Tuesday, October 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Nabadoon Cosoble “Marka dadaal badan ayay dowladu galisay, Waa cusub ayaana noo baryay”

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Nabadoon Cosoble “Marka dadaal badan ayay dowladu galisay, Waa cusub ayaana noo baryay”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxamed Maxamuud Cosoble oo ka mid ah wax garadka ku sugan magaalada Marka oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in magaalada Marka haatan uu ka jiro isbadal aad u balaaran, isla markaan ay rajo wayn ka qabaan inay magaalada noqoto mid nabdoon.

 

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Nabadoon Cosoble ayaa xusay in magaalada ay wax badan ka badaleen ciidanka 14-ka October, kuwaasi oo ku guulaystay inay ammaanka magaalada sugaan sidoo kalana ay kala qaadaan oo nabad ay dhex dhigaan maleeshiyaadkii isku haystay magaalada.

“Dowladda iyo Madaxweyne Farmaajo si gaar ah ayay dadaal ugu bixiyeen xal u helida magaaladaan, runtiina aad ayaan ugu faraxsanahay hadii aanahay shacabka magaalada Marka.” ayuu yiri Nabadoon Maxamed Maxamuud.

https://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2018/10/nabadoon-Cosoble-1-1.mp3

Ciidanka 14-ka October oo ka mid ah ciidanka xoogga dalka ayaa tan iyo markii ay tageen magaalada Marka waxay ku guulaysteen inay sugaan ammaanka magaalada sidoo kalana ay kala qaadaan maleeshiyaadkii ku dagaalamayay magaaladaasi, waxaana talaabadaasi ay rumaysay rajo mudo ay naawilayeen shacabka magaalada oo ahayn inay nabad helaan.

 

Previous Post

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Sagootiyay Saraakiil Tababar loogu qaaday Turkiga+Sawirro

Next Post

Dowladda Soomaaliya oo garab istaagtay Boqortooyada Sacuudiga

Next Post
Danta guud ee Dalka halaga hormariyo danta gaarka ah (FAALLO)

Dowladda Soomaaliya oo garab istaagtay Boqortooyada Sacuudiga

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In