Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Nabaddoonnada Gobolka Hiiraan oo Baaq u diray Hay’adaha Ammaanka Gobolka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Nabaddoonnada Gobolka Hiiraan oo Baaq u diray Hay’adaha Ammaanka Gobolka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qaar ka mid ah Nabaddoonnada gobolka Hiiraan oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa  ka hadlay dilal shalay Gobolka Hiiraan loogu geystay labo nin oo ka mid ahaa Ganacsatada Gobolka.

Nabaddoon Xasan Yuusuf Cali  ayaa wax laga xumaado ku Tilmaamay falalkii dilka ahaa ee Gobolka loogu geystay shaqsiyaad ka mid ah Ganacsatada Baladweyn, isagoo bulshada ku nool Magaalada Baladweyn kula dar-daarmay inay Gacan ka geystaan iska qabashada Ragga wada falalka Argagixisada ah ee dilaya dadka wax galka u ah bulshada Gobolka isla markana diidan Nabadda dadka.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Si dookale Nabaddoon Jamaal xaaji cali ayaa tilmaamay in qorshahaan lagu dilay Ganacsatadaan ay tahay mid looga dan leeyahay in lagu joojiyo Howgallada ka Socda Gobolka kaa soo lagu saarayo Haraadiga kooxda Shabaab, wuxuuna ugu Baaqay laamaha Ammaanka Gobolka inay si deg deg ah u soo qabtaan gacan ku dhiiglayaashaasi dilay Ganacsatadaan aan waxba galabsan ee sida bareerka ah loo Dilay iyaga oo howshooda wata.

Horaantii sannadkii 2012 Gobolka Hiiraan waxaa laga saaray Kooxda shabaab oo halkaasi ku dhibaatay jiray dadka Ra’yidka ah  iyada oo gobolkaas xilligaas wiixii ka dambeeyay  Amnigiisu uu ahaa mid aad u wanaagsan hase ahaatee Muddooyinkii dambe waxaa Magaalada Baladweyn ee gobolka Hiiraan  ka dhacayay  dilal loogeysanayo Nabaddoonnada, Cuqaasha Waxgaradka iyo Ganacsatada, iyadoo hadda Bulshadu ay sugayaan Kaalinta Hay’adaha Amniga uga Aadan waxka qabashada Arrimahaas

Previous Post

Maamulka Ahlusunna Waljamaaca oo xiray wariyaal ka Howlgalayay Galgaduud

Next Post

Dhallinyaro Soomaaliyeed oo qayb ka mid ah Tartan Norway ka socda ku soo baxay

Next Post
Dhallinyaro Soomaaliyeed oo qayb ka mid ah Tartan Norway ka socda ku soo baxay

Dhallinyaro Soomaaliyeed oo qayb ka mid ah Tartan Norway ka socda ku soo baxay

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In