo bandhigo Buugaagta ay qoreen Qoraayaasha Somaaliyeed ayaa Naadiga Qoraalka iyo Akhriska ee Hillin Hayaan waxa uu bilaabay Olole lagu dhiirigalinayo Qoraaalka iyo aqriska kaasoo lagu qabanayo Dugsiyada waxbarasho ee ku yaalo Magaalada Muqdisho.

Ujeedada ugu weyn ee barnaamijkaan loo qabanayo ayaa ah in dhalinyarada Soomaaliyeed lagu Booriyo in ay badiyaan aqriska iyo Qoraalka si loo helo dhalinyaro badan oo karti u leh wax curinta iyo aqriska.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

C/qaadir Cabdi Axmed (C/qaadir Jubba) Gudoomiyaha Naadiga Qoraalka iyo Akhriska ee Hillin Hayaan oo ka hadlay Munaasabada lagu soo bandhigay Buug uu qoray mid ka mid ah Qoraayasha Soomaaliyeed aya shegay in Barnaamijyadani ay ugu talo galeen in Iskuulada waxbarasho ee ku yaalo Gobolka Banaadir ay u soo bandhigaan Buugaagta ay qoreen aqoonyahanada Soomaaliyeed laguna dhiirigaliyo in ardayda ay soo saaraan Buugaag kana sheekeeyaan taariikhda ay soo mareen si Jiilka ka danbeeyey ay ugu faa’iideystaan.

C/kariin Maxamed Garuun oo ah xoghayaha Naadigaan ayaa kula dardaaramay dadkii ka soo qeybgalay in ay ku dhiiradaan qorista Buugaagta si loo helo dadbadan oo fikirkooda ku cabiro karo hab qoraal Buugeed.
C/raxman Maxamed Cali (Black) oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa dadkii ka soo qeybgalay waxa uu kula dardaarmay in ay ku dadaalaan sidii ay u qori lahaayeen Buugaag ay ugu sheekeynayaan xaaladihii ay soo mareen ama sheekooyinkii ku dhacay.

C/naasir Yuusuf Macallin Guddoomiyaha Somali Pen u qaabishan koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa sheegay in Ololahaani uu muhiimad u leeyahay in dhalinyarada ay ku baraarugaan Qoraalka iyo Akhriska waxtarka uu u leeyahay in dadka wax aqriyo ay gaaraan horumar wanaagsan.

Ololahaan lagu dhiirigalinayo Qoraaalka iyo aqriska ayaa socon doono muddo afar bilood ah iyadoo lamari doono intabadan Dugsiyada waxbarasho ee ku yaalo magaalada Muqdisho,marka uu dhamaado Ololahani ayaa waxaa la soo saari doonaa Qoraal ka hadlaya faa’idooyinka laga gaaray.

SONY DSC
SONY DSC
SONY DSC

SONY DSC

SONY DSC

SONY DSC

SONY DSC

SONY DSC

SONY DSC

SONY DSC

SONY DSC

SONY DSC

SONY DSC

SONY DSC

Previous Post

Madaxweynaha Maamulka Ximan Iyo Xeeb Oo Gaaray Deegaanka Baxdo “Sawirro”

Next Post

Golaha Abwaanada Oo Xubnaha Baarlamaanka Ugu Baaqay In Ay Ansixiyeen Xukuumadda Cusub

Next Post
Barlamaanka Somalia oo u codeeyey in sabtiga golaha wasiirrada la horkeeno

Golaha Abwaanada Oo Xubnaha Baarlamaanka Ugu Baaqay In Ay Ansixiyeen Xukuumadda Cusub

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In